Monday, August 20, 2018

TAYo

#ILa_Qosol
****
Asagoo surwaal jeexjeexan sita (Xiran) ayuu odayga gabadha dhalay la kulmay markaasuu ku yiri: Adeer waxaan doonayey inaan kaa soo doonto gabadhaada. waxaan ka doorbiday inaan ku kala kulmo oo aan isbarano, wax aan isla meel dhigno, heshiino ka hor inta aan odayaasha wakiilka iga ah kuu soo dirin.
Odayga oo aad u la yaaban surwaalka wiilka uu xiran yahay una fahmey in ay daruuf adag heysato ayuu yiri:
" Maandhoow waxa aad inanteyda ku soo doonaneysid orod oo ku aradbax adigaaba surwaalka tolon la e"

Saturday, August 11, 2018

JOOJI
1. In aad runta ka cararto, Beena ku noolaato
2. In aad habeenki oo dhan soo jeedo, maalintina hurudo. Ma aha sidi Alle u abuuray uguna talagalay habeenka iyo maalinta
3. In aad ku noolaato xusuus iyo wixi aad soo dhaaftay 
4. In aad waqtiga ku dayacdo wax aan dan kuu ahayn
5. In aad isku haleyso dad kale inay farxad kuu keenaan
6. In aad iska fadhido oo caajis iyo wahsi ku diloodaan
7. In aad medadaalo iyo caweys waqti badan ku lumiso
8. In aad khiyaali iyo dhalanteed isaga jirto
9. In aad naftaada ka shakiso, noloshana ka quusato
10. In aad is tus-tus iyo halagaa sheego wax kasta u sameyso
11. In aad noqoto qof aan naftiisa ka adkaan karin, go’aana gaari karin
12. In aad cabasho, calaacal iyo cambaareyn joogta ka dhigato
BILOW:
1. In aad fahanto ujeedada nolosha iyo waxa aad u nooshahay
2. In aad Alle aaminto kuna kalsoonaato
3. In aad dadka caawiso, xushmeysid, una naxariisatid
4. In aad sameyso wixi wanaag ah oo aad Jeceshahay
5. In aad is-bedel dhab ah sameyso, go’aana qaadatid
6. In aad Alle ugu mahad celiso nimcada uu ku siiyay xilli kasta
7. In aad garato mas’uuliyad weyn in ay ku saaran tahay, wax kastana adigu aad mas’uul ka tahay
8. In aad dabeecadaada hagaajisid, kuna dhaqantid daacadnimo iyo cadaalad 
9. In aad aqbasho Qadarta Alle. Ogaatid wax kasta inay ku dhacaan sabab
10. In aad u furto maskaxdaada & Qalbigaaga inaad barato wax ku anfaca 
11. In aad ka faa’iideysato fursad kasta oo faa’iido kuu leh oo ugu horeyso maareynta waqtigaaga
12. In aad badiso Saburka iyo Salaada
13. In aad nafta ku mashquuliso wax dan kuu ah, qabatid hawl kasta oo kuu taal adigoo dib u dhigan
14. In aad waqti fiican la qaadato Qoyskaaga, daryeesho, kuna dedaasho horumarinta mustaqbalkooda
15. In aad u noolaato si fudud, dhulkana u socotid si tartiib ah
Noloshu way gaaban tahay, ha ku noolaan Qooto Qooto Iyo 

Wednesday, August 8, 2018

Tayo primary and secondry school

Abwaan: Liibaan ( Faraxsane)
Gabaygaan waa gabay Schoolka Tayo
Aan uqaaday markii iskuulka dib loo furay



Darjaale Wiilkii
Moddo diiftu heysee
Deggan mugdi iyo
Darayada kujirayoo
Mar hadii dadkaagii
Kufarxeen dadaalkaaga
Dugsiyadii lagu Furay
Aan kula dardaarmee
I amaahi maqalkaaga
Waa daw iftiin loo
Dihaalka gaaji iyo
Cudurada dilaagi iyo
Duli kaa fogeeyoo
Adiga iyo dadkaaguba
Deggan barwaaqa iyo
Lagu gaaro darajey
Kusii dadaaal waxbarashada
Markaagad danjiro iyo
Dadaheeye noqonoo
Dhis deganadena
Daraha bakiin iyo
wadooyin isdul Mara iyo
Dalsan aad kayeeliyo
 KOr uqaad hamigaaga
Dar xumooyinkii hore
Walaga dawooboo
Dhinacaaga nuur baa ah
Waa nuurkii Tayo Primary and secondary school.
Dacalkaaga joogoo
Ilaa aad digrii iyo
Darajooyin aad gaadho
Damiin ka ahaaninee
Dib ha ueegin wixii hore
Damiirkaagana usheeg
Inaa wiilal dooroow
Duli kaa ilaashoow
Jahli Kala diriroo
Kaa daalin leedahay
Kaa daalin leedahay
Qoraa sare: liibaan(faraxsane)


Waxaan diyaar u ahay inaa mar waliba kufaaido fadlan subscrib isaar mahadsanid

WhatsApp

Postiyada aan qoray waqtiyadooda