Sunday, May 10, 2020





COVID 19 IYO FURSADAHA KARANTIINKA.


“Sideen uga faa’iidaysan karnaa maalmaha karantiilka”.

Marka masiibo dhacdo, ee khasaaro nafeed iyo mid maalba yimaaddo waxa dedaal loo galayaa in  marka hore nafta la badbaadiyo, ka dibna maalka la badbaadiyo. Tani waa dariiqa kaliya ee adduunku maanta ku hawlan yahay, markii sadhada caalamiga ah ee Covid-19 dunida ku baahay. Waxa awooddii oo dhan la isugu geeyay in nafta la bixiyo. Haddii marka xanuun darani yimaado dadka cusbitaalada lagula cararayay hadda waxa la soo rogay in qof waliba gurigiisa joogo, si masiibadan looga gaashaanto. Sababtuna waa caabuqa oo noday mid caalamka oo dhan gaadhay. Waxa uu simay dawladihii quwadaha iyo Teknoolajiyadda baarka sare ka gaadhay iyo kuwii xariiqda faqriga ka hooseeyay. Waxaabu si daran u gumaaday dadyawgii dawladaha dunida koowaad. “Waa masiibo caalami” ayay tidhi hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO.

Malaayiin shaqaale ah ayaa shaqadii joojiyay, iskuuladii waa la fasaxay, jaamacadihii waa joojiyay, suuqyada saamiyadu waxay wajahayaan hoos u dhac. Dunidu waxay gashay xaalad aan la saadalin karin. Wadamada qaar isu imaatinku lama ogola. Talyaaniga milatarigii dagaalka loo carbinayay ayaa suuqyada lagu sii dayay si ay dadka ugu khasbaan in aanay kaabada guryahooda ka soo bixin. Dadka waa la karantiimeeyay. Dhakhtaradu waxay astaan ka dhigteen odhaahda ah “waxaanu halkan u joognaa in aanu idin badbaadino, idinkuna waxa guriyihiina u joogtaan in aad na badbaadisaan”. Waa masiibo keentay in guri-joognimada dan la moodo oo xalka laga baadho.

Masiiba kasta oo dunida soo foodsaarta ,  waxa garab socda fursado qofku hadaf u bedeli karo. Maalmaha karantiinka, ee dadka guryahooda lagu xareeyay, waxa nolosha ku soo kordhay waji cusub iyo hab fikir cusub. Waayo dadku waa hal abuure joogta ah maskaxdiisuna ma fadhiisan karto ee waa inJ Wali fursadi way jirtaa. Su’aasha ugu badani waxay ka timi wixii qofku qaban lahaa saacadaha badan ee uu guriga ku xaraysanyahay. Kuwani waa habab aynu uga faaiidaysan karo maalmaha karantiinka.

1.     RAAC TILMAAMAHA BADBAADADA IYO KA HORTAGA EE COVID 19.

Dunidu waxa y gashay xaalado adag oo aan la saadaalin Karin waxa dhici kara saacadaha soo socda. Caaqubu waxa uu awoodda bini aadamka ka dhigay mid liidata oo aan awoodin in ay caabido sida xawliga ah ee uu u fidayo iyo dhibkiisa. Kaliya waa lala tacaalayaa in laga guulaysto ha joogtee. Sidaas oo ay tahay hadana aadamuhu waxa uu jeexayaa waddooyin lagu yarayn karo ama lagaga hortagi karo. Dawladaha, ururada maxalliga ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee qaabislan caafimaadku waxay soo saareen tilmaamo la raacyao si qofku uga gaashaanto sadhada Covid-19. Haddaba, waajibka kowaad ee qof walba  saaran waa in aad fuliyo amaradaas oo si fiican u raaco marka  uu gurigiisa joogo iyo marka kaleba.

Waxa lagu faray in aad ku faraxalato Jeermis-ile ama saabuun. Waxa lagu sheegay in aanad guriga ka soo bixin ama aanad booqan qof caabuqa qaba. Raac tallaabooyinka waliba sida ay yihiin. Waa naf badbaadin. Haddii aad u hogaansanto baaqyada hay’ada caalamiga ah ee caafimaadka aduunka iyo amarada wasaaradaha ku shaqo leh waxa aad samaysay wixii loo baahnaa. Waxa aad ka qayb qaadatay in dadka iyo naftaadaba la badbaadiyo.

2.     BILOW KOORASYO ONLINE AH.


  1. Wakhtiga badan ee aad ku xayirantahay meel isku mid ah, ee aanad gurigaaga dhaafi Karin, waxa aad haysataa fursado badan oo aad wax ku qabsan karto. Isku day in aad xayiraada fursad u bedesho oo aad is diwaangaliso fasalo online ah. Waxa aad heli kartaa boqolaal kun oo galaasyo online ah kuwaasi oo lacag iyo bilaash labadaba ah.  Arintan waa soo jeedinta ugu badan ee la sameeyay intii xayiraadaa guryuhu soo baxday ama Covid-19 dadka guryahooda ku ooday. Maalmahan waxaynu haysanaa fursad aynu isku diwaan galin karo koorasyadaas, isla markaana aynu samayn lahayn shahaadooyin aan tiro lahayn. Booqo Coursera, Udemy, Edx, Khan academy iyo emarketinginstutite, oo ka qaado fasalo online ah si aad saacadahan badan ugu bedesho fursad. Wax baro maalmaha karantiinka.
3.     XIDHIIDHI ASXAABTII HORE.

Nolosha quruxdeeda wax aka mid ah asxaabta iyo dadka noloshu idin kulmiso. Dib u baadh kaydka asxaabta oo xidhiidhi asxaabtii hore ee aad wakhtiga soo wada qaadateen, wakhtigana isu waydeen. Xidhiidhi macnaheedu ma aha booqo, oo waadigan qolalka dhexdooda ku xayiran, balse waa uga baaq baraha bulshada adiga oo fariimo ama waraaqo u qoraya ama taleefan ka wacaya. Asxaabii waxbarashada dib ula xidhiidh waayo waxay qayb ka qaateen samaysanka qofka aad imika tahay. Xidhiidhka dadka muhiimka ah waxa ka mid ehelka iyo dadka kale ee muhiimka u ah jiritaanka noloshaada. La sheekaysiga asxaabtii hore waa nolol la dareemo oo qofka galisa in uu bartay dadkii ay ahayd in uu barto. Xaq bay u leeyihiin in aad la xidhiidho. Maalmaha karantiinka xidhiidh dadki hore ee noloshu ku bartay.


4.      BARO XIRDADAHA GURYAHA.

Raggu kuma badna gurijoognimada, waanay ku adkaataa in ay saacado badan ku negaadaan guriga. Waayo nolosha raggu inta badan waa mid dibadda u badan, oo hawlaha adduun raga ayaa kala wadidooda u badan. Mayee dumarkuna hadda nolosha qaybtooda waa ay haystaan oo karantiinkka waa ay dareemayaan. Mayee cabsida Covid-19 ayaa keentay in rag iyo dumar, carruur iyo cirroolaba guryaha naf la moodo, oo la wada xaroodo. Si kastaba ha ahaatee, qof waliba maalmaha karantiinka ee aan la ogayn dhamaadkooda waa dareemay.  Maalmahan ku qaado aqoon korodhsi la xidhiidha xirfdaha guryaha yaal. Maalmahan waa fursad aad ku baran karto xirfdaha kala duwan ee guryaha sida samaynta qalabka cuntada ee guriga, dayactirka alaabta qalabka kala farnijarka iyo cusboonaysiinta guriga haddii uu duugoobay.

Saacadahan badan ee aynu guryaheena joogno waxaynu ku qaadan karnaa samaynta laydhka guryaheena, iyo barbaarinta ubadka oo ah xirfado muhiim ah. Gabadh ka waramaysay joogidda raga ee guriga ayaa tidhi “joogidda ninkayga guriga waxaan ka helay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin caawinta shaqada guriga, barbaarinta ubadka, hagaajinta qalabka guriga. Caruurtii ayuu wakhti la qaatay, isaga oo wax baraya, la ciyaaraya. Anaga oo hada 10 sano is qabna waxaan u isu helay fursad balaadhan oo aanu kaga sheekaysanyo noloshayada iyo xasuusiihii na soo maray. Waxaanu galay nolol farxad iyo cabsiba leh. Waa nolol cajiib ah.” Maalaha karantiinka waxa la baran karaa xirfadaha guryaha yaal.

5.      AKHRI BUUG.

Wax akhrintu in ay faa’iido iyo aqoon korodhsi tahay waxa u dheer in qofku wehel ka helo. Maalmaha Karantiinka waxa habboon in aad buugta dhaska ka tunto oo aad akhrido dhiganeyaal badan. Ha noqdaan kuwo aad wakhti u wayday oo kaydkaaga ku jiray ama kuwo ccusub oo aad hadda bilaabayso. Akhrisku buugta oo kaliya maha balse waxa muhiim ah in qofku la socdo xogaha darayga ama cusub ee maalin walba ka soo kordhay caabuqan dunida kaga qaylisiiyay si wacyigiisu ugu xidhnaado kolba halka xaalku marayo. Tani waxay u sahlaysaa in qofku noqdo mid wacyi gashan oo naftiisa iyo bulshadiisaba la socodsiin kara hadba waxa socda. Maalmaha karantiinka akhrisku waxaad ka helaysaa wehel iyo kumaanaan dhacdo oo jilayaal kala duwani metelayaan. Marnaba laguma cidloodo akhriska.

Inkasta oo nafta ku badantahay cabsida Covid-19 mararka qaarna naftu maqlayso dhawaaqyo deganaanta ka luminaya hadana akhrisku waa hab qofku fursad ugu bedeli karo maalmaha uu gurigiisa u xeraysan yahay. Cilmibaadheyaashu waxay sheegeen in qofku akhriska kaga baxsan karo warwarka isla markaana uu ka heli karo nolol kale oo xarfo ku qoran. Akhriska buugaagta taariikhaha hoogga ah ee adduunku soo maray iyo sheeko faneeda ayaa aqoonyahanku ku taliyaan in la akkhriyo xiliyada sidan oo kale u adag. Tusaale ahaan; qofka sheeko faneeda akhriyaa waxa uu awoodi karaa in uu saacodo badan akhriyo isla markaana ka mid noqdo nolsoha buugga uu akhriyayo. Buug badan akhri maalmaha karantiinka, waxa aad ka helaysaa wehel iyo wakhtigaaga oo wax macno leh aad ku qaadato.

6.      QOR XASUUS REEB.

Nolosha waa dugsi cajiib ah. Maalmo badan oo kala jawi duwan ayaa ka buuxa. Waxaaba tusaale u ah maalmahan cabsida badan ee dunidu wajahday sadhada Covid-19. Waynagaa guryahay ku xeraysan inaga oo aan saadalin Karin waxa dhici kara 24 saacadood ee soo socda. Maalmahan adag waxa habboon in aad sida filimka dib u daawato noloshaada ka dibna xaashida xasuus reebka ku xariiqdo maalmihii qadhaadhaa, macaanaa iyo dhacdooyinkii noloshaada sameeyey. Waa fursad aynu dhacdooyinka nolosheena ugu bedeli karo xarfo si aad akhrintooda ugu raaxaysato maalinta aad da ahaan waynaato. Xasuus qorku waa waxyaabaha qurxiya nolosha. Sawir iyo hubaag qoran ayaynu nolosheena ka reebaynaa, si aynu maalin uun dib ugu qosolo wixii waayo ina soo maray. Maalmaha karantiinka ayaa ugu fiican in dib loo kaydiyo xasuusaha nolosha.

Xasuus qorku wa muraayad aad nolsohaada ka daawanayso. Qalinka ku kaydi maalmihii caruurnimada, maalmihii iskuulka, maalmihii jaamacada, dhacdooyinkii noloshaada bedelay, shakhsiyaadkii noloshaada saamaynta taban iyo ta togan ba ku lahaa. Joog, xasuus qorka waxa ku jira qaybaha taban ee nolsohaada iyo maalmaha qadhaadh eek u soo maray, kaliya qaybaha quruxda badan ha qorin. Waayo waxa aad ka samaysantahay maalmaha macaan oo lagu daray maalimihii qadhaadhaa ee aad soo martay. Maalmaha karantiinka xasuus badan kaydi oo qalinka buugu isku daali.

7.     U SAFAR MEEL WALBA ADIGA OO AAN GURIGA DHAAFIN.

Dunida isku socodkii waa la xanibay sadhadan Covid 19 awgeed. Wali se xuduuduhu way furan yihiin. Adiga oo aan basaboor qaadan fiisana lagu saarin ayaad u socdaalli kartaa meel walba. Si aad socodkaalkaa u gasho ku xidhnow socdaalayaasha barta Youtube. Waxa aad ka helaysaa boqolaal Youtuber oo dunida ku socdaalay wadan walbna ka soo diyaariyay muuqaalo xiiso badan oo aad  u dareemayso sidii qof isaagu booqday meesan. La safar socdaalayaasha barta youbube. Waa safar aan Basabor lahayn. Maalmaha karantiinka waxa aad ku xidhnaataa socdaalayaasha barta Youtube ka buuxa.  Kuwan Ayaan kugu boorrin lahaa in aad raacdo: Cool vision, Drew Binskey, Vagabrothers, Yes Theory, Nass Daily, Indigo Traveler, PP Peter, Kara and Nate iyo qaar kalel.

8.     BARO LUUQAD QALAAD.

Barashada luuqad qalaad waa fursadaha laga faa’iidaysan karo maalmaha karantiinka. Waxa jira boqolaal degel oo laga heli karo koorsooyin dhinaca luuqadaha kala duwan ah kaasi oo qofku iska diwaan galin karo luuqadda uu rabo in uu barta. Barashada luuqad kale waa badhaadhe wayn, qofka oo luuqado badan bartaana waa qofka oo dunida wacaalkeeda ka war hela. Hadaba maalmaha karantiinka samayso saacado aad barato luuqad kale. Soo dejiso adeega Duolingo adiga oo ku kabaya barta Youtube si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan luuqadda aad baranayso.

Barashada luuqad aan ahayn tan aad u dhalatay waxay kordhinaysaa fursadaada shaqo. Waxa kale oo aad ku xidhmaysaa dadyaw kale oo aad ka korodhsanayso aqoon iyo taariikh. Luuqada cusubi waxay kuu sahlaysaa in aad barato dhaqanno iyo madadaaloooyinka bulshooyinka kale ee dunida. Luuqadaha qalaad barashadooda waxa laga helaa maaweelo iyo ku raaxayso haddii qofku hoos u sii galo. Baro luuqad qalaad maalmaha karantiinka si aad u weelayso saacadaha badan ee aad xaraysantahay

W/Q: Liibaan abdi cigaal(faraxsane)

Monday, May 4, 2020







Goormaa hawl la qabtaa?

Waxa la is wayddiin karaa goorma ayaa hawl la qabtaa si wakhtigeeda loo gu gabagabeeyo?  Inkasta oo hawli bilaabanto iyada oo aan la isba wayddiin su’aashan marka deegaankeenna iyo dadkeenna la gu saleeyo, qofkuna ka warqabka ah in hawli sugayso oo kali ah kaga maarmi karo in uu is wayddiiyo xiliga iyo sida uu u qaban doono, haddana waxa la ga ma maarmaan ah in la ga jawaabo goorma ayaa ay tahay in aad hawli muddo-dhamaad leh bilawdo fulinteeda?.  Fulinta hawlaheena waxa ay ku xidhan yihiin diyaar ahaanshaha maskaxeed iyo jidheed ee aynnu leenahay innagu iyo sida aynu u qaabaynno hawsha inna hortaalla inaga oo ka cararayna fashil ku yimaadda hawl-qabadka inna sugaya.  

Mararka qaar nafteena waxa aynu ku aragnaa dhammaadka fashilka iyo guuldarrada.  Markan waxa aynu xidhanaa muraayad ina tusaysa in aynaan waxba qaban karin, ama aad tahayba qof hawl waliba isaga ku adagtahay. Humaag-beenaadkaasina waxa uu ku gayaysiinayaa in aad khalad ka fahanto awooddaada qofeed, sidaana isku dhiibto.  Dadka ku takhasusay aqoonta xikmad-nafeeddu [psychology] waxa ay qabaan in qofka iyo habfikirkiisu qaybta koowaad ka yahay dib-u-dhaciisa, sida uu qaybta u  gu mudan  u ga yahay horumarkiisa, taasina ay ka imanayso kolba sida uu ka aaminsanyahay awooddiisa qofeed ee uu ku beegayo waajibadada ama hawlaha  horyaalla.   Hore-u-socodka qofka waxa door muhiim ah ka ciyaaraya kolba sida uu u falo hawlaha joogtaada ah ee horyaalla, kuwaasi oo uu fulintooda dhiirigalin ka helayo, fashilkoodana niyad jab ka soo gaadhi karo. labadaas dhexdooda ayaa ay ka soo baxaysaa hal-adagynimada ah in aad aqbasho kakanaanta hawlaha iskana reebto bahaqa aad ka qabto in aad hawl ku fashilanto ama fulinteedu ku gu adkaato.  Fahamkan tabani waxa  uu ka been abuuraa awooddeena kaydsan.

Markale waxa aynu isku aragnaa dhammaadka tabardaradda. Fikradani waxa ay ku tusaysaa in aad tahay qof ka u gu tamarta liita, ee aan hawl loo diray waligii ku guulaysanayn ama aan ku dhamaystirayn wakthigii loo qoondeeyay in ay ku dhammaato. Inta badan ma isku aragtaa adiga oo qawadaya wakhtiga la gu siiyay si aad hawl u soo dhamayso?, haddii ay tahay  waxa aad abuuraysaa boqolaal cudur daar oo aad kalidaa arkayso. Cudurdaarradani waxa ay kaa dhigayaan mid ka takhalusi kari waayay xujada hortaalla ee ah in uu hawl hortaalla wakhtigeedii ku qabto.  Marka aad aragtidan qabto waxa uu qofku ka  runsheegaysaa laba  arrimood midkood, in aanu lahayn xirfaddii hawsha hortaalla uu ku qaban lahaa, isla jeerkaasna uu ka cabsiqabo  in uu ku fashilmo ama in aanu lahayn awoodda wax abaabusha [inspiration] taasi oo qofka u sahli karta in xataa hawsha aanu xirfadeeda lahayn isku dayo isla jeerkaasna barto sidii uu u fulin lahaa, fashillo badan ka dib.

Mar kale waxa aynu istaagnaa fagaaraha hawl-adagynimada iyo hawlkarnimada, inaga oo arkayna guulo iyo barwaaqooyin ka dhalanaya fulinta joogtada ah ee hawl maalmeedkeeena iyo ku-dhiirashada fulinta hawlaha kakan ee nolosheenna qurxiya. Dhiirranaantan iyo ku dhaca waxa aynnu ku kasbannaa tijaabooyinka joogtada ah ee aynu nafteenna ku hoggaaminayno, inaga oo fulinta hawlaha inna horyaalla ku jeesjeesnnay, waliba si kalsooni leh oo wakhtiyaysan u fulinayna.  Awooddeenna iyo garashadeenna waxa aynu isugu gaynna gudashada hawl-qabadada nafteena horumarinaya, inaga oo laba shay aad u ilaalinayna; wakhtiga iyo si togan u-adeegsiga walxaha [Resource] aynu haysanno.  Tani waxa ay ka soo horjeeddaa ta hore ee aynnu xagga sare ka ga warrannay.  Waana labada arrimood ee qofka u sahla in uu shaqooyinkiisa u qabto si tayaysan.

Waajib ma aha in bini aadamku  markaliya ka wada fikiro mustaqbalka iyo waxa dhici doona, waayo mustaqbalku waxa uu ka samaysan yahay isugaynta waxqabado kala danbeeya , xilliyo kala danbeeya.  Dib-u-dhac, farxad, horuamar iyo fursado la mideeyay ayaa timaadadu ka unkantaa. Laakiin waxa inna horyaalla hawlo yaryar oo gudashadoodu sida jaajuurka u dhamaystirayso dhismaha guusha ee aynu rajaynayno.  hawsha u gu muhiimsan ee timaada kaa sugaysaa waa in aad rajayso qorshahaagana ku darto in aad waxa imika kuu yaala ku gaadho timaaddo wanagsan [macnaha in aad hawl walba wakhtigeeda ku dhammayso, adiga oo tashiilanaya walxaha [resource] aad haysato], hadda ha fikirn ma aha, se waa fikirkaaga ku xidh hawlqabadka maalinlaha iyo qorshayntooda. Markaas ayaa timaadadu noqonaysaa wax si togan loo ga fikiri karo.   tani waxa ay meesha ka saaraysaa in aad iska fadhiisato, ka dibna ku hammido in aad cirkaa gaadhayso, hawlina waa bartii aad dhigtay oo aanad wali ka qaadin. Waa waddo kale oo kuu sahlaysa in aad hawl walba isugu diyaariso aminta loo baahanyahay in la bilaabo.

Inta aynnaan ka jawaabin goorma ayaa hawl la qabtaa aynu hawlaha la qabanayo laba u kala qaadno,hawl waajib ah oo dib-u-dhaceeda iyo gudasha la’aanteedaba ciqaab ama abaalmarin tabani inaga soo gaadhi karto. Tusaale ahaan in aad maalintii shaqo tagto waa wajib, in aad xilliga la guu asteeayay shaqadaada ku gudato oo hawlaha aad u astaysantahay amintooda ku fuliso iyana waa waajib kale. fashilka shaqadaada waxa ka dhalanaya dhibaatooyin badan oo ay u gu horrayso in aad kasban waydo wixii aad u timi goobta shaqada oo ah “gunno” ama “mushahar.” Waxa kale oo ka mid ah in aad ciqaab kale la kulanto sida shaqo-ka-saarid, hoos-u –dhigid  ama niyad jab kale oo ku gu riixi kara in aad naftaada u aragto  qof aan haba yaraatee waxba qaban karin sida aynu qormada bilawgeeda ku sheegnay.

Dhanka kale hawsha la qabanayaa waxa aynu u qaadan karraa in ay tahay mid “tabarruc” ama qurxin ah. Waa hawl aan waajib ku gu ahayn, balse fulinteeda aad si uun dheef dadban u ga helayso, haddii aad qabanwaydo aanad kala kulmayn, arrimaha aynu qodobka hore ku xusnay.  Qabashada hawlaha qurxiya nolosha waxa ay dhisaan qofka iyo qofnimadiisa, aqoontiisa iyo fahamkiisa, waxa aanu dareemaa sarrayn iyo kalsooni uu ka qabo qofnimadiisa, taasi oo markalena ka caawinaysa in aanu biyo u kaban hawlihiisa waajibka ah, ee noloshiisa iyo hourmarkeedu ku dhisan yahay.  Tusaale ahaan in aad toban buug bishii akhridaa waa hawl ka baxsan kuwa waajibka ku gu ah. Kaliya waxa aad dhisaysaa maankaaga iyo fahamkaaga aqooneed ee dunida maskaxdaada ka baxsan. Inta badan dadka ka takhalusay hawlahaooda waajibka ah ayaa ku tookha ama gaadha heer ay kuwa tabaruc ahna qabtaan si naftooda u gu dhisaan, bulshadana u tusaan tayoooyinkooda qaybta togan. 

Haddaba Jawaabta su’aasha aynu maqaalka saarnay waa la gu kala duwanaan karaa.  Mayee waaba la gu kala duwanyahay oo  aqoonyahanno badan ayaa siyaabo kala duwan u ga hadlay ama u ga jawaabay.  Goorta  saxda ah ee hawl la qabto waxa maamula duruufo kala duwan balse aminta u gu habboon ee la bilaabayo hawl waxa qeexid maangal ah saaray  Alian Boton. Alian Boton waa   aqoonyahan Filasoofar ah oo reer Switzerlan ah. Waa qoraa qoray dhiganeyaal dhawr ah oo u gu caansanyihiin  Essays in Love and How Proust Can Change Your Life. Alian waxa isku hawlay in uu si la fahmi karo inoo baro wakhtiga qofku hawl wakhti-dhammaad leh bilaabi karo isaga oo qaadanaya laba shay “cabsida fallidda hawsha iyo si xun u falidda hawsha.” Waxa uu yidhi “hawshu waxa ay bilaabantaa marka cabsida aad ka qabto in aanad waxba qaban karin ka badato cabsidaada ah in aad six un wax u fasho/qabato.”  Waxa kale oo xog la xidhiidha kala duwanaansha hawl qabadashada iyo maskaxda dadka ka ga bogan karraa qormo luuqada Ingiriisida la ga soo haltebiyay oo loo bixiyay Maxay qoreyaashu noqdeen dadka u gu wahsiga badan. Qormadani waxa kala oo ina baraysaa sida ay isugu lammaanyihiin wahsiga, hawlqabadka iyo kala duwanaanshaha maskaxda dadka.

Fahamka weedhan uu ku qeexay Alian xiliga hawl fulinteeda qofku bilaabo waxa uu ka soo dhiraandihiriyay dhinaca dareenka nafsiga ah ee qofka oo ah “baqaha”, waliba baqaha fashilka hawl-fulinta.  Baqahaaga ayaa qayb wayn ka ah fulinta iyo fulin la’aanta hawl ku hortaalla.  Si aynu u fahanno tibaaxda Boton aynu soo qaadano tusaale nololeed.  Waxa aad tahay arday wax ka dhiganaya kuliyad jaamacadeed. Waxa la guu  dirya layli aqooneed heer jaamacadeed ah, oo la gaa rabo in aad ku soo fuliso 100 saacadood ka dib.  Nooca layligani waa mid isugu jira waxa aad soo dhigatay iyo wax u baahan in aad baadho, oo aad boqolka saacadood ku gaadhi karto wali ba si fiican.  Saacaduhu waa ay soconayaan adiguna waxa aad maanka ku haysaa in hawshaa qabashadeedu laba arrimood dhextaalo, cabsidaaad ah in aad laylilga garanwaydo  oo aanad qaban karin iyo cabsi la’aantaad ah in aad si aan la qaadan karin [qalad]  u qabato. Halkaana aad kala kula kulanto yasid aqoontaada la soo gudboonaata maaddaama oo aad layligii sida la rabay u ga soo shaqayn wayday.

Muddo marka aad labalabayntaas [hesitation] ku jirto waxa aad gaadhaysaa amin wakhti-dhammaadkii [deadline] hawshaba la gaadhay ama waxyari ka dhimanyihiin. Markan go’aanka ku horyaallaa waa in aad  wax qabato, haba qaldanaato hawsha aad qabanaysaa waayo, waxa aad ku qanacday in aad ka cabsanayso in aad waxba qaban kari waydo, adiga oo aan ka cabsanayn in aad layligan si aan sax ahayn u qabato.  Markan ayaad xaqiiqsatay xiliga aad hawl bilaabaysaa in ay tahay goorta aad labadan ammuuurooda kala dooratay. Cabsidaada ah in aad layligan qabankari waydo ayaa ka badatay in aad si aan sax ahayn u qabato.  Muhiimadda waxa aad saartay in aad wax qabato haba khaldanaadaane, si aad hawsha wakhtigeedii u gu dhammayso.

 “Waa in aad qabtaa wax aan suurto gal ahayn si aad u gaadho wax aan suurogal ahayn” odhaahdan sare oo aan ka soo dheegay afka Ingiriisida waxa ay inna baraysaa in isku dayga shayga ay adagtahay ama dabci ahaan loo yaqaan wax aan la gaadhi karin, qabashadiisa la gu gaadhi karo guul ay adagtahay in la ga fikiro, mayee  guul wayn.   Xikmadani waxa ay inaga saaraysaa in aynu adeegsanno weedha ah “suurogal ma ah ama lama samayn karo”.   Xikmadaha nafsiga ah ee halkan la ga dareemyo waxa  dhabarka kale ka ga gudban wahsi, caajis, iyo is-dhigasho taasi oo marka danbe ku baraysa in carrabkaagu laasimo halhayskan dib-u-dhaca ah ee aynu xagga sare ku xusnay.  Marka se aad weedha aynu soo turjunay dul istaagno waxa kaa baxaya khuraafaadka beenta ah iyo humaagga aad istusayso ee ah in hawl ku hortaaalla tahay ama u egtahay mid aan la qaban karin.  In aad hawl kasta oo ku horaalla bilawdo ayaad beegsanaysaa. 

Waxyaabo badan oo aad aragtay ayaa  kuu gu muuqanaya kuwo ay adagtahay in la qabto, taasina waxa ay inta badan abuurtaa baqe ah in aanad hawshaa ka soo bixi karin.  In hawli ku gu adkaagto macnaheedu ma aha in aanay suurogal ahayn in la qabto hawshaas, balse waxa ay u baahantahay kaliya isku day iyo joogtayn.

Badheedhaha ayaa qofka ka saara shakiga uu ka qabo awoodihiisa kaydsan, isla markaana u tababara hawlo aanu hore u gu dhiirran jirin. Markasta oo aad isku daydo in aad wax qabato, haba xumaadaan sida aad u qabanaysaaye waxa la ga yaabaa in aad iska jabiso quful adag oo aanay jirin cid ku gu xidhay. Mayee dabeecadda ayaa ku fartay in waxaasi adag yihiin ama ay ka awood sarreeyaan tamartaada kaydsan.  Si haddaba qofku u ga gudbo dayrka horyaalla ah ee ah cabsi beenaadda ku tidhi “waxaasi waa ay adagyihiin ama la ma fali karo” qofka waxa uu baahida koowaad qabaa in uu lahaado laba arrimood oo u baahan in uu is baro; badheedha  ama kudhac ah in uu hawl isku dayo  iyo dhisidda kalsoonida qofeed si amarku ruuxdaa u ga soo fulo oo naftaadu amar kama danbays ah kuu siin karto si aad hawl aanad hore u qaban jirin ama baqe kaaga jiray fulinteeda  culayskeeda naftu kuu dareensiisyo.

Guulaha ug u jiritaanka dheer iyo helidda walxaha kownka u gu qaalisan waxa dhammaantood ku gedaaman duruufo iyo darbiyo adag.  Xikmadda  ka danbeaysaana waa in dadku kala baxo oo u kala miirmo mid karti leh oo duruufahaas iyo dayrarkaas jabiya iyo  mid fadhiid ah oo ku cataaba in aan wax macquul ah oo la qaban karaaba jirin.  Maarkan ayaa dadka qaarna ka dhigay kuwo la gu cabbiro fuudhka guusha kuwana la gu cabbiro guuldarada.
“hadduu dhiciyo yoolkaad lahayd looma dhaco hoose
Dhexdaa loo xidhaa maalintuu dheelli kaa galo”

Labadan bayt oo uu leeyahay abwaan da’yar oo la yidhaa Kayse Galaydh waxa ay si wanaagsan inooga caawinayanaan in aynu sii joogtayno hawlaha aynu qabanayno oo aynnaan u isu dhiibin dheeliga iyo caqabadaha kolba wadada u sii galaya socdaalkeena aynu u gu jirro xaqiijinta yoolalka nolosha. Si aynaan dhibaneyaal u gu noqon jidgooyooyinka iyo istabaha xoogaga iskacaabinta ah ee ka hor imanaya halka aynu geediga ku nahay waxa aynu ku adkaysanaynaa in aynu sii wadno oo hawl kasta oo adkaata ku celcelinteeda la qabsanno si wakhtiyasanna u bilawno u na dhammayno oo aynu dheelitiro janheedh kasta oo  ku yimaado hawl-qabadada inna horyaalla.

Qofka soomaaliga waxa uu duruufta kala siman yahay dadkyawga kale ee dunida, kuwana wuu kaga duwan yahay. La ga yaabee in qofka Soomaalilga ah ee meeli u calaamadsantahay aanu helin fursado badan oo taageera si uu halkaa u gaadho taa bedelkeedana uu la kulmo duruufo jallaafeeya oo Soomaalida u gaar ah sida faqriga, dagaalada iyo dhaqaale xumaanta, hoosaynta tiknoolajiyadda. Sidaasi oo ay tahay haddana jidka  hawl qabadku waa waddo kurtimo badan una baahan in marwalba waxa suurto gal ah la qabto. Si aynu u rumaysano in aynaan caqabadaha hawlqabadka kalideed la noolayan waxa aynu u baahanahay in aynu derisno dunida inagu xeeran iyo sida ay u noolyihiin bulshooyinkoodu. Tani waxa ay innaga cawinaysaa in aynu fahamno kala duwanaanta duruufaha iyo halka aynu bulsho ahaan kaga jirro.  Waa tii Soomaalidu ku maahmaahday “ninba ceesaantii ceel keentay”, maahmaahdan meelo badan ayaa loo adeegsan karaa, laakin halka aynu ka qaadanynaa waa in qof waliba duruuftiisa, awooddiisa iyo waxa uu qabanayaa isku miisaamanyihiin.


Hawl wakhti-dhamaad leh waxa la gu qaban karaa u-diyaar garaw, jajabin, dhiiranaan iyo kala doorashada labada cabsiyood ee aynu kor ku xusnay. Qormadani waa aragti wadaag, balse ma aha qaacido xidhan, taas oo macnaheedu yahay jawaab kasta oo ka ga macquulsan su’aasha ay ka jawaabayso waa la qaadan karaa.

W/Q: Liibaan abdi cigaal(faraxsane).

Sunday, May 3, 2020

           Libaaan Abdi cigaal

    

      Barta qoraalka iyo hiilka afka



10 Dhaqan oo ay Leeyihiin Dadka Tijaarta ahi.
     
Dadka kawn kaan ku nooli dhamaantood waxa ay  socod joogto ah iyo dedaal joogta ah u gu jiraan sidii ay u noqon lahaayeen kuwo hantiileyaal ah, oo figta sare ka gaadhay maal adduun.  Darajadan dadka oo dhami ma wada gaadhaan balse waxa hela dad kooban oo sameeyay arrimo gaar ah , isla markaana maray dariiqooyin guul ku hoggaamiyay. Halkan maanta wxa ayu ku soo gudbin doonnaa toban dhaqan oo ay leeyihiin dadka qaniga ah. Dadka tijaarta ah marka aynu leenahay uma jeedno dadka hantida ku helay si lama filaan ah ama dhaxal ahaan ku helay, balse waa dadka dadaal iyo karti ay muujiyeen ku gaadhay heer miyaneernimo .



    1.  Waxa ay kacaan saddex saac ka hor xilliga shaqada.

Sida ay sheegeen cilmi-baadheyaashu, dadka tijaarta ahi waa kuwo goor hore kaca, isla markaana diyaar garaw fiican sameeya ka hor inta aanay tegin goobta shaqada. Taasina waxa ay ka dhigtay kuwo firfircoon. Qofka oo goor hore kacaa waxa uu helayaa firfircooni maskaxeed iyo mid jidheed taasina waxa ay u sahlaysaa in uu noqdo qof tamartiisa ka faa’iidaysta.



2. Waxa ay ka Hadlaan Fikradaha, Laakiin kama Hadlaan Mushkiladaha.


Dadka gaadhay guulaha maaliyadeed waa dad awoodda saaraha soo shaacbixinta fikrado cusub oo xidhiidh la leh hadafyadooda dhaqaale iyo kuwooda qof ahaaneedba. Kuma mashquulaan wakthina kuma bixiyaan ka hadalka dhibaatooyinka, balse waxa ay awoodda saaraan xallinta dhibka taagaan. Waxaanay hal-abuuraan waddooyin cusub iyo fikrado cusub oo nolosha wax ka bedela.  Waa fikrad ka hadlayaal.


3.Hal Saac Wax Ka Badan Ma Daawadaan TV.

      
Sida uu xusay qoraaga Thomas Corley ku sheegay  buuggiisa “Rich Habits: The Daily Success Habits Of Wealthy Individuals,” 67% dadka tijaarta ahi ma daawadaan TV hal saac wax ka badan maalintii. Taa bedelkeedana waxby akhriyaan. Halkani waxa ay inna tusaysaa in aanay wakhti badan galinin daawashadii TV, haddii ay daawadaana ay saacado kooban horfadhiyaan muuq-baahiyaha hortiisa.




     4.Waxa ay sameeyaan jimcsi maalin kasta haba yaraadee.
      
Inta badan dadka tijaarta ahi waxa ay leeyihiin hiwaayad jimicsi, waxa aanay sameeyaan jimicsiyo kala duwan si naftoodu u hesho deganaansho iyo tayo jidheedba. Jimicsiga waxa ay kaga baxsadaan in ay noqdaan balwadaystaal, dhanka kalena waa fursad ay jidhkooda kaga dhigayaan mid adkaysi u leh hawlah culus ee ay hayaan.


    5. Khatarta Ayaa ay Wajahaan si ay Natiijo u Gaadhaan.


Milyaneerada guulaystaa waa kuwo khatarta wajaha, Adduunkoodana ku aamina badeecado khataro badani ku lammaanyihiin. Tani waxay ka dhigtay kuwo guusha kala soo dhex baxa 50/50  strategy. Xeeladani waa midda ka dhigtay in ay noqdaan kuwa yoolalka nolosha tijaabiya dadkana u jeexa waddooyin ay u maraan guusha.



6. 86% tijaartu waxa ay akhriyaan  ugu yaraan hal buug bil kasta.



Sida ay xuseen aqoonyahanada dabagalka ku sameeya dabeecadaha dadka guulaysta, 86% tijaartu waxbay akhriyaan. Waxa aanay leeyihiin mawduucyo u gaar ah oo hadafyadooda wax ka taraya ama ganacsiyadooda kaabaya. Sida la sheego ma akhriyaan buugaagta khiyaalka ku dhisan sida NOVELKA. Waxa ay u dhabbagalaan akhrinta buugta khusaysa xaqiiqooyinka nolosha iyo mawduucyada la xidhiidha horumarka.



 
         7. Waxa ay ku Jiraan Aqoon Korodhsi Joogto ah.



Inkasta oo ay jirta xanta ah “in dadka dunida ugu taajirsan aanay aqoontooda hore wanaagsanayn”, haddana tijaartu waxa ay ku jiraan waxbarasho joogto ah. Tusaalaha nool ee qarnigani waa mulkiilaha Shirkadda Faysbuug oo qalinjabiyay sanadkii 2017 isaga oo markii hore kaga tegay waxbarashada fasalka labaad ee jaamacadda. Tan macnaheedu ma aha in aan dadka guulaha maaliyadeed gaadhay soo marin waxbarasho toos ah, balse waxa ay ku jiraan aqoon korodhsi joogto ah, iyaga oo mar walba isku daya in ay bartaan aqoon cusub.


   8. Waxa ay Leeyihiin Tusmo Hawleed Maalinle ah.

Sida ay sheegeen xeeldheerayaal aqoon u leh dhaqamada dadka guusha ka gaadhay dhinaca maaliyadda, dadka tijaarta ahi waxa ay leeyihiin tusmo qoran oo ay ku xardhaan hawlqabadkooda si maalinle ah ama todobaadle ah. tani waxa ay ka dhigtay kuwo tub ku joog ah oo garanaya maalin walba hawsha ay qabanayaan, isla markaasna si hormaysan u kala jajabinaya hawlqabadkooda. Tusmadaas oo ay ku sameeyaan dabadagal si ay u ogaadaan wixii u ga qabsoomay iyo waxa qabyoobay hawlihii ay ku xuseen buugga hawl-qabadka maalinlaha.  Meelahani waa meelaha ay kaga dheereeyeen dadka kale ee caadiga ah.


9. 70%  waxay sameeyaan xidhiidho fiican.

                
Dadka sameeyay guulaha sare waa kuwo leh xidhiidho fiican isla markaana sameeya shabako isku xidhan oo ay wadaagaan caqabadaha, fursadaha iyo aqoonta kaleba. Sida ay sheegaan culimada ku xeeldheer arrimahani "xidhiidhka fiicani waxa uunka qayb qaataa horumarka qofka iyo in uu helo cid uu wax ka barto isaguna wax baro."




10. Tijaartu waa kuwo Mashquul ah, oo Tub Ku-joog ah.

                           
Tijaarta guulaha sare gaadhay waa kuwo mashquul badan oo mar walba ku hawlan horumarinta yoolashooda nololeed. Waxa ay khabiiradu sheegaan in  ay tobaadkii shaqeeyaan inta u dhaxaysa 65-80 saacadood.  Tani waxa ay sahashay in nay noqdaan kuwa waxsoosaar badan oo aan wakhtigu kaga lumin waxyaabo aan dantooda ahayn.







Haddaba daawade xogahan, ma kuula muuqdaan kuwa wax ka bedelaya noloshaada. Maanta same tallaabooyinkan, si aad noloshaada wax u ga bedesho.


Qalinkii: Liibaan Abdi cigaal (Faraxsane)

Waxii fikir ah meesha hoose noogu reeb commentiga insh Allah waan kaaga soo jawaabi doonaa
Mahadsanid
Lawadaag dadka kale
Sida Loo Noqdo Qof Shakhsiyad Xooggan Loogana Takhaluso Shakhsiyadda Daciifka Ah

Shakhsiyadda xoogga badan, waa shakhsiyadda joogtaysa horumarka iyo kor-u-socodka, shakhsiyadda maskaxda adag ee aan joogtayna wax ka beddelka nolosheeda, ka faa’idaysan aqoonin fursadaha, mar kastana ku koobnaato hadba inta ay markaas hawl hayso oo sida ay tahay uun ku ilaaliso. Qofka shakhsiyaddiisu xooggan tahay waa kana la garan kara sharkka iyo khayrka, saxa iyo qaladka, waa kan garan kara duruufaha runta ah ee hortiisa yaalla iyo jihada ay xaaladuhu u socdaan. Marka la soo koobana horumarka iyo horu-socodku waa laba shardi oo lagama maarmaan u ah shakhsiyadda qawiga ah, midho dhalna noqda.
Qofka shakhsiyaddiisu daciifka tahay, waa ka aan ka faa’idaysan waqtigiisa, caafimaadkiisa iyo kartidiisa iyo guud ahaanba awoodihiisa jidheed iyo maskaxeed. Qofka shakhsiyaddiisu daciifka tahay waa qofka aan xakamayn karin hab-dhaqankiisa iyo anshaxiisa, waa ruuxa aan qaladkiisa duruus ka badan, wixii ka qaldanna dib u sixin.

Dabeecad ahaan dadku majecla shakhsiyadda daciifa ah, ruuxa walaac iyo labac-labacda badan ee aan ku fiicnayn go’aan qaadashada iyo ku dhiirrashada xaqa iyo in uu waajaho dadka kale. Qofka aan ku fiicnayn in uu aragtidiisa cabbiro iyo in uu difaaco midna, isla markaana aan awoodin la macaamilka iyo xal u raadinta arrimaha ku adkaada iyo masiibooyinka.
Qormadan waa talooyin ay xeeldheerayaasha cilminafsigu bixiyeen oo qofka ka caawinaya daciifnimada shakhsiyaddiisa:
1. Awood u yeelo in aad naftaada xakamayso: In qofku uu awoodi karo in naftiisa uu ka xakameeyo balwadaha iyo wax yaabaha ay xiisayso, in uu ka ilaalin karo, eexda, cadhada, iyo in naftiisu ay xukunno iyo go’aamo iska gaadho iyada oo aan xog iyo cilmi ku dhisayn iyo sidoo kale in uu dadka kale kula macaamilo ixtiraam iyo dulqaad.
2. Damiirkaagu ha noqdo mid kuu diida gefka: In damiirkaagu uu kugu dhaliyo shucuur marka gef dhaco ku dareensiin karta in aad dembi gashay, awood, doonis sugan, karti iyo qirashada qaladka iyo in aanad ka baxsan mushkiladahaaga ee aad waajahdana mar kugu beeri kara.
3. Hiigsigaagu ha kuu caddaado, himiladaadana ogow: In aad hiigsi yeelato, himiladaaduna noqoto mid kuu cad oo jidka aad u marayso aad garanayso dhib kasta oo kaa hortimaaddaana aanay hagar daamo kugu ridayn. Wixii aan intaas ahayna waxa uu furfurayaa maskaxdaada iyo awooddeeda u fiirsi iyo fikir, waxa aanay raadayn taban ku yeelanaysaa awoodda aad u leedahay in aad afkaartaada gaadhsiin karto qofka ku dhegeysanaya, taasina waxa ay daciifinaysaa shakhdiyaddaada oo ay dadka u tusaysaa in ay daciif tahay.
4. Dadka u calool dabac, dhibirsanaanta iyo naxariistana owog: In aad dadka naxariis ku qaabisho, u dhibirsanaato, dhibta ay qabaanna uga calool dabacdaa waxa ay ka mid tahay calaamadaha xoojisa shakhsiyadda qofka.
5. Niyadsamaanta iyo in aad indho caafimaad qaba ku eegto waxa kugu xeeran: Waa in aad noqotaa hoggaamiye ay ka go’antay ku socoshada jidka uu ku rumaynayo rumaynta riyadiisa, laakiin jidkaasi waa in uu noqdaa mid kuu bannaan oo aan dembi iyo xad gudub ahayn si aad u gaadho himiladaada. Waa in aad nolosha wax yaabaha togan oo keliya ka fikirtaa ugana faa’idaysaa.
6. Naftaada ku tababar in ay waxbarasho joogto ah u diyaar ahaato: Qofku noloshiisa oo dhan waxa uu ku jiraa xaalad waxbarasho, waxaa joogto u soo marta duruus noloshiisa khusaysa oo isugu jira kuwo cilmi ah iyo kuwo ficil ahaan uu
Ku arko. In aad waanada iyo talooyinka cusub raacdo, in aad waxbarato iyo in aad fici u rogto waxa aad barato, arrimahaasi waxa ay ko u qaadayaan kaalintaada bulshada dhexdeeda waxa aanay kaa dhigayaan shakhsiyad awood badan oo doonis leh.
7. Imaan qabow: Shakhsiyadda awoodda lihi waa ta ku iimaan qabowsan hadba waxa ay gacanta ku hayso, kuna qanacsan inta gacanteeda ku jirta ee aan eegin waxa dadka kale gacanta ugu jira.
8. Noqon Geesi: Shakhsiyadda xooggani waa tan xaqa ku dhiirran, laakiin aan ku habsaamin shaqo aan xisaabsanayn, waa shakhsiga hawsha uu qabanayo inta aanu qaban og xisaabtiisa aakhiro iyo tan adduun midka ay hawshaasi gelayso.
9. Ha isku daalin raalli gelinta dadka oo dhan: Hore ayaa loo sheegay in raalli gelinta aadamuhu ay tahay hiigsi aan la gaadhi karin. Haddii uu qof kuu soo jeediyo arrin ka hor imanaya waxaqorshihii aad wadatay iyo hawshii kuu socotay, waa daciifnimo in aad u soo tanaasushaa, balse waa in aad ku qanciso in hawshaasi socoto.

Tuesday, March 24, 2020

Wahsi iyo waxtar yaraan


Wahsi iyo waxtar yaraan.

Bini aadamku waa noole aad u raaxo jecel, sida oo kalena aad u horumar jecel. Waa laba ammuurood oo aad u kala taggan. Labadaa falsafadood ee aan barkulanka lahayn ayuu ku dhex wareegayaa horumarka iyo horumar la’aanta qofku. Wahsiga, is dhigashada iyo caajisnimada ayaa ka mid ah ammuuraha keena in qofku ku guuldaraysto fulinta hawlihiisa. Sida aad ugu dhego nugushahay hawl-maalmeedkaaga waajibka ah iyo kuwa aan waajibka ahayn ee taageera horumarka nafta sida akhriska iyo qoraalka ayaa horumarkaaguna ku jaan go’an yahay. Dadka intooda badani waxa ay dagaal kula jiraan wahsiga nafahooda la jaalka ah iyo in meel la iska kuududsado sabab la’aan. Qolo waa ay ka guulaystaan  ka wahsiga hawlaha daruuriga ama waajibka ah ee waliba wakhti kama danbaysa (deadline) ah ku dhammaada. Qolo kalena waa ay ku dhex asqoobaan dib-u-dhigashada waxqabadooda, illaa ay culays nafsi ah iyo maskax-daalba ka qaadaan. Haddaba, qormadan koobani waxa ay ku dhex wareegaysaa wahsiga iyo saamayntiisa. Waxa kale oo ay qormadu xidhiidh ka dhaxaysiinaysaa Soomaalida iyo wahsiga, waxna ka odhanaysaa xalalka la isku waafaqsan yahay ee lagu maareeyo.

Horusocodkasta iyo falkasta oo qofku samaynayo waxa ka horyimaadda caqabado kallifa dib-u-dhac. Caqabadahaa keena in aad dib-u-dhigato barnaamijyada ku horyaalla ayaa wahsiguna ka mid yahay. Haddaba, wahsigu waa dib-u-dhigasho hawl wakhtigeedii joogta, ama ku hortaalla ammintaa. Waxa qofku qabanayaa hawl kale oo ka darajo  hoosaysa ama ka dhib yar, balse laga yaabo in uu ka helayo raaxo nafsadeed ama hiwaayad. Halka uu qofku dib u dhiganayo hawlaha culculus,  xiisaha nafsadeedna ku yaryahay. Hawl kasta oo dib uga dhacda wakhtigeedu waxa ay noqotaa mid caqabad abuurta marka danbe, Wakhigana kugu cidhiidhida qofka, ama ka  lumisa wakhtiyo kale oo uu hawlo muhiim ah ku qabsanlahaa. Mararka qaar waxa dhacda in ay noqoto mid muddo dhaafta ama dib u xallinnteedu lunto.

Qofna afka kama yidhaa “waan wahsanayaa” iyada oo hawl daruuri ahi hortaallo sida ay u badantahay. Waxa uu si jidh ahaana ama maskax ahaan ah ugu jawaabaa qaab cudurdaar ah. Marka aad doonayso in aad ka wahsato shaqo aad qaban lahayd waxa aad bilaabaysaa cudurdaarro iyo cilladdo aad gacanta ku samaysay si aad u-dib-dhigto falkii aad markaa fulin lahayd adiga oo ka dooranaya hawlo yaryar oo naftu maaweelo iyo madadaalo ka helayso. Tusaale ahaan; waxa tahay macallin suugaaneed. 24-ka saacadood ee soo socdana waxa lagaa doonayaa cashar-diyaarin fasal jaamacadeed. Adiga oo aan nafta si dhab ah ugu sheegayn ayaad si hoose ugu xanshaashaqaysaa in aad haysato saacado badan oo aad hawshan iyo kuwa kaleba ku fulin karto. Si aanad u dareemin go’aankaaga dib-u-dhigashada ah waxa aad samaysanaysaa hiwaayad aad culayska barnaamijkan kaga mashquusho sida sheeko, muuqaal daawasho iyo wax la mid ah. Ugu danbayn waxa aad arkaysaa adiga oo illaa daqiiqadda ugu danbaysa ka wahsanaysa hawshaa ama si gab gab ah u bilaabaya una dhamaynaya.  

Wahsiga iyo riyo maalmeedku waxa ay leeyihiin bar kulmisa. Markasta oo aad ka wahsato hawl kuu taallay waxa aad u sii dhawanaysaa furaashka hurdada aan indhaha la iskku qaban. Halkaana waxa kuugu bilaabmaya riyo maalmeed run iyo been ba ka dheer oo aan meel salkeedu yahay la aqoon. Wahsigu waxa ugu badan ee uu keenaa waa riyo aan la rumayn karin. shaqo kasta oo aad qaban lahaydna waxa ay nqotoaa mid aad riyo ku maamusho, riyana ku dhamayso, maxsuullkeeduna riyo ku danbeeyo.

Waxa kale oo jira isku ekaan dhanka fahamka ah oo ka dhaxeeya Wahsiga iyo caajisnimada. Isku ekaantaasi ma aha mid macno ahaan wadaajinaysa nuxurka labada eray mid ba gaarkiisa u leeyahay. Caajisnimadu darajo ahaan waa ay ka hoosaysaa wahsiga. Waxa qofku ka caajisayaa qabashada wax kasta. Waa tamar darro ruuxi ah oo ku dhacda awoodda qofka. Sida oo kale caajisnimadu waxa ay ka soo unkantaa ruuxda iyo nafsiyadda hoose, kaddibna waxa ay u gudubtaa awoodda muuqaalka ah (physical body), ugu danbaynna qofku waxa uu ka caajisaa qabashada waxkasta.  Halka xaaladda Wahsigu kaga duwan tahay caajisnimada; wahsiga waxa aad qabanaysaa hawl ama dhaqdhaqaaq ka fudud kana macno liita hawsha aad dib dhiganayso ama aad wakhtigeeda waydaarinayso, si aad uga mashquusho maqalkeeda iyo qabashadeeda labadaba. 

Culimada cilmi nafsiga ku xeel dheeri waxa ay qabaan, talona ku bixiyaan in wahsigu mararka qaar u fiican yahay nafta iyo jiritaanka aadamahaba. Tusaale ahaan; waa in qofku ka wahsan karaa wax cunidda faraha badan, dagaalka badan, iyo fikirka xad dhaafka ah, kuwaas oo dhammaantood sababa dhibaatooyiin caafimaad iyo jidheedba.  Dhanka kale waxay aqoonyahanka cilmi nafsigu tibaaxaan in dadka wahsadaa (procrastinators) yihiin kuwo aan deganayn, oo warwar  iyo walaac  u saaxiib ah, neecawda raaxada nafsaaniyadduna ku yartahay. Badh ka mid ah xeerka farxad galinta nafta  iyo ka hortagga walaacu waxa uu ka soo unkamaa ka wahsiga falalka keena dareennada taban iyo hawlaha culayska maskaxeed ku lammaanyihiin.

Dadku waxa ay xidhiidh daciif ah, oo raad gadasho ah ka dhaxaysiiyaan wahsiga iyo samirka. Iyaga oo u maraya odhaahaha ay ka mid yihiin “things come to those who wait” oo ah “fursaduhu waxa ay u yimaaddaan kuwa suga”. Xikmaddan waxa ku cudurdaarta dadka jecel in ay ka wahsadaan fursadahooda iyo hawlahooda daruuriga ah. Odhaahduna macno ahaan waa ay ka xeel dheertahay sida loo adeegsaday markan. Waxa ku qarsoon ‘samir’, taasi oo macnaheedu yahay qofka dedaala laakiin aan niyad jebin, fursaddana wakhtigeeda ku sima ayaa fursadaha wanaagsani u yimaaddan. Samirka iyo wahsigu waa laba kala taggan oo aan la isla xidhiidhin karin. Waana sababta samirku guul ugu hoggaamiyo qofka, wahsiguna dib-u-noqosho u hor seedo. Farqiga intaas le’eg ma noqon karo mid la wadaajiyo oo barkulan leh.

Diinta samaawiga ah iyo axaadiista sugan ee Nebiga CW, waxa in badan lagaga hadlay caajiska iyo dib-u-dhiga badan faraha badan. Culimada islaamkuna waxa ay qabaan in caajiska iyo wahsiguba door wayn ka ciyaaraan cibaada la’aanta bini’aadamka. Diintuna waxa ay uga digtay addoomaha in aanay dib-u-dhigan tawbadda markasta oo ay danbi galaan. Waxa kale oo ay dhiiri galisay u degdegidda khayrka iyo shaqooyinka wanaagsan ee Alle loogu dhawaanayo. Halkaa waxa laga garan karaa in aan wahsigu nolosheenna aduun iyo ta aakhiro midn ku habboonayn. Qur’aan, axaadiis iyo ducooyin badan ayaa lagu soo arooriyay wahsiga, dib-u-dhigidda cibaada iyo caajisnimada xad dhaafka ah.  Aayadaha ka warramaya caajisnimada waa ay badan yihiin, bal aynnu ka soo qaadanno mid ama laba. Eebbe korreeye waxa uu yidhi “ وَإِذَا قَامُوا إِلَى الصَّلَاةِ قَامُوا كُسَالَ”.  Macne “marka ay salaadda u kacayaan waxa ay u kacayaan iyaga oo wahsanaya”.
Markale Eebe korreeye waxa uu ku yidhi suuradda Kahaf “ وَلَا تَقُولَنَّ لِشَيْءٍ إِنِّي فَاعِلٌ ذَٰلِكَ غَدًا”. Macne; “ha odhan hawshaa waxa aan qaban doonaa berri”. Waxa kale oo axaadiis badani innooga warrantay wahsiga iyo caajiska,  iyo sida u saameeyaan nolosheenna adduunyo iyo tan aakhiraba. Imaamul Baaqir Wayne haka raalli noqde’e waxa uuyidhi “إيّاكَ والتَّسويفَ ؛ فإنّهُ بَحرٌ يَغرَقُ فيهِ الهَلْكى‏ ;الإمامُ الباقرُ عليه السلام macne; “waxa aan kaaga digayaa wahsiga, waayo waa badwayn ay ku halaagmaan kuwa guuldaraystay”.

Soomaalidu waxa ay ku jirtaa bulshooyinka maskax ahaan iyo awood ahaanba aadka u furfuran. Waa bulsho aan la yaraysan karin oo aad u shaqo badan. Waa bulsho duruufo badan oo jira awgeed noqtay socoto-aan nasan. Sidaa awgeed ma fududa in lagu calaamadiyo bulshooyinka wahsiga. Deegaanka ay ku dhaqan yihiinna waa mid  ku habboon nolosha caadiga. Waa deegaan aan kulayl iyo qabawtoona ahayn. Duruufo cimilo oo  jidhka iyo caafimaadka waxyeeli karaana aanay ku badnay. Sidaas oo ay tahay haddana waxa ay ka mid yihiin dadyawoga dunida ee la jaalka ah xanuunka aan loo jifsan ee wahsiga. Sababta ugu wayn ee keenta in qofka Soomaaliga ahi ka wahsado hawl wakhtigeedii joogta waxa la odhan karaa waa muhiimad la’aan (lack of priorities) taasi oo macno ahaan daaran, shaqooyinka qofka horyaalla ee waxa uu u qabanayaa qaab aan ku dhisan muhiimadda ay kala leeyihiin iyo wakhtiga ay mid waliba ku dhammaanayso.  In aad qabato Shaqo balaadhan oo aan muhiim ahayn isla amrkaana wakhti badani ku baxayo, waxa ka muhiimsan in aad fuliso shaqo yar oo muhiim ah isla markaana wakhti kama danbays  (deadline)ah loo qabtay.

Nooca wahsiga ee qofkuna  waxa uu ku xidhan yahay nooca hawsha uu  qabanayo . Hawlaha markasta ku horyaalla waxa ay u qaybsamaan laba;
1.     Shaqooyin waajib ah sida ‘hawl qoys, mid cibaado, shaqo mushahar aad ku qaadato iyo wixii la mid ah. hawlahan ka wahsigooodu waxa uu qofku ka dhaxlaa ciqaabo iyo dib u dhacyo, waayo waajib. In la dib dhigaana adiga ayay ku dib dhigaysaa ama culays kugu raraysa ammin danbe.
2.    Waxqabaddo horumarineed, sida cilmi korodhsi, akhris, qoraal, cilmi baadhis, socdaal ama dalxiis. Dhammaan waxqabadadani waa kuwa dheeraad ah oo ka baxsan waajibaadka daruuriga ah ee  asalka u ah nolosha. Ka wahsigooduna lama mid ah marka aad ka wahsato kuwo waajib ah sida kuwa ku xusan qodobka (1)aad. 

Kala hormaynta shaqooyinka ku horyaallaa haddii ay ku dhisnaan waayaan laba arrimood ‘muhiimad ay kala leeyihiin iyo qorshaynta wakhti aad haysato’, waxa aad galaysaa jawi is dhexyaac ah, kaasi oo keeni kara in aad ka wahsato hawlihii u baahnaa in aad wakhtigood ku dhammayso. waxa aad luminaysaa wakhtiga oo ah kan ugu mudan ee ay tahay in aad shaqo kasta iyo fal kasta oo aad qabanayso ku salayso. Waxa suuro gal ah in aad shaqo kaliya ku mashquusho halkaana aad ku lumiso kuwa kale. Maxsuulka arrimahan aynnu kor ku soo xusnay oo dhammi wax ay keenaan wahsi aan ku tala-gal ahayn iyo jiitan ku yimaadda habsami u socodka jidwal hawleedkaaga maalinlaha ah.

Waxa aynnu nidhi “Soomaalidu wa dad maskax ahaan iyo jidh ahaan ba furfuran” haddaba sidee ayay suuro gal u tahay in ay la jaallaan wahsi. Waa laba aragtiyood oo u baahan in la mideeyo ama meel lagu kulmiy. Wahsigu waa mushkilad caalami ah oo si isku mid ah u saamaysa bulshooyinka adduunku laakiin waxa ay ku kala duwan yihiin xalka iyo sida ay u wajahaan. Dadyawga xalka waara u hela wahsiga boqolkiiba saamiga ugu badan  waxa ay kaga guulaystaan maamulidda tayaysan ee waktiga (Effective time management). Midha aan ku badnayn Soomaalida waa midha ah ‘qorshaynta hawlaha iyo maamulidda wakhiga.’  Shaqooyinka is dabataxan ee qofku samaynayaa waxa ay u baahan yihiin hormayn  ku dhisan wakhti, ammin go’anna dhammaanaya. Waxa kale oo mar walba muhiim ah in aad qorshe lahaato si aanad ula kulmin wahsiga oo marwalba kugu sugaya afkaafka hore ee qorsha la’aanta. Inta aad u jirto qorshe la’aan ayuu wahsiguna kuu soo jiraa.

Soomaalidu waa bulsho dad isku xidhan bulsho ahaan. Dhaqnkeeda iyo diinteedubu waa ay isku jaan go’an yihiin inta badan. Waa bulsho qaraabo iyo qoysba aad isu xidhiidhisa. Xidhiidhkaa joogta ah ee wada dhalashada ku dhisan waxa uu sal dhig u ah wax isa siin iyo iska taageeridda baahiya qofka soo wajaha. Isku tiirsanaantaasi waxa ay qayb ka tahay in shakhsigu helo fursado badan oo aanu heleen marka uu yahay qof iskii meel u taagan. Tusaale ahaan; qofka Soomaaliga ah ee dalka jooga ayaa ka wahsi badan kan Soomaaliga ah ee qurbaha ku nool. Kan dalka jooga waxa uu haystaa dad garab taagan oo uu ku tiirsan yahay haddii uu shaqo beelo, xanuunsado ama duruufo kaleba soo wajahaan. Haddii uu bilaa shaqo noqdo shaxaad ayuu baahi maalmeedkiisa ku helayaa. Haddii culayso kale soo wajahaan waxa lagu xallinayaa qaab reereed. Laakin kan qurb-joogga ahi waa mid iskii u diran (Self drive). Hawl kasta iyo horumarkastaba naftiisa ayuu ku xidhan yahay. Halkaa waxa ka soo baxaysa in aanu noqon mid wahsada ama hawlihiisa dib u dhigta, sababtuna ay tahay uun garab la’aan iyo baqe uu ka qabo in habsami u socodka noloshiisa dheeli soo gaadho.

Faqriga iyo saboolnimadu waa masiibo sida diintu innoo sheegtay. Dunidda saddexaad ee aynnu ka mid nahay waxa ay la jaal tahay faqri. Qofk faqiirka ahi ma aha  mid fursad fiican u hela qaabaynta noloshiisa, waayo waxa uu la halgamayaa baahidiisa aas aasiga ah. Waxa uu muruq iyo maskaxba ku idlaynayaa kaliya daboolidda baahidiisa joogtada ah ee ugu horrayso saddexdiisa wakhti. Culayskaas saarani fursad uma siinayo  uu hawlihiisa u kala hormeeyo ama ugu qaabeeyo sida u kala mudan yihiin. Taasina waxa ay ku riixaysaa in uu ka daallo ama ka wahsadaba wax kabadan barnaamijkiisaas.  

Waxa kale oo iyana ka gaabin iyo wahsiba keeni karta in qofku ka dardaar wariyo awoodda iyo  aqoonta uu u leeyahay hawl loo xilsaaray. Tusaale ahaan;  waxa laguu xil saaray hawsha BTJ. Waad ogtahay, oo waliba waad ka dheregsan tahay in aanad hawshaa sidii ay ahayd uga soo baxayn awooddaada oo ay ka baxsantahay ama aqoonteedii oo aanad lahayn awgeed. Waxa aad isku qancinaysaa in aad dib dhigto adiga oo ka cabsi qaba in aad ku fashilanto. In kartidaada  shaqo la saluugo awgeed ayaad dib ugu riixaysa illaa ay gaadho wakhtigii kama danbaysta ahaa. “Hadhaw si uun baa loo xallin” ayaad isugu sheekaynaysaa kalidaa. Arrintani waxa ay keentaa wahsi maskaxeed.

Qorshe la’aanta iyo hormo xumida jidwalka waxqabadada aad fulinayso iyaguna waa qodobka ugu wayn ee sababa in qofku ka wahsado falka horyaalla. Sida aynnu soo xusnay xalka ugu habboon ee la isla waafaqsan yahay laguna xallin karo ama laguba yarayn karo ka wahsiga barnaamijyada ku horyaala waa; in qofku samaysto qorshe nololeed wakhtiyaysan si uu u maareeyo shaqo kasta iyo wakhtigeeda. Waxa kale oo sida diintu innoo sheegtay lagaga hortagaa wahsiga nafsiga ah cibaadada badan, gaar ahaan ducada iyo salaadaha.





Waxaan diyaar u ahay inaa mar waliba kufaaido fadlan subscrib isaar mahadsanid

WhatsApp

Postiyada aan qoray waqtiyadooda