Tuesday, May 12, 2020




  Hal aan ka idhi buugga ‘Boqol     Tallaabo Hore U Qaad’.


W/Q: Liban abdi (faraxsane).
HORDHAC.
Mahad oo dhammi  waxa ay u sugnaatay Eebbe korreeye. Allaha inna siiyay maskax iyo garasho aynnu kaga duwannahay noolaha kale ee rabbi uumay. Rabbiga innoogu deeqay nabadda aynnu ku xaraggoonaynno, taas oo bulshooyin badan oo dunida ka jiraa wali raadinayaan. Rabiga inoo sakhiray qalinka ayaa mahad oo dhan iska leh. Mar labaadka waxa aan ku bogaadinayaa qoraaga dhiganahan Maxamed Cali Bile, sida uu isugu hawlay in uu khibraddiisa iyo aqoontiisa innoo soo gudbiyo iyada oo buug ah.  Inta aan ka ogahay Maxamed Cali waa shakhsi ku sifoobay horumar jecayl iyo in uu marwalba bulshadiisa la wadaago waxa uu is leeyahay  waad ku dhaantaa. Waa waajib ay ahayd in uu goor hore guto, oo looga fadhiyay isaga iyo inta la aqoonta ahba.  waxa aanan rajaynayaa in intaa iyo in kasii badanba uu ku hawlan yahay sidii uu bulshadiisa ugu hiilin lahaa gaar ahaan bahda akhriska oo maanta ah kuwa ugu baahida badan. Ma arag aqoonyahanku buug kale oo uu qoray, oo aan kan ahayn, balse waa buuggii ay ahayd in uu qoro haddiiba uu qoraa yahay.

Muuqaalka Buugga.
Marka ay indhahaagu qabtaan jaldiga sare ee dhiganahan “100 tallaabo hore u qaad”  oo midabkiisu yahay caddaan, waxa ku soo jiidanaya  sawirka qoraaga buugga oo magaca buugguna ku dhex qoran yahay,  isaga oo far cad ku qoran. Midabka jaldiga sare ee buuggu waa caddaan, ay xagga sare, meel dhinaca bidix ah kaga xardhan tahay odhaah ka turjumaysa nuxurka uu xanbaarsanyahay dhiganuhu. Aragtida koobaadba waxa  aad arkaysaa in uu yahay nooc daabacaaddiisu innagu yartahay. Waa qaab ku cusub qaababka kala duwan ee aynnu buugta u daabacanno, balse waa nooc ka mid ah qaababka loo daabaco buugta caalamka aynnu ka mid nahay gaar ahaan kuwa loo yaqaan Novel. Dhinaca danbe ee jaldiga waa buluug midab ahaan, waxaana ku qoran saddex odhaahood, magaca qoraaga, calaamadda shirkadda daabacday iyo ISBN-ka buugga. Koobnaanta iyo qabashada koobaadba waxa ay ku dareensiinaysaa saaxiibtinimo iyo in uu dhiganahani ku leehayay "soo dhawaw waxa aan ahay mid aad si fudud u qabsan karta una qaadan karta markasta  iyo meel kasta." Casharro aan lagu baran jaamacadda, waa odhaahda kaga xardhan jaldiga sare, gaar ahaan dhinaca bidix. Marka ay indhahaagu qabtaan  odhaahdan waxa durba ku galaya xiise iyo boholyow gaar ah oo kuu jiidanaya xaggaa iyo gudaha buugga. Waxa kugu abuurmaya degdeg iyo danayn aad danaynayso in aad ogaato nooca casharada aan jaamacadda lagu baran ee uu soo gudbinayo dhiganahani. Waxa ay ila tahay in idinkuna markii aad aragteen odhaahdan sidaa si la mid ah aad ugu  degdegteen guda-galidda akhriska buuggan.

Markii uu gacantayda soo galayba waxa aan ka fikiray “waa buug jeexaya waddo cusub oo ogaal dheeraad ah ku soo kordhinaya inta akhriska iyo horumarka shakhsiga ku hawlan.”

Dulucda buugga.
Marka aad hoos u dhugato dhammaan tallaabooyinka ku qoran dhiganahan, waa kuwo waajib ku ah noole kasta oo raba  in uu guul waarta helo. Waa dhigane  kuu  qaabaynayaa nolol  ka madax banaan mala-awaal iyo sawir beenaad, isla markaana ku dhisan xaqiiqooyin u baahan in aad wajahdo si aad horumar uga samayso dhinacyo badan oo noloshaada ah, sida aqoonta, dabeecadda suubban, maaraynta wakhtiga,  xidhiidhka dadka iyo kalsoonida shakhsiga ah. Dhammaan  tallaabooyinka  ku xusan buuggu waxa ay kuu sahlayaan in aad hesho nolol ku jaan go’an horusocod  joogto ah oo ka dhalanaya soo celcelinta tallaabooyinkan. Qof waliba waxa uu jecel yahay in uu ku noolaado nolol qurux badan, taasina waxa ay u baahantahay qaabayn iyo tallaabooyin kala danbeeya oo u baahan in aad dedaal galiso. Qoraaga buuggu waxa uu soo xulay tallaabooyin qurxinaya noloshaada. Sida ka muuqatana waxa uu galiyay dedaal iyo wakhti dheeraad ah.

Ma ihiye, haddii aan ahaan lahaa qoraaga dhiganahan ‘100 TALLAABO HORE U QAAD’ waxa aan u bixin lahaa Dastuurka Nolosha. Haa waan u bixin lahaa. Lama jeclaan balse waa sida uu ii saameeyey markii aan akhriyay.  Waxa uu carinayaa kaydka maskaxda iyo awoodaha qaabilsan hore u socodka. Tallaabo kasta waxa ay ku gallinaysaa rabitaan, dhaqdhaqaaq iyo damac ah sidii aad tallaabo kasta ugu beddeli lahayd ficil. Adiga oo aan is ogayn ayay naftu kugu odhanaysaa “noqo qofka ugu horreeya ee fuliya dhammaan tallaabooyinkan ama ka qaado inta aad awoooddo”.

Dhiganahani waxa uu ku baaqayaa in muhiimadda koowaad naftaadu leedahay marka aad doonayso in aad guulaysato si aanad xabsi ugu galin fikir ama hab-nololeed koox gaar ahi dejisatay. Haddii taasi dhacdana waxa aad noqonaysaa qof koobigaraynayaa tallaabo kasta oo uu qaadayo. “Haku habsaamin kuwa dayrada badan ee dib kuu dhigaya” waa meelaha aan hoosta ka xarriiqay akhris ka dib. Waxa uu kaa maydhayaa caajiska iyo culayska ka dhasha yidiilo xumada iyo in aad ka rajo dhigto awaaddaha iyo aqoonta kugu kaydsan. Warka fiican ee uu sidaa buuggani waa sidii aad u noqon lahayd  boqorka horumarka naftiisa iyo inta ku xeeranba, haddii aad si joogto ah u adeegsato 100 tallaabo kolba inta kuugu muhiimsan ama aad ka gaadhi karto, adiga oo ka duulaya inta xidhiidh toos ah la leh naftaada, qoyskaaga iyo deegaankaagaba.

Tallaabooyinka ku xusan dhiganahani waxa ay isugu jiraan farriimo lagu farayo in aad sidaa iyo sidaa  samayso, haddii aad samayn waydana waxa aad luminaysaa fursado aad rabitaankaaga ugu bedeli lahayd run. Aniga iyo bahda jecel akhriska  waxa uu ku baraarujinayaa in aynnu xirfado ku lammaanayno aqoonteenna si fursadaheenna shaqo u bataan. In aad raadiso dadka haya xirfadaha aad baratay iyo meelaha laga helo waxa ay kaa caawinaysaa in aad si fudud shaqo u hesho. Dhammaan farriimahan iyo kuwa kaleba waxa innagu hagaya dhiganahan. Waana meelaha ugu mudan ee qofka ka caawin kara in uu si fudud u shaqo tago marka uu aqoon dhammaysto. 

Aniga iyo inta akhriyi doontaba, waxa uu buuggani inna leeyahay “edebta, doqonniimada iyo ixtiraamku meel ayay iskaga eg yihiin. Haka tanaasulin in aad doqon ama nin jilicsan u noqoto hadafkaaga, waayo hadafkaagu waa noloshaadii”. Waxa laga yaabaa in dadka badhkood doqonniimo u fahmaan is dhul-dhigidda aad u isu dhul dhigayso sidii aad u xaqiijin lahayd hadafkaaga.  Ka akhriste ahaan waa meelaha aadka ii soo jiitay ama aan u akray in ay muhiim u tahay horumarka shakhsiga ah.

“ha noqon hugun raac, noqo mid kaligii gaadhi kara horumar” waa farriimaha kale oo uu inna farayo dhiganahani. Qoraagu waxa uu adeegsanayaa luuqad kooban, fudud oo dadka badankoodu fahmi karaan; taasina waa fursad kale oo uu dheeryahay dhiganayaasha  kale ee la mid ka ah, kuwaas oo ku qoran erayo inta aqoonta fog leh oo kaliyi fahmi karto.

Naqdin kooban.
Eebe SW ayuunbaa qummanaan ku sifoobay korreeye. Markasta oo hawl la qabanayana waxa ay yeelan kartaa daloollo u baahan in la gufeeyo si ay u sii qurux badnaato. Aan afar qodob ku soo koobo meelaha aan is leeyahay waxa ay u baahanyihiin kordhin iyo kaabid.
1.     Tusmo. Dhiganahani malaha tusmo la raaco marka la doonayo in la ogaado sida ay tallaabooyinka u kala horreeyaan qoraal ahaan iyo boggaga ay ku yaallaan tallaabooyinka aad markaa danaynaysaa. Tusmadu waxa ay muhiim u tahay akhristaha, si uu si fudud u abbaari karo kolba halka uu doonayo ama xiisaynayo in uu akhriyo. Haddaba waxa aan u soo jeedin lahaa qoraaga  in uu  tusmo u sameeyo dhiganahan daabacaadda danbe.

2.    Koobnaan ka muuqata tallaabooyinka uu buuggu soo gudbinayo: dadka inta wax akhrida ee fahankoodu ka sokeeyo in ay si duuduub ah u qaataan tallaabooyinka uu soo gudbinayo dhiganahani waxa ay qawadi karaan koobnaanta ay soo urursantahay tallaabo kasta. Waa hubaal in inta aqoon sare leh ama ku wanaagsan akhriska ay tallaabo kasta gudaha u sii gali karaan oo ay iskood u tafsiiran  karaan una fahmi karaan tallaabo kasta iyo nuxurka ay siddo. Haddaba maaddaama oo dhiganahani taabanayo dhammaan dadka si isku mid ah, waxa uu aad  ugaga sii fiicnaan lahaa in qoraagu ku naaxiyo/lammaaneeyo tallaabo kasta tusaale nololeed, si dadka oo dhammi u wada kasban  karraan ahmiyadda ay leedahay tallaabo kasta iyo halka ay noloshiisa kaga xidhmayso. Sababta aan taas u leeyahay waxa ay tahay:
·         Bulshadeenna oo ah bulsho hadda uun  ku soo biiraysa dunida akhriska. 
·         Tallaabooyinka ku xusan buugga oo ah kuwa la xidhiidha sii sawiridda iyo hummaag ka bixinta mustaqbalka. Taasina waxa ay u baahantahay in dadka aan foraag aragga iyo fikirka fog lahayn si fudud oo tusaalayaal ku lammaan yihiin loo tuso mustaqbalka uu buuggani u qaabaynayo.

3.    Dhammaystirka erayada: inkasta oo farta iyo erayada uu qoraagu adeegsadayba ay yihiin kuwii ku habboonaa ee uu ku soo gudbin lahaa buuggiisa iyo macnaha uu xanbaarsan yahayba. Inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho lagu kala duwan yahay dhigaalka iyo adeegsiga xuruurfa, haddana waxa jira meelo yaryar oo ay ka muuqdaan qaladaad xagga qoraalka ah iyo dhammaystir la’aan dhinaca xarfaha ah. tusaale ahaan:
Xifaddaada=xirfaddaada iyo kuwa la la mid ah.

4.    Kala qoridda erayada. Waxa kale oo meelaha qaar ka muuqda erayo u baahan in la kala qoro haddii aan macnuhu is bedelayn. Sida ‘Haddaad’ oo loo kala qori karo. ‘Haddii aad’ iyo kuwa la mid ah.

GABO GABO.
“Hadalna sii dhehbaa dilaye” haddii aan soo gunaanado qormadan kooban, Liibaan ahaan waxa ay ila tahay in dhiganahan iyo nuxurka uu sidaaba yahay mid dhif iyo naadir ku ah madalo badan oo lagu daahfuray buug kala duwan, kuwaas oo mawduucyo kala duwan lagu qoray. Mawduuca uu inala wadaagayaa waa mid mudan in hoos loo dhugto oo u baahan in lagu gufeeyo baahiyaha  aynnu u qabno horumarka shakhsiga. Qoraaga buuggani waxa uu farta ku fiiqayaa kayd cusub oo qoraaga maanta la gudboon in uu qalinka ku leexiyo. Waxa uu innoo iftiiminayaa in horumarka naftaadu ka horreeyo ka bulshada aad la nooshahay. Taas oo macnaheedu yahay marka aad noqoto qof kusocda dariiq uu jeexay aad  bulshadana ku hoggaamin karto  waddo cusub  oo inna gayn karta  horumarka aynnu maalin waliba ku raad joogno. Dhiganahani waxa uu iila muuqdaa mid furfuran oo si hufan kuula jaanqaadi kara
Buugaan halkaan kasoo dagso isagoo ah PDF free ah lkn telegram soo dagso hadaadan kugu jirin hadaa isticmaasho telegram waa heer sare Buugaag badan ayaa kaheleesaa insh Allah https://t.me/joinchat/AAAAAEioDw3jjYi-595Vag
Hadaa ugu baahan tahay buugaan in laguugu soo diro meel alla meeshaa rabto waan kugu soo diraa lkn markaas waa lacag 0.5 dollar waayay 
Halkaan igala soo hadal:
Waxii talo ama fikir ah oo aad noo heesid waan soo dhaweeneenaa comments hoose noogu qor 
Mahadsanid

Sunday, May 10, 2020





COVID 19 IYO FURSADAHA KARANTIINKA.


“Sideen uga faa’iidaysan karnaa maalmaha karantiilka”.

Marka masiibo dhacdo, ee khasaaro nafeed iyo mid maalba yimaaddo waxa dedaal loo galayaa in  marka hore nafta la badbaadiyo, ka dibna maalka la badbaadiyo. Tani waa dariiqa kaliya ee adduunku maanta ku hawlan yahay, markii sadhada caalamiga ah ee Covid-19 dunida ku baahay. Waxa awooddii oo dhan la isugu geeyay in nafta la bixiyo. Haddii marka xanuun darani yimaado dadka cusbitaalada lagula cararayay hadda waxa la soo rogay in qof waliba gurigiisa joogo, si masiibadan looga gaashaanto. Sababtuna waa caabuqa oo noday mid caalamka oo dhan gaadhay. Waxa uu simay dawladihii quwadaha iyo Teknoolajiyadda baarka sare ka gaadhay iyo kuwii xariiqda faqriga ka hooseeyay. Waxaabu si daran u gumaaday dadyawgii dawladaha dunida koowaad. “Waa masiibo caalami” ayay tidhi hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO.

Malaayiin shaqaale ah ayaa shaqadii joojiyay, iskuuladii waa la fasaxay, jaamacadihii waa joojiyay, suuqyada saamiyadu waxay wajahayaan hoos u dhac. Dunidu waxay gashay xaalad aan la saadalin karin. Wadamada qaar isu imaatinku lama ogola. Talyaaniga milatarigii dagaalka loo carbinayay ayaa suuqyada lagu sii dayay si ay dadka ugu khasbaan in aanay kaabada guryahooda ka soo bixin. Dadka waa la karantiimeeyay. Dhakhtaradu waxay astaan ka dhigteen odhaahda ah “waxaanu halkan u joognaa in aanu idin badbaadino, idinkuna waxa guriyihiina u joogtaan in aad na badbaadisaan”. Waa masiibo keentay in guri-joognimada dan la moodo oo xalka laga baadho.

Masiiba kasta oo dunida soo foodsaarta ,  waxa garab socda fursado qofku hadaf u bedeli karo. Maalmaha karantiinka, ee dadka guryahooda lagu xareeyay, waxa nolosha ku soo kordhay waji cusub iyo hab fikir cusub. Waayo dadku waa hal abuure joogta ah maskaxdiisuna ma fadhiisan karto ee waa inJ Wali fursadi way jirtaa. Su’aasha ugu badani waxay ka timi wixii qofku qaban lahaa saacadaha badan ee uu guriga ku xaraysanyahay. Kuwani waa habab aynu uga faaiidaysan karo maalmaha karantiinka.

1.     RAAC TILMAAMAHA BADBAADADA IYO KA HORTAGA EE COVID 19.

Dunidu waxa y gashay xaalado adag oo aan la saadaalin Karin waxa dhici kara saacadaha soo socda. Caaqubu waxa uu awoodda bini aadamka ka dhigay mid liidata oo aan awoodin in ay caabido sida xawliga ah ee uu u fidayo iyo dhibkiisa. Kaliya waa lala tacaalayaa in laga guulaysto ha joogtee. Sidaas oo ay tahay hadana aadamuhu waxa uu jeexayaa waddooyin lagu yarayn karo ama lagaga hortagi karo. Dawladaha, ururada maxalliga ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee qaabislan caafimaadku waxay soo saareen tilmaamo la raacyao si qofku uga gaashaanto sadhada Covid-19. Haddaba, waajibka kowaad ee qof walba  saaran waa in aad fuliyo amaradaas oo si fiican u raaco marka  uu gurigiisa joogo iyo marka kaleba.

Waxa lagu faray in aad ku faraxalato Jeermis-ile ama saabuun. Waxa lagu sheegay in aanad guriga ka soo bixin ama aanad booqan qof caabuqa qaba. Raac tallaabooyinka waliba sida ay yihiin. Waa naf badbaadin. Haddii aad u hogaansanto baaqyada hay’ada caalamiga ah ee caafimaadka aduunka iyo amarada wasaaradaha ku shaqo leh waxa aad samaysay wixii loo baahnaa. Waxa aad ka qayb qaadatay in dadka iyo naftaadaba la badbaadiyo.

2.     BILOW KOORASYO ONLINE AH.


  1. Wakhtiga badan ee aad ku xayirantahay meel isku mid ah, ee aanad gurigaaga dhaafi Karin, waxa aad haysataa fursado badan oo aad wax ku qabsan karto. Isku day in aad xayiraada fursad u bedesho oo aad is diwaangaliso fasalo online ah. Waxa aad heli kartaa boqolaal kun oo galaasyo online ah kuwaasi oo lacag iyo bilaash labadaba ah.  Arintan waa soo jeedinta ugu badan ee la sameeyay intii xayiraadaa guryuhu soo baxday ama Covid-19 dadka guryahooda ku ooday. Maalmahan waxaynu haysanaa fursad aynu isku diwaan galin karo koorasyadaas, isla markaana aynu samayn lahayn shahaadooyin aan tiro lahayn. Booqo Coursera, Udemy, Edx, Khan academy iyo emarketinginstutite, oo ka qaado fasalo online ah si aad saacadahan badan ugu bedesho fursad. Wax baro maalmaha karantiinka.
3.     XIDHIIDHI ASXAABTII HORE.

Nolosha quruxdeeda wax aka mid ah asxaabta iyo dadka noloshu idin kulmiso. Dib u baadh kaydka asxaabta oo xidhiidhi asxaabtii hore ee aad wakhtiga soo wada qaadateen, wakhtigana isu waydeen. Xidhiidhi macnaheedu ma aha booqo, oo waadigan qolalka dhexdooda ku xayiran, balse waa uga baaq baraha bulshada adiga oo fariimo ama waraaqo u qoraya ama taleefan ka wacaya. Asxaabii waxbarashada dib ula xidhiidh waayo waxay qayb ka qaateen samaysanka qofka aad imika tahay. Xidhiidhka dadka muhiimka ah waxa ka mid ehelka iyo dadka kale ee muhiimka u ah jiritaanka noloshaada. La sheekaysiga asxaabtii hore waa nolol la dareemo oo qofka galisa in uu bartay dadkii ay ahayd in uu barto. Xaq bay u leeyihiin in aad la xidhiidho. Maalmaha karantiinka xidhiidh dadki hore ee noloshu ku bartay.


4.      BARO XIRDADAHA GURYAHA.

Raggu kuma badna gurijoognimada, waanay ku adkaataa in ay saacado badan ku negaadaan guriga. Waayo nolosha raggu inta badan waa mid dibadda u badan, oo hawlaha adduun raga ayaa kala wadidooda u badan. Mayee dumarkuna hadda nolosha qaybtooda waa ay haystaan oo karantiinkka waa ay dareemayaan. Mayee cabsida Covid-19 ayaa keentay in rag iyo dumar, carruur iyo cirroolaba guryaha naf la moodo, oo la wada xaroodo. Si kastaba ha ahaatee, qof waliba maalmaha karantiinka ee aan la ogayn dhamaadkooda waa dareemay.  Maalmahan ku qaado aqoon korodhsi la xidhiidha xirfdaha guryaha yaal. Maalmahan waa fursad aad ku baran karto xirfdaha kala duwan ee guryaha sida samaynta qalabka cuntada ee guriga, dayactirka alaabta qalabka kala farnijarka iyo cusboonaysiinta guriga haddii uu duugoobay.

Saacadahan badan ee aynu guryaheena joogno waxaynu ku qaadan karnaa samaynta laydhka guryaheena, iyo barbaarinta ubadka oo ah xirfado muhiim ah. Gabadh ka waramaysay joogidda raga ee guriga ayaa tidhi “joogidda ninkayga guriga waxaan ka helay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin caawinta shaqada guriga, barbaarinta ubadka, hagaajinta qalabka guriga. Caruurtii ayuu wakhti la qaatay, isaga oo wax baraya, la ciyaaraya. Anaga oo hada 10 sano is qabna waxaan u isu helay fursad balaadhan oo aanu kaga sheekaysanyo noloshayada iyo xasuusiihii na soo maray. Waxaanu galay nolol farxad iyo cabsiba leh. Waa nolol cajiib ah.” Maalaha karantiinka waxa la baran karaa xirfadaha guryaha yaal.

5.      AKHRI BUUG.

Wax akhrintu in ay faa’iido iyo aqoon korodhsi tahay waxa u dheer in qofku wehel ka helo. Maalmaha Karantiinka waxa habboon in aad buugta dhaska ka tunto oo aad akhrido dhiganeyaal badan. Ha noqdaan kuwo aad wakhti u wayday oo kaydkaaga ku jiray ama kuwo ccusub oo aad hadda bilaabayso. Akhrisku buugta oo kaliya maha balse waxa muhiim ah in qofku la socdo xogaha darayga ama cusub ee maalin walba ka soo kordhay caabuqan dunida kaga qaylisiiyay si wacyigiisu ugu xidhnaado kolba halka xaalku marayo. Tani waxay u sahlaysaa in qofku noqdo mid wacyi gashan oo naftiisa iyo bulshadiisaba la socodsiin kara hadba waxa socda. Maalmaha karantiinka akhrisku waxaad ka helaysaa wehel iyo kumaanaan dhacdo oo jilayaal kala duwani metelayaan. Marnaba laguma cidloodo akhriska.

Inkasta oo nafta ku badantahay cabsida Covid-19 mararka qaarna naftu maqlayso dhawaaqyo deganaanta ka luminaya hadana akhrisku waa hab qofku fursad ugu bedeli karo maalmaha uu gurigiisa u xeraysan yahay. Cilmibaadheyaashu waxay sheegeen in qofku akhriska kaga baxsan karo warwarka isla markaana uu ka heli karo nolol kale oo xarfo ku qoran. Akhriska buugaagta taariikhaha hoogga ah ee adduunku soo maray iyo sheeko faneeda ayaa aqoonyahanku ku taliyaan in la akkhriyo xiliyada sidan oo kale u adag. Tusaale ahaan; qofka sheeko faneeda akhriyaa waxa uu awoodi karaa in uu saacodo badan akhriyo isla markaana ka mid noqdo nolsoha buugga uu akhriyayo. Buug badan akhri maalmaha karantiinka, waxa aad ka helaysaa wehel iyo wakhtigaaga oo wax macno leh aad ku qaadato.

6.      QOR XASUUS REEB.

Nolosha waa dugsi cajiib ah. Maalmo badan oo kala jawi duwan ayaa ka buuxa. Waxaaba tusaale u ah maalmahan cabsida badan ee dunidu wajahday sadhada Covid-19. Waynagaa guryahay ku xeraysan inaga oo aan saadalin Karin waxa dhici kara 24 saacadood ee soo socda. Maalmahan adag waxa habboon in aad sida filimka dib u daawato noloshaada ka dibna xaashida xasuus reebka ku xariiqdo maalmihii qadhaadhaa, macaanaa iyo dhacdooyinkii noloshaada sameeyey. Waa fursad aynu dhacdooyinka nolosheena ugu bedeli karo xarfo si aad akhrintooda ugu raaxaysato maalinta aad da ahaan waynaato. Xasuus qorku waa waxyaabaha qurxiya nolosha. Sawir iyo hubaag qoran ayaynu nolosheena ka reebaynaa, si aynu maalin uun dib ugu qosolo wixii waayo ina soo maray. Maalmaha karantiinka ayaa ugu fiican in dib loo kaydiyo xasuusaha nolosha.

Xasuus qorku wa muraayad aad nolsohaada ka daawanayso. Qalinka ku kaydi maalmihii caruurnimada, maalmihii iskuulka, maalmihii jaamacada, dhacdooyinkii noloshaada bedelay, shakhsiyaadkii noloshaada saamaynta taban iyo ta togan ba ku lahaa. Joog, xasuus qorka waxa ku jira qaybaha taban ee nolsohaada iyo maalmaha qadhaadh eek u soo maray, kaliya qaybaha quruxda badan ha qorin. Waayo waxa aad ka samaysantahay maalmaha macaan oo lagu daray maalimihii qadhaadhaa ee aad soo martay. Maalmaha karantiinka xasuus badan kaydi oo qalinka buugu isku daali.

7.     U SAFAR MEEL WALBA ADIGA OO AAN GURIGA DHAAFIN.

Dunida isku socodkii waa la xanibay sadhadan Covid 19 awgeed. Wali se xuduuduhu way furan yihiin. Adiga oo aan basaboor qaadan fiisana lagu saarin ayaad u socdaalli kartaa meel walba. Si aad socodkaalkaa u gasho ku xidhnow socdaalayaasha barta Youtube. Waxa aad ka helaysaa boqolaal Youtuber oo dunida ku socdaalay wadan walbna ka soo diyaariyay muuqaalo xiiso badan oo aad  u dareemayso sidii qof isaagu booqday meesan. La safar socdaalayaasha barta youbube. Waa safar aan Basabor lahayn. Maalmaha karantiinka waxa aad ku xidhnaataa socdaalayaasha barta Youtube ka buuxa.  Kuwan Ayaan kugu boorrin lahaa in aad raacdo: Cool vision, Drew Binskey, Vagabrothers, Yes Theory, Nass Daily, Indigo Traveler, PP Peter, Kara and Nate iyo qaar kalel.

8.     BARO LUUQAD QALAAD.

Barashada luuqad qalaad waa fursadaha laga faa’iidaysan karo maalmaha karantiinka. Waxa jira boqolaal degel oo laga heli karo koorsooyin dhinaca luuqadaha kala duwan ah kaasi oo qofku iska diwaan galin karo luuqadda uu rabo in uu barta. Barashada luuqad kale waa badhaadhe wayn, qofka oo luuqado badan bartaana waa qofka oo dunida wacaalkeeda ka war hela. Hadaba maalmaha karantiinka samayso saacado aad barato luuqad kale. Soo dejiso adeega Duolingo adiga oo ku kabaya barta Youtube si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan luuqadda aad baranayso.

Barashada luuqad aan ahayn tan aad u dhalatay waxay kordhinaysaa fursadaada shaqo. Waxa kale oo aad ku xidhmaysaa dadyaw kale oo aad ka korodhsanayso aqoon iyo taariikh. Luuqada cusubi waxay kuu sahlaysaa in aad barato dhaqanno iyo madadaaloooyinka bulshooyinka kale ee dunida. Luuqadaha qalaad barashadooda waxa laga helaa maaweelo iyo ku raaxayso haddii qofku hoos u sii galo. Baro luuqad qalaad maalmaha karantiinka si aad u weelayso saacadaha badan ee aad xaraysantahay

W/Q: Liibaan abdi cigaal(faraxsane)

Monday, May 4, 2020







Goormaa hawl la qabtaa?

Waxa la is wayddiin karaa goorma ayaa hawl la qabtaa si wakhtigeeda loo gu gabagabeeyo?  Inkasta oo hawli bilaabanto iyada oo aan la isba wayddiin su’aashan marka deegaankeenna iyo dadkeenna la gu saleeyo, qofkuna ka warqabka ah in hawli sugayso oo kali ah kaga maarmi karo in uu is wayddiiyo xiliga iyo sida uu u qaban doono, haddana waxa la ga ma maarmaan ah in la ga jawaabo goorma ayaa ay tahay in aad hawli muddo-dhamaad leh bilawdo fulinteeda?.  Fulinta hawlaheena waxa ay ku xidhan yihiin diyaar ahaanshaha maskaxeed iyo jidheed ee aynnu leenahay innagu iyo sida aynu u qaabaynno hawsha inna hortaalla inaga oo ka cararayna fashil ku yimaadda hawl-qabadka inna sugaya.  

Mararka qaar nafteena waxa aynu ku aragnaa dhammaadka fashilka iyo guuldarrada.  Markan waxa aynu xidhanaa muraayad ina tusaysa in aynaan waxba qaban karin, ama aad tahayba qof hawl waliba isaga ku adagtahay. Humaag-beenaadkaasina waxa uu ku gayaysiinayaa in aad khalad ka fahanto awooddaada qofeed, sidaana isku dhiibto.  Dadka ku takhasusay aqoonta xikmad-nafeeddu [psychology] waxa ay qabaan in qofka iyo habfikirkiisu qaybta koowaad ka yahay dib-u-dhaciisa, sida uu qaybta u  gu mudan  u ga yahay horumarkiisa, taasina ay ka imanayso kolba sida uu ka aaminsanyahay awooddiisa qofeed ee uu ku beegayo waajibadada ama hawlaha  horyaalla.   Hore-u-socodka qofka waxa door muhiim ah ka ciyaaraya kolba sida uu u falo hawlaha joogtaada ah ee horyaalla, kuwaasi oo uu fulintooda dhiirigalin ka helayo, fashilkoodana niyad jab ka soo gaadhi karo. labadaas dhexdooda ayaa ay ka soo baxaysaa hal-adagynimada ah in aad aqbasho kakanaanta hawlaha iskana reebto bahaqa aad ka qabto in aad hawl ku fashilanto ama fulinteedu ku gu adkaato.  Fahamkan tabani waxa  uu ka been abuuraa awooddeena kaydsan.

Markale waxa aynu isku aragnaa dhammaadka tabardaradda. Fikradani waxa ay ku tusaysaa in aad tahay qof ka u gu tamarta liita, ee aan hawl loo diray waligii ku guulaysanayn ama aan ku dhamaystirayn wakthigii loo qoondeeyay in ay ku dhammaato. Inta badan ma isku aragtaa adiga oo qawadaya wakhtiga la gu siiyay si aad hawl u soo dhamayso?, haddii ay tahay  waxa aad abuuraysaa boqolaal cudur daar oo aad kalidaa arkayso. Cudurdaarradani waxa ay kaa dhigayaan mid ka takhalusi kari waayay xujada hortaalla ee ah in uu hawl hortaalla wakhtigeedii ku qabto.  Marka aad aragtidan qabto waxa uu qofku ka  runsheegaysaa laba  arrimood midkood, in aanu lahayn xirfaddii hawsha hortaalla uu ku qaban lahaa, isla jeerkaasna uu ka cabsiqabo  in uu ku fashilmo ama in aanu lahayn awoodda wax abaabusha [inspiration] taasi oo qofka u sahli karta in xataa hawsha aanu xirfadeeda lahayn isku dayo isla jeerkaasna barto sidii uu u fulin lahaa, fashillo badan ka dib.

Mar kale waxa aynu istaagnaa fagaaraha hawl-adagynimada iyo hawlkarnimada, inaga oo arkayna guulo iyo barwaaqooyin ka dhalanaya fulinta joogtada ah ee hawl maalmeedkeeena iyo ku-dhiirashada fulinta hawlaha kakan ee nolosheenna qurxiya. Dhiirranaantan iyo ku dhaca waxa aynnu ku kasbannaa tijaabooyinka joogtada ah ee aynu nafteenna ku hoggaaminayno, inaga oo fulinta hawlaha inna horyaalla ku jeesjeesnnay, waliba si kalsooni leh oo wakhtiyaysan u fulinayna.  Awooddeenna iyo garashadeenna waxa aynu isugu gaynna gudashada hawl-qabadada nafteena horumarinaya, inaga oo laba shay aad u ilaalinayna; wakhtiga iyo si togan u-adeegsiga walxaha [Resource] aynu haysanno.  Tani waxa ay ka soo horjeeddaa ta hore ee aynnu xagga sare ka ga warrannay.  Waana labada arrimood ee qofka u sahla in uu shaqooyinkiisa u qabto si tayaysan.

Waajib ma aha in bini aadamku  markaliya ka wada fikiro mustaqbalka iyo waxa dhici doona, waayo mustaqbalku waxa uu ka samaysan yahay isugaynta waxqabado kala danbeeya , xilliyo kala danbeeya.  Dib-u-dhac, farxad, horuamar iyo fursado la mideeyay ayaa timaadadu ka unkantaa. Laakiin waxa inna horyaalla hawlo yaryar oo gudashadoodu sida jaajuurka u dhamaystirayso dhismaha guusha ee aynu rajaynayno.  hawsha u gu muhiimsan ee timaada kaa sugaysaa waa in aad rajayso qorshahaagana ku darto in aad waxa imika kuu yaala ku gaadho timaaddo wanagsan [macnaha in aad hawl walba wakhtigeeda ku dhammayso, adiga oo tashiilanaya walxaha [resource] aad haysato], hadda ha fikirn ma aha, se waa fikirkaaga ku xidh hawlqabadka maalinlaha iyo qorshayntooda. Markaas ayaa timaadadu noqonaysaa wax si togan loo ga fikiri karo.   tani waxa ay meesha ka saaraysaa in aad iska fadhiisato, ka dibna ku hammido in aad cirkaa gaadhayso, hawlina waa bartii aad dhigtay oo aanad wali ka qaadin. Waa waddo kale oo kuu sahlaysa in aad hawl walba isugu diyaariso aminta loo baahanyahay in la bilaabo.

Inta aynnaan ka jawaabin goorma ayaa hawl la qabtaa aynu hawlaha la qabanayo laba u kala qaadno,hawl waajib ah oo dib-u-dhaceeda iyo gudasha la’aanteedaba ciqaab ama abaalmarin tabani inaga soo gaadhi karto. Tusaale ahaan in aad maalintii shaqo tagto waa wajib, in aad xilliga la guu asteeayay shaqadaada ku gudato oo hawlaha aad u astaysantahay amintooda ku fuliso iyana waa waajib kale. fashilka shaqadaada waxa ka dhalanaya dhibaatooyin badan oo ay u gu horrayso in aad kasban waydo wixii aad u timi goobta shaqada oo ah “gunno” ama “mushahar.” Waxa kale oo ka mid ah in aad ciqaab kale la kulanto sida shaqo-ka-saarid, hoos-u –dhigid  ama niyad jab kale oo ku gu riixi kara in aad naftaada u aragto  qof aan haba yaraatee waxba qaban karin sida aynu qormada bilawgeeda ku sheegnay.

Dhanka kale hawsha la qabanayaa waxa aynu u qaadan karraa in ay tahay mid “tabarruc” ama qurxin ah. Waa hawl aan waajib ku gu ahayn, balse fulinteeda aad si uun dheef dadban u ga helayso, haddii aad qabanwaydo aanad kala kulmayn, arrimaha aynu qodobka hore ku xusnay.  Qabashada hawlaha qurxiya nolosha waxa ay dhisaan qofka iyo qofnimadiisa, aqoontiisa iyo fahamkiisa, waxa aanu dareemaa sarrayn iyo kalsooni uu ka qabo qofnimadiisa, taasi oo markalena ka caawinaysa in aanu biyo u kaban hawlihiisa waajibka ah, ee noloshiisa iyo hourmarkeedu ku dhisan yahay.  Tusaale ahaan in aad toban buug bishii akhridaa waa hawl ka baxsan kuwa waajibka ku gu ah. Kaliya waxa aad dhisaysaa maankaaga iyo fahamkaaga aqooneed ee dunida maskaxdaada ka baxsan. Inta badan dadka ka takhalusay hawlahaooda waajibka ah ayaa ku tookha ama gaadha heer ay kuwa tabaruc ahna qabtaan si naftooda u gu dhisaan, bulshadana u tusaan tayoooyinkooda qaybta togan. 

Haddaba Jawaabta su’aasha aynu maqaalka saarnay waa la gu kala duwanaan karaa.  Mayee waaba la gu kala duwanyahay oo  aqoonyahanno badan ayaa siyaabo kala duwan u ga hadlay ama u ga jawaabay.  Goorta  saxda ah ee hawl la qabto waxa maamula duruufo kala duwan balse aminta u gu habboon ee la bilaabayo hawl waxa qeexid maangal ah saaray  Alian Boton. Alian Boton waa   aqoonyahan Filasoofar ah oo reer Switzerlan ah. Waa qoraa qoray dhiganeyaal dhawr ah oo u gu caansanyihiin  Essays in Love and How Proust Can Change Your Life. Alian waxa isku hawlay in uu si la fahmi karo inoo baro wakhtiga qofku hawl wakhti-dhammaad leh bilaabi karo isaga oo qaadanaya laba shay “cabsida fallidda hawsha iyo si xun u falidda hawsha.” Waxa uu yidhi “hawshu waxa ay bilaabantaa marka cabsida aad ka qabto in aanad waxba qaban karin ka badato cabsidaada ah in aad six un wax u fasho/qabato.”  Waxa kale oo xog la xidhiidha kala duwanaansha hawl qabadashada iyo maskaxda dadka ka ga bogan karraa qormo luuqada Ingiriisida la ga soo haltebiyay oo loo bixiyay Maxay qoreyaashu noqdeen dadka u gu wahsiga badan. Qormadani waxa kala oo ina baraysaa sida ay isugu lammaanyihiin wahsiga, hawlqabadka iyo kala duwanaanshaha maskaxda dadka.

Fahamka weedhan uu ku qeexay Alian xiliga hawl fulinteeda qofku bilaabo waxa uu ka soo dhiraandihiriyay dhinaca dareenka nafsiga ah ee qofka oo ah “baqaha”, waliba baqaha fashilka hawl-fulinta.  Baqahaaga ayaa qayb wayn ka ah fulinta iyo fulin la’aanta hawl ku hortaalla.  Si aynu u fahanno tibaaxda Boton aynu soo qaadano tusaale nololeed.  Waxa aad tahay arday wax ka dhiganaya kuliyad jaamacadeed. Waxa la guu  dirya layli aqooneed heer jaamacadeed ah, oo la gaa rabo in aad ku soo fuliso 100 saacadood ka dib.  Nooca layligani waa mid isugu jira waxa aad soo dhigatay iyo wax u baahan in aad baadho, oo aad boqolka saacadood ku gaadhi karto wali ba si fiican.  Saacaduhu waa ay soconayaan adiguna waxa aad maanka ku haysaa in hawshaa qabashadeedu laba arrimood dhextaalo, cabsidaaad ah in aad laylilga garanwaydo  oo aanad qaban karin iyo cabsi la’aantaad ah in aad si aan la qaadan karin [qalad]  u qabato. Halkaana aad kala kula kulanto yasid aqoontaada la soo gudboonaata maaddaama oo aad layligii sida la rabay u ga soo shaqayn wayday.

Muddo marka aad labalabayntaas [hesitation] ku jirto waxa aad gaadhaysaa amin wakhti-dhammaadkii [deadline] hawshaba la gaadhay ama waxyari ka dhimanyihiin. Markan go’aanka ku horyaallaa waa in aad  wax qabato, haba qaldanaato hawsha aad qabanaysaa waayo, waxa aad ku qanacday in aad ka cabsanayso in aad waxba qaban kari waydo, adiga oo aan ka cabsanayn in aad layligan si aan sax ahayn u qabato.  Markan ayaad xaqiiqsatay xiliga aad hawl bilaabaysaa in ay tahay goorta aad labadan ammuuurooda kala dooratay. Cabsidaada ah in aad layligan qabankari waydo ayaa ka badatay in aad si aan sax ahayn u qabato.  Muhiimadda waxa aad saartay in aad wax qabato haba khaldanaadaane, si aad hawsha wakhtigeedii u gu dhammayso.

 “Waa in aad qabtaa wax aan suurto gal ahayn si aad u gaadho wax aan suurogal ahayn” odhaahdan sare oo aan ka soo dheegay afka Ingiriisida waxa ay inna baraysaa in isku dayga shayga ay adagtahay ama dabci ahaan loo yaqaan wax aan la gaadhi karin, qabashadiisa la gu gaadhi karo guul ay adagtahay in la ga fikiro, mayee  guul wayn.   Xikmadani waxa ay inaga saaraysaa in aynu adeegsanno weedha ah “suurogal ma ah ama lama samayn karo”.   Xikmadaha nafsiga ah ee halkan la ga dareemyo waxa  dhabarka kale ka ga gudban wahsi, caajis, iyo is-dhigasho taasi oo marka danbe ku baraysa in carrabkaagu laasimo halhayskan dib-u-dhaca ah ee aynu xagga sare ku xusnay.  Marka se aad weedha aynu soo turjunay dul istaagno waxa kaa baxaya khuraafaadka beenta ah iyo humaagga aad istusayso ee ah in hawl ku hortaaalla tahay ama u egtahay mid aan la qaban karin.  In aad hawl kasta oo ku horaalla bilawdo ayaad beegsanaysaa. 

Waxyaabo badan oo aad aragtay ayaa  kuu gu muuqanaya kuwo ay adagtahay in la qabto, taasina waxa ay inta badan abuurtaa baqe ah in aanad hawshaa ka soo bixi karin.  In hawli ku gu adkaagto macnaheedu ma aha in aanay suurogal ahayn in la qabto hawshaas, balse waxa ay u baahantahay kaliya isku day iyo joogtayn.

Badheedhaha ayaa qofka ka saara shakiga uu ka qabo awoodihiisa kaydsan, isla markaana u tababara hawlo aanu hore u gu dhiirran jirin. Markasta oo aad isku daydo in aad wax qabato, haba xumaadaan sida aad u qabanaysaaye waxa la ga yaabaa in aad iska jabiso quful adag oo aanay jirin cid ku gu xidhay. Mayee dabeecadda ayaa ku fartay in waxaasi adag yihiin ama ay ka awood sarreeyaan tamartaada kaydsan.  Si haddaba qofku u ga gudbo dayrka horyaalla ah ee ah cabsi beenaadda ku tidhi “waxaasi waa ay adagyihiin ama la ma fali karo” qofka waxa uu baahida koowaad qabaa in uu lahaado laba arrimood oo u baahan in uu is baro; badheedha  ama kudhac ah in uu hawl isku dayo  iyo dhisidda kalsoonida qofeed si amarku ruuxdaa u ga soo fulo oo naftaadu amar kama danbays ah kuu siin karto si aad hawl aanad hore u qaban jirin ama baqe kaaga jiray fulinteeda  culayskeeda naftu kuu dareensiisyo.

Guulaha ug u jiritaanka dheer iyo helidda walxaha kownka u gu qaalisan waxa dhammaantood ku gedaaman duruufo iyo darbiyo adag.  Xikmadda  ka danbeaysaana waa in dadku kala baxo oo u kala miirmo mid karti leh oo duruufahaas iyo dayrarkaas jabiya iyo  mid fadhiid ah oo ku cataaba in aan wax macquul ah oo la qaban karaaba jirin.  Maarkan ayaa dadka qaarna ka dhigay kuwo la gu cabbiro fuudhka guusha kuwana la gu cabbiro guuldarada.
“hadduu dhiciyo yoolkaad lahayd looma dhaco hoose
Dhexdaa loo xidhaa maalintuu dheelli kaa galo”

Labadan bayt oo uu leeyahay abwaan da’yar oo la yidhaa Kayse Galaydh waxa ay si wanaagsan inooga caawinayanaan in aynu sii joogtayno hawlaha aynu qabanayno oo aynnaan u isu dhiibin dheeliga iyo caqabadaha kolba wadada u sii galaya socdaalkeena aynu u gu jirro xaqiijinta yoolalka nolosha. Si aynaan dhibaneyaal u gu noqon jidgooyooyinka iyo istabaha xoogaga iskacaabinta ah ee ka hor imanaya halka aynu geediga ku nahay waxa aynu ku adkaysanaynaa in aynu sii wadno oo hawl kasta oo adkaata ku celcelinteeda la qabsanno si wakhtiyasanna u bilawno u na dhammayno oo aynu dheelitiro janheedh kasta oo  ku yimaado hawl-qabadada inna horyaalla.

Qofka soomaaliga waxa uu duruufta kala siman yahay dadkyawga kale ee dunida, kuwana wuu kaga duwan yahay. La ga yaabee in qofka Soomaalilga ah ee meeli u calaamadsantahay aanu helin fursado badan oo taageera si uu halkaa u gaadho taa bedelkeedana uu la kulmo duruufo jallaafeeya oo Soomaalida u gaar ah sida faqriga, dagaalada iyo dhaqaale xumaanta, hoosaynta tiknoolajiyadda. Sidaasi oo ay tahay haddana jidka  hawl qabadku waa waddo kurtimo badan una baahan in marwalba waxa suurto gal ah la qabto. Si aynu u rumaysano in aynaan caqabadaha hawlqabadka kalideed la noolayan waxa aynu u baahanahay in aynu derisno dunida inagu xeeran iyo sida ay u noolyihiin bulshooyinkoodu. Tani waxa ay innaga cawinaysaa in aynu fahamno kala duwanaanta duruufaha iyo halka aynu bulsho ahaan kaga jirro.  Waa tii Soomaalidu ku maahmaahday “ninba ceesaantii ceel keentay”, maahmaahdan meelo badan ayaa loo adeegsan karaa, laakin halka aynu ka qaadanynaa waa in qof waliba duruuftiisa, awooddiisa iyo waxa uu qabanayaa isku miisaamanyihiin.


Hawl wakhti-dhamaad leh waxa la gu qaban karaa u-diyaar garaw, jajabin, dhiiranaan iyo kala doorashada labada cabsiyood ee aynu kor ku xusnay. Qormadani waa aragti wadaag, balse ma aha qaacido xidhan, taas oo macnaheedu yahay jawaab kasta oo ka ga macquulsan su’aasha ay ka jawaabayso waa la qaadan karaa.

W/Q: Liibaan abdi cigaal(faraxsane).

Waxaan diyaar u ahay inaa mar waliba kufaaido fadlan subscrib isaar mahadsanid

WhatsApp

Postiyada aan qoray waqtiyadooda