Wednesday, August 8, 2018

Tayo primary and secondry school

Abwaan: Liibaan ( Faraxsane)
Gabaygaan waa gabay Schoolka Tayo
Aan uqaaday markii iskuulka dib loo furay



Darjaale Wiilkii
Moddo diiftu heysee
Deggan mugdi iyo
Darayada kujirayoo
Mar hadii dadkaagii
Kufarxeen dadaalkaaga
Dugsiyadii lagu Furay
Aan kula dardaarmee
I amaahi maqalkaaga
Waa daw iftiin loo
Dihaalka gaaji iyo
Cudurada dilaagi iyo
Duli kaa fogeeyoo
Adiga iyo dadkaaguba
Deggan barwaaqa iyo
Lagu gaaro darajey
Kusii dadaaal waxbarashada
Markaagad danjiro iyo
Dadaheeye noqonoo
Dhis deganadena
Daraha bakiin iyo
wadooyin isdul Mara iyo
Dalsan aad kayeeliyo
 KOr uqaad hamigaaga
Dar xumooyinkii hore
Walaga dawooboo
Dhinacaaga nuur baa ah
Waa nuurkii Tayo Primary and secondary school.
Dacalkaaga joogoo
Ilaa aad digrii iyo
Darajooyin aad gaadho
Damiin ka ahaaninee
Dib ha ueegin wixii hore
Damiirkaagana usheeg
Inaa wiilal dooroow
Duli kaa ilaashoow
Jahli Kala diriroo
Kaa daalin leedahay
Kaa daalin leedahay
Qoraa sare: liibaan(faraxsane)


Waxaan diyaar u ahay inaa mar waliba kufaaido fadlan subscrib isaar mahadsanid

WhatsApp

Postiyada aan qoray waqtiyadooda