Sunday, March 22, 2020

Dib u cusboonaysiinta Nafta iyo Baacsiga Riyooyinka.


Tom Clancy oo ah nin dhalinyar ah, waxa uu 1965 kii ka qalinjabiyay Koolaj sare oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee tacliinta sare, kuliyadda luuqadaha.   In yar ka dib na waxa uu shaqo ka bilaabay shirkad caymis ah oo ku taalla gobolka Connecticut ee dalka Maraykanka. Todoba sano markii uu shaqadaa hayay, waxa uu uga digarogtay shaqo kale oo isla shirkadaha caymiska ah. waxa aanu shaqo ka bilaabo shirkad wakiil ah oo isla suuqyada caymiska ka hawlgasha. halkaana waxa uu ka sii shaqaynayay sideedii sano ee ku xigay.

Sanadkii 1980 kii waxa uu go’aansaday in uu iibsado shirkad yar oo caymis oo isagu leeyahay.  Halkan marka uu xaalku marayo, Tom waxa uu suuqyada Caymiska ku jiraa muddo 15 sanadood ah, laakiin markan waxa uu bilaabay in uu dareemo xanshaashaq  hoose oo ku riixaya in uu ka shaqeeyo shaqo isaga farxad galisa.  Waxa aanu inta badan jeclaa in uu qoro buug  sheeko faneed ah (novel).
Waxa uu bilaabay in uu wax qoro wakhtigiisa firqaaqada. Ka dibna waxa uu bilaabay in uu shaqadiisa wakhti ka jaro si uu wakhti dheeraad ah ugu helo qoraalka. Ugu danbayna waxa uu qori jiray buuggiisa sheeko faneedka ah markasta oo uu wakhti helo.

Gabadhiisu, Marwo Wanda waxa ay ku odhan jirtay wakhtiyadii ugu horeeyay ee uu qoraalka bilaabay “wax uun buu ku qorayaa guriga dhexdiisa. Mar walba wax aaan u sheegaa in uu shaqada ku noqdo oo uu iibiyo caymiska.”Markii uu ku dhexjiray suuqayda caymiska muddo 20 sano ah, ugu danbayn sanadkii 1984 kii Tom Clancy waxa uu daabacay buuggiisii ugu horreeyay oo watay magacan “The Hunt of Red October”.  Tom waxa uu rajaynayay in uu iibin doono 5000 oo buug,  laakiin dhamaadka maalin toban sano ka dib ah, waxa uu iibiyay Laba milyan oo buuggiisii koowaad ah.  Taasi waa sheekada Tom Clancy.
Wali waxa aad haysataa fursad aad naftaada dib ugu cusboonaysiiso.
Tom Clancy waxa uu ka mid ahaa qoraayada ugu caansan qoreyaasha guulaystay ee jiilkiisa.  Isaga oo wax ka qori jiray sheekooyinka ciidamada Milatariga ah, waxa aanu qoray 17 dhigane oo Noofal ah kuwaasi oo ku guulaystay darajada koowaad ee buuggta ugu iibisiga badan “new York times best-sellers.”  Guud ahaana buuggtiisa waxa la iibiyay in ka badan boqol milyan oo nuqul.  Qaar badan oo ka mid ah buugtiisa sida The Hunt of Red October, Patriot Games iyo The Sum of All Fears waxa ay noqdeen kuwa ugu foolaadsan.  Kuwa kalena waxa ay noqdeen kuwa ugu caansan muuqaalada ciyaaraha sida Rainbow Six, Ghost Recon iyo Splinter  Cell.  Ugu danbayn Tom waxa  macaamiil u noqday in ka badan boqolaal Milyan oo akhrise, taasi oo ka dhigtay qof caan ah, oo looga danbeeyo shaqadaas qoraanimada.
Marka laga yimaado guulahaa ashqaraarka ah ee uu gaadhay  Tom, arinta cajiibka ah ee aan ka helay waa rabitaankiisa iyo sida uu ugu dhiiraday in uu naftiisa dib u cusboonaysiiyo ama dib u jiheeyo.
Dhamaanteen waxa aynu  leenahay yoolal muhiim  ah-  qaabaynta muuqaalkeena jidheed,  samaynta ganacsi, qoridda buugaag iyo qaar kale- laakiin dhamaanteen waxa dib u inoo dhigaya wahsiga iyo caqabadaha nolosha.  Gaar ahaan arrintani waa run marka aynu ku noolahay  nolol dheelitiran. Dadka intooda badan ee ku sugan xaalada Tom, waxa ay sii wadeen xirfadadoodii shaqada caymiska, halkii ay baacsan lahaayeen riyadooda ay ku gaadhi lahaayeen qoraa (Noofalyahan) sida Tom.
Way fududahay in la fiiriyo qof sida Tom u guulaystay, kuna andacoonaya in uu lahaa jidka guusha.  Marka 100 Milyan la iibiyay buuggan, taa macnaheedu waa in uu u dhashay in uu qoraa noqdo. Laakiin haddii aad u fiirsato noloshiisa labaatankii sano ee xirfaddiisa ugu horreeyay, ma arki doontid qoraa haba yaraatee.  Macnaha Tom u arki maysid qof qoraa ah. Taasna waxa ka dhalanaysa su’aal xiise badan…
Maxaa sameeyay farqigaas wayn nee nolosha Clan, waa Tom Clan’e.  ma waxa ay ahayd heerka hibadiisa? Mise waa hal-adaygnimadiisa iyo rabitaankiisa uu ku doortay in uu naftiisa bedelo, tallaabana qaado?
Waxa jira boqolaal qof oo hibo  leh, balse aan waligood samayn doorasho si ay u sameeyaan wax ka duwan waxa ay qabanayaan, si ay nafahooda u cusboonaysiiyaan isla markaana u baacsadaan riyooyinkooda.  Way adagtahay in aad joojiso shaqadaada oo aad wax cusub oo kale samayso. Macnaha ma jiro qof nacas ah oo doonaya in uu mar walba dib u bilaabo wax cusub.
Laakiin hibadu qiimo malaha haddii aanay wadan dhiiranaan iyo rabitaan ah in qofku tallaabo qaado. Waa ay fiicantahay in qofku riyo iyo hadaf yeesho laakiin waxa ka sii fiican in baacsado, oo taageere u noqdo riyadiisa si u gaadho.  Imis qof oo sida Tom Clancy ah baa wakhtigan jooga, kuwaas oo riyooyinkooda laabta ku haysta, ka dibna wahsiga iyo cadaadiska noloshu dib u celiyay,  ugu danbayna dhanka dabaysha nolosha u socoto uun u raacay.
Talada Tom Clancy ee qoraayada.
Waxa aad u baratay wax qoridda si la mid ah sida aad u baratay ciyaarta Golofka ama kubada cagtaba. Waad ciyaartay, waanad sii joogtaysay illaa aad siday ay tahay u baratay.  Dad badan ayaa markaa moodaya in waxani si ruuxi ah kuugu soo degeen, iyaga oo u malaynaya in dhegtaba laguu saaray xirfaddaada. Laakiin qoraalku ma aha waxyi qofka ku soo dega- waa shaqo adag.
Ma jiro wax gaar ah oo ku soo dega dadka doorta in ay nafahooda dib u helaan  (dadka dib u qaabeeya naftooda, ee dib u doorta waxa ay ku wanaagsanyihiin) si ay riyooyinkooda u gaadhaan.  Uma fududa sida ay kuugu fududahay arrintani.   Waxa ay doorteen in ay shaqo qabtaan, oo ay tallaabo qaadaan. Naftooda ayay doorteen.
In aad naftaada dib u qaabayso/dib u cusboonaysiiso oo aad barato xirfado horumarsan waa shaqo adag.  In aad ka soo bilawdo qaabaynta noloshaada qaab la’aan una farsamayso qaab togan waa shaqo adag.  In aad ka dalacdo shaqaale kursi (xafiis) una dallacdo hal-abuure ganacsi waa shaqo adag. In aad noqoto Noofalyahanka ugu fiican, adiga oo ahaa iibiye –caymis shirkdadeed waa shaqo adag.  Markaa waa wax qurxoon oo qiimo badan in aad hadaf walba ku dagaalanto sidii aad u gaadahi lahayd.

Sida Tom yidhi ma jiro wax ruuxi ah oo qofka ku soo degaa.  Ma jiro waxyi aad dareemayso oo kugu soo degayaa. Tallaabada ugu horaysa ee riyooyinka lagu xaqiijiyaana waa mid aad u gaabisa, oo aan qurxoonayn isla markaana ah mid qallafsan-waa sida adiga oo qoraya buug sheeko  ah (novel) dhamaadka todobaadka, isla markaana maamulaya shirkad yar oo caymis ah. waaba sidaas rumaynta riyadaadu.

Arrinta ugu adag  ayaa ah,  in dib u qaabaynta noloshaadu tahay shaqo adag oo aan qofna kugu ammaani doonin-waliba marka hore ee aad bilaabayso. Waayo Tom ba xaaskiisu waxa ay ku odhan jirtay “orod oo shaqadaada caymiska dib ugu noqo, marka ay aragto isaga oo wax qoraya.”
Warka fiicani waa in aan wadada aad u marayso shaqada aad jeceshay iyo filashadeedu isku mid ahayn, laakiin waa ay ku gayn kartaa halka aad hiigsanayaso haddii aad doorato in aad wax cusub qabato.  Wali wakhti baad haysataa aad naftaada dib ugu hagaajiso si aad yoolashaada iyo riyooyinkaaga u gaadho. Taasina waa taladii Tom.
FG: Qormadan oo aan ka soo hal-tebiyay luuqada Ingiriisida waxa qoray James Clear.  Dulucda qormadu waa dhiirigalin ku socota dadka aanay islahayn shaqada ay hayaan iyo waxa ay ku wanaagsanyihiin ama ay noqon lahaayeen. Nuxurkeeduna waa in qofku abbaaro waxa uu jecelyahay qabashadiisa, oo uu is waafajiyo hibadiisa iyo falkiisa.






Tuesday, February 4, 2020






"Dad badani noloshooda kama aha dirawal. Waxay ka yihiin rakaab. Waa sababta qaar badan oo innaga mid ahi ugu noolyihiin nolol aanay iyagu gadh wadeen ka ahayn, nolol cid kale ku xidhan, nolol lala leeyahay iyo nolol aanay iyagu wadin ee lala wado. Mana dhacdo inay natiijada ku raali noqdaan. Qof aan adiga ahayni ma abuuri karo nolol aad ku niyadsantahay. Waa kuu keligaa. Dhig kaadhka dhibanaha oo bilaw nolol aad adigu madaxweyne u tahay. Abuuro nolol aad adigu leedahay. Yaan laguu yeedhin noloshaada. Qof kaaga wanaagsan qorshaynta noloshaadu ma noola. Waa xiligii aad noolaan lahayn xaqaaga." 

#Waamarkaagii!

Sunday, February 2, 2020

Waad furi kartaaa albaabo cusub oo noloshaada dhinaca kale ujeediya





"Dadka qaar shaqooyinka ay hayaan iyo xaaladaha ay ku noolyihiin waxa ay ku jireen muddo badan. Ugu danbayn waxa ay aamineen in ay intaas keliya tahay inta ay noloshuba u hayso. Waasee aaminsanaan qaldan oo ay sababtay ku celcelinta iyo muddada dheer ee ay ku jireen xaaladaa amma shaqadaa. Waxay u baahantahay wakhti iyo tamar in la burburiyo aaminsanaantaasi. Waxase ka degdeg badan in uu qofku gaadho darajo uu xammili karo waayo dareenkaas. Goorma ayaad dhakhtarka tegtaa? Marka uu laxawgu jiif iyo joogba kuu diido. haddiise aanu xanuunku faro kulul kugu hayn waad iska sii socsocon adiga oo bukaan socod ah. Tan waxa u dhiganta in dad badani ugu sii adkaystaan xaalado iyo shaqooyin ay u arkaan dani ku baday iyo qushiye iska wado ah oo aan qorshe ka danbayn. Waad bedeli kartaa oo furi kartaa albaabo cusub oo noloshaada dhinaca kale u jeediya."

#Waamarkaagii!

10

Shaqo la'aantu ma qeexna










26, 2019

Shaqo la’aantu ma qeexna.


Dadku waa shaqo-raadis firfircoon, laakiin markaa ma hayaan shaqo ay qabtaan, markaas ayaa  la odhanaya shaqo la’aan ayaa jirta. Marka dhanka kale laga soo istaago  tirada shaqo ee jirta waxa  ay calaamad lagu aqoonsan karo u noqonaysa tirada dadka ee shaqeeya, marka laga reebo shaqooyinka aanay dadku ku baraarugsanayn ama aan la daahfuran. Shaqo la’aantu waa dhibaato dunida oo dhami la tacaalayso, mana jirto kob adduunka ka mid ah oo aanay ka jirin. Kala duwanaantu se waxa ay noqonaysaa hadba heerka ay leegtahay iyo nooca shaqo la’aaneed ee ka jirta waddankaas. Dawlado dhan ayaa dadku kaga horyimaadaan camal la’aan soo foodsaartay, tusaalaha nool ee qarniganna waa dhacdadii Tuniisiya ka dhacday sanadkii 2010. Wiil dhalinyar ah oo jaamacad ka baxay, qorshe ganacsi oo uu samaystayna dawladdu ka burburisay ayaa isku gubay meel fagaare ah isaga oo naftiisa u halaagay shaqo la’aan. Dhimashadiisii waxa ay sabab u  noqotay in ay  dhacdo dawladdii waddankaa ka talinaysay, halkaana waxa ka bilaabmay kacdoonka caanka noqday ee Gu’gii Carabta la magac baxay, kaas oo galaaftay boqorro iyo madaxweynayaal. Kacdoonkaas oo illaa maanta halkiisii ka sii socda –u fiiro Suudaan, oo ay wali wacdarihii kacdoonkaasi ka sii bidhaamayaan.  

Bulsho ahaan waxa aynu nahay dad kobocooda dhaqaaleh hooseeyo, kaabayaasha dhaqaalana aan wali sidii la rabay loo dardargalin. Sida oo  kale ma lihin wax soosaar khayraad sida macdan qodis, shidaal, beero iyo mashaariic waaywayn (heavy project) kuwaasi oo dhammaantood si toos ah u ga qayb qaadan lahaa yaraynta shaqo la’aanta. Waxa aynu nahay bulsho ay ku yaryihiin xirfadaha lagu shaqaysto ee nolol maalmeedku lagu soo saarto. Taasina waxa ay sii kordhisay heerka shaqa la’aanta ee bulshada.  Walina inooma cadda heerka shaqo la’aanta bulshadu la nooshahay iyo waliba noocyada shaqo ee deegaankeenna yaalla. Mawdduucan dunidu aad ayay isaga xil saartaa, waxa aanay samaysaa baadhisyo qoto dheer oo lagu dersayo sababaha dhabta ah ee keena shaqo la’aanta iyo sidii loo dawayn lahaa.

Soomaalidu waa dad bulsho xigaalnimada iyo qaraabnimada aad u tixgalisa, is xidhiidhisa ama wax is tartaba marka qofka xaaladi ku soo baxsato. Ma  jiro wakhti qofku qoyskooda si toos ah uga xoroobo dhaqaale ahaan iyo talo ahaan ba inta aanu u banbixin nolol uu kalidii maamulkeeda leeyahay. Waxa jirta in qofka dhalinta ahi da’ sodon ka badan ku gaadho gurigooda, jeebkiisa maalinlaha ahna ka helo qoyskiisa, halkaasna ay ku lunto tamar iyo fikir badan oo uu galin lahaa in uu samaysto shaqo uu naftiisa ku dabbaro. Waxa uu noqonayaa qof caban oo in shaqo laani hayso aan dhaafin karin hadalkiisa iyo awooddiisa ba, maaddama oo aan qoyskooda dibadda u saarin. kuwani waa dadka ugu badan ee shaqo laanta ka cawda.

Halkan waa ay inagaga duwan yihiin wadamo badan, kuwa reer galbeedku haba ugu badnaadaane, waayo qofku haddii uu qaangaadho ama uu noqdo qof jidh ahaan iyo maskax ahaan ba dhamaystiran waxa laga lagu dhiirigaliyaa in uu naftiisa bixiyo, oo uu noqdo qof maaraynta noloshiisa u foof taga. Qofkuna waxa uu  si isku dirqiyid ah u bartaa xirfadaha nolosha taageera, waana sababta keentay in faca dadyawga horumaray wax ku soo kordhiyaan bulshooyinkooda.

Inta badan lama soo saaro xog sax oo ku saabsan heerka shaqo la’ aanta,  in la sameeyo tiro sax oo sheegaysa shaqo la’aanta markaa jirtaana waa ay adagtayahay.  Sababta  waxa aynu u aanayn karraa dadka shaqo la’aantu haysaa oo aan ahayn  kuwo warkooda soo gaadho cidda raadinsaya xogta camal la’aanta.  Dadka qaar ma jeclaba in ay sheegaan shaqo la’aantooda sababo dhaqan ama caadooyin bulsho darteed, kuwa kale waaba ay iska laasimeen shaqo la’aanta oo waxa ay noqdeen kuwa fadhiid ah.

Qodobadani waxa ay ku adkaynayaan xogbaadhayaasha, dawladaha, ururada maxalliga iyo cid kasta oo ku hawlan in ay helaan xogta shaqo la’aanta gaar ahaan tirada rasmiga ah ee bulshadaas shaqo la’. Taa bedelkeeda  waxa ay qaataan cabbiro ( measurement) ay is diidi karaan xaqiiqada ku saabsan la’aanta jirta, iyaga oo aan samaynin  raadraacyo iyo xogbaadhis dhamaystiran. Natiijada soo baxaysaa waxa ay u dhawdahay mid aan si buuxda u meteli karin heerka shaqo la’aaneed ee wadanka.  Waxa kali ee ah aynu si marag ma doon ah u ognahay waa in shaqo la’aan baahsani jirto, cidda ugu badan ee aan shaqaynina ay dhalinyaro tahay. Taasi waa cabir qofka caadiga ah ee suuq joogga ahiba garan karo, laakiin ma aha  warmurtiyeed si aqoonaysan loo xaqiijiyay tiro ahaanna sugan.

Caqabadaha hortaagan in si dhab ah loo qeexo shaqo la’aanta waxa ka mid ah gorfeynta xalka shaqo la’aanta iyada oo aan awoodda la saarin sidii loo xaqiijin lahaa, loona qeexi lahaa heerka shaqo la’aaneed ee bulshada, cidda ugu badan ee aan shaqo haysan, deegaanada  ay ku badantahay iyo sababaha keenay. Tusaale ahaan; midkee ayay shaqo la’aantu ku badantahay dadka aqoonta leh iyo kuwa aan waxba baran. Halbeegyada aqoonta casriga ahi ku fuudhiso marka ay shaqo la’aanta dersayso waxa ka mid ah dadka waxbartay, oo ah kuwa inta badan ku dhawaaqa in ay shaqo la’ yihiin. Xogaha laga sameeyay  shaqo la’aantana intooda badani waxa ay ku dhisanyihiin  dadkaas wax bartay. Halkaas waxa ka muuqanaysa in cid kali ah xogtooda la darsay, oo xaglin (bias) lagu sameeyay dhammaan shaqodoonada kale ee aan lagu ogaan karin illlaa baadhis la sameeyo.

Dhaqaalaha iyo  khayraadka oo aan saamaxayn in la wada gaadho bulshada shaqo la’  waxa ay keentay in si sax ah loo sugi kari waayo  tirokoobka dalka ee shaqo la’aanta. Dhanka kale ma jiraan machaddo cilmi baadhiseed oo isku hawlay arrintan si loo helo daraasad lagu kalsoonaan karo oo laga tixraaco marka la qeexayo shaqo la’aanta. Sida aynu xusnayna “Dhalintaa waxbaratay” ayaa laga cabbir qaataa marka la dersayo arrintan. Cabir ahaan in dhalinta waxbaratay oo kaliya looga qiysaas qaato shaqo la’aanta jirta ma noqonayso dood sax, mana noqon karaan saami u taagan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee shaqo la’aantu hayso. Waayo nooc kasta oo bulshada ah waxa ay biyo dhigtay qayb shaqo la’aanta ka mid ah, ha noqdaan kuwa aqoont leh, kuwa muqur maalka ah, kuwa guryaha  jooga, kuwa xirfadaha bartay iyo cid kasta oo si uun shaqo la’aani u hayso.

Laba Xogbaadhis oo uu sameeyay xafiiska dawlada Maraykanka u qaabilsan tirokoobka shaqaalaha ayaa qeexay in ay jiraan saddex nooc oo shaqo la’aan ah, kuwaasi oo haysta dhammaan noocyada kala duwan ee bulshada.  Shaqo la’aan kala-guur (Frictional unemployment), taasi oo ah shaqo la’aanta ka timaadda marka shaqaaluhu ka tago shaqadiisa hore si uu u raadsado shaqo kale oo ka fiican tan uu ka tegay.  Shaqo la’aan xirfadeed (Structural unemployment), taasi oo ah marka xirfadda ama aqoonta shaqaaluhu noqon waydo mid ku haboon shaqada markaa jirta. Tusaale ahaan; warshadda roodhida oo marka hore gacanta ku samayn jirtay noocyada kala duwan ee roodhida ayaa soo iibsatay Mishiin roodhida sameeya.  Shaqaalaha markaa joogaa malaha xirfaddii iyo aqoontii mishiinka, markaa waa in ay shaqada ka tagaan si loo helo shaqaale leh aqoonta iyo xirfadaha mishiinkan. Tan waxa keena tiknoolajiga casriga sida ROBOTS (mishiino sida aadamaha u shaqeeya). Halkaana waxa ka soo baxaysa nooc shaqo la’aan ah.

Tan saddexaad waa    shaqo la’aan ka timaada dhinaca hoos u dhacyada ganacsiyada (cyclical unemployment), taasi oo ay sababayso marka baahida alaabta iyo adeegyada suuqyadu hoos uu dhacaan, isla markaana shirkadaha ama loo shaqeeyayaashau yareeyaan ama dhimaan shaqaalaha.  Xogtan oo ku timi xog baadhis iyo raadraacyo lagu sameeyay dhammaan suuqyada shaqooyinka waxa aad arkaysaa in ay saamaynayaan noocyo kala duwan oo dad ah, kuwaasi oo kala xirfad ah, kala aqoon ah, kala nolol ah, balse intuba waa shaqo la’aan.

Marka aynu cabirkan ku fuudhino bulshadeena  nooca shaqo la’aaneed ee bulshadeenna ku badani waa midda labaad (structural unemployement). Aqoonta aynnu barannaa inta badan kuma jaan go’na nooca shaqooyinka wadankeenna yaalla. Tusaale ahaa: Huteelada waawayn waxa ka shaqeeya boqolaal shaqaale ah oo la isla yaqaan. Boqolkaas inan ayaa ku dhex wareega. Ma jiraan ama waa ay yaryihiin machadado soo saara dhalinyar baratay xirfadaha hoteelada lagaga shaqeeyo, waxaaba laga yaabaa in ay tahay shaqada ugu badan ee cid loo naadiyo inta badan, cid ka shaqaysana lala baryo.

Su’aalaha aynnu is wayddiin karaaa waxa ka mid ah; inaga bulsho ahaan, shaqo la’aantu ma qeexantahay? Ma jirtaa xog rasmi ah oo lagu jaangoyn karo nooca shaqo la’aanta jirta?  Ma shaqaale la’aan baa jirta oo shaqo waa ay buuxdaa?. Dhammaan su’aalahan jawaabtoodu waxa ay u baahanyihiin xog rasmi ah iyo baadhid dhammaystiran si loo qeexo shaqo la’aanta rasmiga ah ee jirta.

Qalinkii: libaan abdi 






Tuesday, January 14, 2020

To Shaqo la'antu waxay sababi karta wer wer iyo walac jogta ah
Waxay sababi karta in qofku ka qusto dalkisa,
Oo door bido dalal shisheeye.

Hadaba matahay shaqo don?
Madonaysa shaqo aad umadax banaan tahay?
Daqliga ku so galaya uu yahay mid ad adigu go'amin karto?

Nagalasoo xidhiidh qaybta lamparka
Like and share
Insh Allah waan kucaawin doonaa

Friday, October 12, 2018

  Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada?Imtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”.
Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa?
 Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo.
Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaan kaga gudub uun. Bal dib u eeg maado kasta ood u baratay si aad imtixaan ugaga gudubto. Marka aad imtixaanka maadadaa ka soo baxdo hal saac ka dib haddii imtixaan labaad lagaaga qaado, waxaa xaqiiqo ah inaanad u garanayn sidii hore, iskaba daa haddii ay maalmo, bilo ama  sannado ka soo wareegaane.
Mar haddiiba niyadaada ay ku jirto imtixaanka kaga gudub, waxaa aad akhriyayso maskaxdu waxay dhigaysaa kaydkeeda ku meelgaadhka ah una gudbin mayso kaydka waarista ee mudada dheer.
Haddiise ay kaa tahay aqoon kasbasho iyo inaad naftaada, qoyskaaga, iyo ummadaadaba ku anfacdo haba yaraadee wuxuu u gudbi qaybta maskaxda ee kaydka waaraya. Taasaana ta kugu hadhaysa, hadhawna aad cidkale u sii gudbin karto.
Waa Maxay Tallaabooyinka Togan ee aad qaadi kartaa si aad u Diyaar garawdo?
Inta aanad imtixaanka gelin waxaa kuu taala hawl badan. “nin la sugayoow adna yaad sugi”. Goorma ayaad bilaabaysaa diyaar garawga imtixaanka? Ma maalinta imtixaanka? Ma wiig ka hor? Ma bil ka hor? Mise? Eeg qodobadan hoos ku qoran oo kaa kaalmaynaya sidii aad u diyaar garoobi lahayd.
Diyaar garawgaagu haka bilaabmo maalinta aad casharka soo dhigataba. Sida in badan ardaydu ay yeelaan, ha sugin inta imtixaanku kabaabiga ku soo saarayo.Garo qaybaha ugu muhiimsan ee darsiga aad imtixaanka u galayso. Ha is dawakhinin, hana qaybin buug dhan kor iyo kal sida dadka qaar sameeyaan. Darsi karta wuxuu leeyahay gobo’ iyo nuxur. Had iyo goor nuxurka ku tuntuunso, faahfaahintana adigu ku darso markaad imtixaanka timaado.Isku day inaad saadaaliso su’aalaha suuro gal ah in lagu waydiiyo. Haddaad adigu macalin ahaan lahayd, oo aad maadadan imtixaankeeda qaadi lahayd maxaad ardayda waydiin lahay. Ka soo qaad in imtixaankaagu adkaan lahaa. Su’aalahaas aad ardayda mala awaalka waydiisay, waxaa suuro gal ah inay noqdaan ugu dhowaan inta ugu badan ee imtixaanka.Habeenka imtixaanka ka horeeya ha soo jeedin si aad hurdo wanaagsan oo kugu filan u hesho. Ardayda qaar baa wax akhriya iyaga oo luloonaya. Waa bar kuma taal.Goobta imtixaanka kaalay wakhti ka hor  si aad ula sii qabsatoSidee ayaad Imtixaanka ugu Guulaysan kartaa?
Na nixin, ha werwerin, hana walbahaarin. Waxaa lagu waydiinayaa waa wixii aad soo dhigatay ee aad soo diyaarisay uun.Aamin, kalsoonina ku qab inaad garanayso waxaa lagu waydiin doonoIska fogee buugta, waraaqaha, iyo wax kasta oo keeni kara in lagaaga shakiyo qish iyo khiyaamo.Marka warqada laguu dhiibo, bisinka Allah ku bilaw intaanad wax kale qaban, magacaana ku qor.Akhri tilmaaha dhammaan qaybaha imtixaanku ka Kooban yahay si aad u ogaato inta laga shaqaynayo, inta laga tagi karo, kuwa khasabka ah in laga shaqeeyo iyo wixii la mida.Bilaw ka shaqaynta adigoo ka bilaabaya hadba su’aalaha aad hubto jawaabtooda 100%. Marka labaad ee aad ku soo noqoto ka fikir kuwa aad wax ka garato waxna ka garan waydo. Marka aad kuwaas dhammayso u kaalay kuwa kugu adkaada.Waligaa meel madhan ha ka tagin. Ereyada, iyo weedhaha meesha ku yaal inta aad dhuuxdo haddii aanad xasuusnayn jawaab saxa isku day inaad qiyaas xikmadaysan samayso waxaaba la arkaa inaad ku guulaysato ee.Waydii macallinka ama cidda ilaalinaysa haddii la oggol yahay weydiin.Ha degdegin, hubi inaad dhammaysay, inaad saxday iyo inaad jawaabaha wada dhamays tirtay.Marka aad hubiso inaad wax walba dhammaysay ilaahay la kaasho, ha walwalaacin si aanad su’aalo isaga qaldin.Ha werwerin hana degdegin haddiiba ardayda qaar kaa hor dhamayso, waayo iskuma xidhnidin ee adigu wakhtigaaga uun ilaasho inaanu kaa dhicin.Mar labaad hubi inaad magacaaga, iyo wixii kale loo baahnaaba ku qortay.Gunaanad
Ardayga wanaagsani waxbarashada hadaf buu ka leeyahay, ee kama aha qayrkaaba wuu bartaaye adna samee. Marka ay sidaa tahay ma noqonaysid imtixaan-u-noole. Imtixaan-u-noolayaashu way dhayalsadaan waxbarashada, way iska baashaalaan, marka dambana werwer, walbahaar iyo qulub ayaa u dhammaada. Waxaad arkaysaa goobta imtixaanka iyada oo ku soo hagaagi la’.
Ardayga ujeeddo wax u baranaya ee soo diyaar garoobayna waxaad arkaysaa isagoo hore u galaya goobta, buugta iyo waraaqaha iska fogaynaya, diyaarna u ah inuu cariyo maskaxda iyo xusuustiisa. Wuxuu filayaa inuu garanayo su’aalaha la waydiin doodon.
Ha noqon dadka werwera ee maskaxdu ka lunto marka goobta imtixaanka la yimaado. Is deji naftana u sheeg inaan mushkiladi jirin ee wax aad garanayso uun lagu waydiinayo.
Noloshaada iyo wakhtigaagaba qofshee si ay suuro gal kuugu noqoto inaad diyaar garawdo inta aan imtixaanba kuu iman, maalmaha imtixaankana waa inaad xooga saartaa meelaha muhiimka ah, waa inaad is imtixaantaa adiga oo odorosaya su’aalaha kuu iman kara, jawaabna u raadinaya.
Allah waxaan ka baryayaa inuu imtixaanka   adduunk iyo kuwa aakhiroba inoo fududeeyo.By: Libaan Abdi

Wednesday, September 26, 2018

Be responsible and do not neglect your resposibilities and duties

                                       

             

       Liibaan abdi cigaal (Faraxsane)            Barta Aqriska iyo fahanka       

                                 FEATHERY BACKMAN

There was a man that people called "Dubkaa Baalow" which meant feathery back who lived in a community. He was also the achief of that community. This is a tale of how he got his name. One day, the townspeople were invited to come together for a meeting. An announcer called loudly, " Listen people, there will be a general meeting and you are all invited to attend. A very important matter will be discussing and valuable things will be distributed among the people from all the communities. All the people in the area gathered at the meeting site. As people were discussing and interchanging ideas. Dubkaa Baalow became sleepy and fell asleep. After a long debate, the people in the community concluded their discussing and agreement on how to share things was reached. Dubkaa Baalow was sleeping and neglected his responsilities. After the meeting ended and elders were about to leave, they saw Dubkaa Baalow snoozing. They hung feathers on his back. And left him there alone. When he woke up, he looked around and saw no one. He started traveling back to his home.

On the way he met a group of men who laughed at him as they were greeting him. He became suspicious and asked, "You men why are you laughing at me they replied, "what are these feathery hanging on your back?" He looked at his back, saw the feathers, and said, "Today, feathers were hung on everybody's back just like this " when he returned to his community, The people asked many question, "What happened at the meeting?" How was it: what has been agreed by the elders? Where is our share of what was distributed?" He knew nothing about what happened at the meeting because he was sleeping through most of it, so he said,"Nothing was discussed today. People went there and feathers were hung on everybody's back. "Some people' laughed at him and some were astonished. 
From then on, he has known as Dubkaa Baalow. 
What do we learn from this story? Be  responsible and do not neglect your responsibilities and duties be easily explained by someone with more knowledge about the situation.

Monday, September 24, 2018

SHORT STORIES GIRL AND THREE MEN

Liibaan abdi cigaal (Faraxsane)
Barta Aqriska iyo fahanka


 
Once upon a time there were three men. One of them was very handsome, the second man was very rich and the third one was inteligent and capable. Each of three men was trying to marry a beautiful girl in the village Called Idil. Idil was pleased that three men wanted her as a wife, so she came with a clever selection criteria. She decided to give each man a separate appointment to discuss marriage.
First the handsome man came to idil and said to her. "See my good looks? I would like you to became the mother of my children. If you marry me, you will give birth to, very handsome children."
Then the second man said. "Daughter of my aunt. Look at my wealth. I  would like you to share your life with me. If you marry me. You and your children will have a pleasant life."
Finally, the third man, "I woul like you to become my wife. I am neither handsome nor wealthy, but I am an intelligent and capable person."
After she heard what each one said, it was difficult for her to differentiate among them because each one had praised himself . She asked herself . "I am confused. I don't know whom among these men should I marry. I need to talk to my mother and see what she thinks about them."
She went to her mother and shared the matter of the three men with her. Asking for advice she said, "Mother, each of the three men would like to marry me and I do not know which one to choose. My beloved mother, let me tell you about them. One of them is intelligent and capable, the second one is handsome and the third one is rich. So, mother, please, tell me which one should I choose?" I have been thinking about them, mother, I like the rich man for his wealth and the handsome man for his fine looks. The advice of an intellectual is necessary, so I like him as well. Pleas tell me mother , which one of these men do you recommend?
The mother said,"Yes, I see your dilemma. If this is the case. then listen to my opinion. First and foremost, do not marry the handsome man because as he becomes older, his fine looks will disappear. The same thing fore the rich man as one day he can lose his wealth and become poor. I do not recommend you to marry him either.
"Now listen to me, daughter," continued the mother, take my advice, marry the intellectual and capable man because people will ask him for advice and counseling, he will be asked to settle disagreements and he will be elected to become a chief to lead and judge people.
Do not hesitate to go for that man, marry him, for this man will help you best. You will see the consequences of my advice later. Now, go to the men and tell them that you will marry the intellectual man.
The girl invited the three men, apologized to the two men, and told them that she had decided to marry the intellectual. Following her mother's advice, she married the intellectual and talented man and everything turned out just as her mother had predicted.
What do we learn from this story? Wealth can run out, good looks can disappear but knowledge and capability will stat with a person for a lifetime.

           Turjumaan luqada Englishka:-
Maalin maalmaha ka mid ah waxaa jiri jiray saddex nin.  
Sadaxdanin 
:-Midkood wuxuu ahaa nin qurux  badan oo ilaahey qurux siiyay, 
Ninka labaad wuxuu ahaa nin hodan ah oo ilaahey maal siiyay 
Ninka seddexaad wuxuu ahaa mid isku kalsoon oo karti leh.
Mid kasta oo ka mid ah sedex nin waxee rabeen  inee guursadaan gabar qurux badan oo joogtay tuulada oo  la dhahaayay gabadha Idil.  Idil wee ku faraxday   in sedex nin ay rabaan in ee ka dhigtaan naagtooda oo ushukaansi tagaan. 
sidaas darteedna waxee idil la timid  shuruudo  xulasho ah oo ee rabto inee ku doorato midka ee guursan laheed oo nolol lawadaagilaheed.
Waxay go’aansatay inay nin kasta siiso ballan gooni ah oo ay kaga wada hadlaan guurka.
 Marka hore waxeee balamisay ninka quruxda badan.
 waxaa u imaaday ninkii qurux badan,  waxuune dhahay Idil .  "Fiiri quruxdeeda fiican? Waxaan jeclaan lahaa inaad noqoto ilmaheena hooyadood.
  Haddaad i guursatid, waxaad dhalaysaa carruur aad u qurux badan." Sideeda oo kale ah. Kadib wuu katagay.
  
Hadane waxee waqti siisay ninka labaad.
Hadane waxaa u imaaday ninkii hodantinimada ilaahey siiyay
waxuune dhahay.
  "Gabadha eedadeeda dhashaay Bal fiiri Maalkeega AMA dhaqaalaheega Waxaan jeclaan lahaa inaad nolosha ila qaybsatid. Haddaad i guursatid. Adiga iyo carruurtaada waxaad ku noolaan doontaan nolol farxad leh." Wuuna iska baxay.
 Ugu dambayntiina waxee waqti siisay ninkii udanbeeyay, 
 Waxaa u imaaday ninka seddexaad, waxuune dhahay
 "Waan kuu jeclahay waxaana rabaa inaad naagtay noqoto;
  Anigu ma ihi qof qurux badan ama taajir ah, laakiin waxaan ahay qof caqli badan oo karti leh." Wuuna iska baxay.
 Kadib markay maqashay waxa midkasta  dhahaayo, way ku adkaatay iyada inay kala soocado dhexdooda maxaa yeelay mid walbaa wuu amaanay naftiisa.  Waxee dhahday "Waan wareersanahay. 
 Ma aqaano raggaan ragga aan guursanayo ama ka dooranaayo,
 Waxaan u baahanahay inaa la tashto hooyaday  oo aan arko waxa ay igula taliso."
 Waxay u tagtay hooyadeed waxayna la wadaagtay sheekadii dhaxmaray sadaxda nin.  Waxeena ku dhahday, "hooyo, mid kasta oo sedexda nin  ayaa rabo inuu i guursado mana garanayo midka aan dooranayo, hooyaday macaan, aan kuu sheego nimanka waxee kala yihiin.
  Midkood waa nin Alle siiyay caqli iyo karti, kan labaad.  Waa nin qurux ilaahey siiyay , midka saddexaadna waa nin hodan ah oo hanti Alle siiyay. 
 Marka, hooyo, fadlan ii sheeg midka aan dooranayo hooyo adiga ayaaa idhalay oo wax badan iga taqaano xulashada nimanka ayeesii raacisay gabadha?  
 Maalmahaan oo dhan ayaan ka fikiray iyaga, 
 hooyo waana kuwareeray,
 Marbaa  waxaan isdhahaa ma guursataaa ninka taajirka ah maalkiisa maku guursataa,
 Hooyo hadane waxaan ka fikiray inaa guursado ninka qurxoon sababtoo ah muuqaalkiisa oo wanaagsan aawgiis
Hooyo hadane waan kufikiray ninka sadaxaad inaa guursado sababtoo ah
Talada qof caqli lihi waa lama huraan, sidaa darteed waan jeclahay oo inaa guursado ayaan ku fikiray.
 Please hooyo waxaaan rabaa , Niman kan inaad igula taliso midka aan ka guursanayo? Ayee dhahday gabadha.
 
Hooyadu waxay tidhi: "Haa, waxaan arkaa dhibaatadaada iyo inaad ka fikireeso ninka aad ka dooran laheed. 
Hadday sidaas tahay markaa  idhagayso ra'yigayga hooyo ayee dhahday hooyadii.
Marka ugu horreysa, ha guursan ninka quruxda badan maxaa yeelay markii uu weynaado, muuqaalkiisu qurxoon  ayaa la waanayaa. Sidaas darteed ha guursan hooyo.
Qofka labaad Ninkii taajirka ah ha guursan waayo halmaalin ayee ka baabi karaan maalkiisa uu hada ku faanaayo Oo sabool buu noqon karaa hooyo.
 
"Haddaba, gabadhayda i dhegayso," ayay hooyadii ku dhahday ayadoo hadalkeedii sii wadato ayee dhahday,
 taladaydii qaado ayee dhahday, 
 guurso ninka caqliga iyo kartida leh maxaa yeelay dadku waxay waydiin doonaan talo iyo latalin, waxaa la weydiin doonaa inuu  khilaafaadka dadka inuu xaliyo waxaana loo dooran doonaa inuu madax u noqdo dadka waayo waanin aqoon ilaahey siiyay oo uu 
 hogaamiyo hadane xukumo dadka.
 Ha ka waaban inaad ninkaas u tagto, oo guursato, waayo, ninkan sida ugu wanaagsan ayuu kuu caawin doonaa.  Waxaad arki doontaa cawaaqibta ka dhalato taladayda ka dib ayee dhahday hooyadii.
Haddaba u tag ragga oo u sheeg inaad guursan doontid ninka aqoonta leh oo kartida badan uu Alle siiyay.
 Gabadhu waxay casuumtay sedexda nin, raali gelin ayey ka siisay labada nin kale, waxayna u sheegtay inay go aansatay inay guursato ninka  aqoonta badan iyo kartida leh.  Iyadoo raacaysa taladii hooyadeed, waxay guursatay ninka aqoonta iyo karti leh wax walbana way soo noqdeen sidii hooyadeed saadaalisay.
 Hadaba Maxaan ka baranay sheekadan?  Maalku wuu dhammaan doonaa, muuqaal wanaagsane sidoo kale wuu baaba'aa laakiin aqoonta iyo kartida ayaa qofka la cimri noqon doona cimrigiisa oo dhan.
Hadaba aqristood adiga ahaan maxaaa ka baratay sheekadaan
Comments ga hoose kusoo qor waxii aad kabaratay sheekadaan
Mahadsanid. Waligaa kuxirnaaw bartaan
Waxaan soo galinaa sheekooyin talooyin iyo wax waliba oo uu bahanyahay qofka bini aadam ka ah.
Mahadsanid lasoco qeebta labaad:-

Waxaan diyaar u ahay inaa mar waliba kufaaido fadlan subscrib isaar mahadsanid

WhatsApp

Postiyada aan qoray waqtiyadooda