Tuesday, March 24, 2020

Wahsi iyo waxtar yaraan


Wahsi iyo waxtar yaraan.

Bini aadamku waa noole aad u raaxo jecel, sida oo kalena aad u horumar jecel. Waa laba ammuurood oo aad u kala taggan. Labadaa falsafadood ee aan barkulanka lahayn ayuu ku dhex wareegayaa horumarka iyo horumar la’aanta qofku. Wahsiga, is dhigashada iyo caajisnimada ayaa ka mid ah ammuuraha keena in qofku ku guuldaraysto fulinta hawlihiisa. Sida aad ugu dhego nugushahay hawl-maalmeedkaaga waajibka ah iyo kuwa aan waajibka ahayn ee taageera horumarka nafta sida akhriska iyo qoraalka ayaa horumarkaaguna ku jaan go’an yahay. Dadka intooda badani waxa ay dagaal kula jiraan wahsiga nafahooda la jaalka ah iyo in meel la iska kuududsado sabab la’aan. Qolo waa ay ka guulaystaan  ka wahsiga hawlaha daruuriga ama waajibka ah ee waliba wakhti kama danbaysa (deadline) ah ku dhammaada. Qolo kalena waa ay ku dhex asqoobaan dib-u-dhigashada waxqabadooda, illaa ay culays nafsi ah iyo maskax-daalba ka qaadaan. Haddaba, qormadan koobani waxa ay ku dhex wareegaysaa wahsiga iyo saamayntiisa. Waxa kale oo ay qormadu xidhiidh ka dhaxaysiinaysaa Soomaalida iyo wahsiga, waxna ka odhanaysaa xalalka la isku waafaqsan yahay ee lagu maareeyo.

Horusocodkasta iyo falkasta oo qofku samaynayo waxa ka horyimaadda caqabado kallifa dib-u-dhac. Caqabadahaa keena in aad dib-u-dhigato barnaamijyada ku horyaalla ayaa wahsiguna ka mid yahay. Haddaba, wahsigu waa dib-u-dhigasho hawl wakhtigeedii joogta, ama ku hortaalla ammintaa. Waxa qofku qabanayaa hawl kale oo ka darajo  hoosaysa ama ka dhib yar, balse laga yaabo in uu ka helayo raaxo nafsadeed ama hiwaayad. Halka uu qofku dib u dhiganayo hawlaha culculus,  xiisaha nafsadeedna ku yaryahay. Hawl kasta oo dib uga dhacda wakhtigeedu waxa ay noqotaa mid caqabad abuurta marka danbe, Wakhigana kugu cidhiidhida qofka, ama ka  lumisa wakhtiyo kale oo uu hawlo muhiim ah ku qabsanlahaa. Mararka qaar waxa dhacda in ay noqoto mid muddo dhaafta ama dib u xallinnteedu lunto.

Qofna afka kama yidhaa “waan wahsanayaa” iyada oo hawl daruuri ahi hortaallo sida ay u badantahay. Waxa uu si jidh ahaana ama maskax ahaan ah ugu jawaabaa qaab cudurdaar ah. Marka aad doonayso in aad ka wahsato shaqo aad qaban lahayd waxa aad bilaabaysaa cudurdaarro iyo cilladdo aad gacanta ku samaysay si aad u-dib-dhigto falkii aad markaa fulin lahayd adiga oo ka dooranaya hawlo yaryar oo naftu maaweelo iyo madadaalo ka helayso. Tusaale ahaan; waxa tahay macallin suugaaneed. 24-ka saacadood ee soo socdana waxa lagaa doonayaa cashar-diyaarin fasal jaamacadeed. Adiga oo aan nafta si dhab ah ugu sheegayn ayaad si hoose ugu xanshaashaqaysaa in aad haysato saacado badan oo aad hawshan iyo kuwa kaleba ku fulin karto. Si aanad u dareemin go’aankaaga dib-u-dhigashada ah waxa aad samaysanaysaa hiwaayad aad culayska barnaamijkan kaga mashquusho sida sheeko, muuqaal daawasho iyo wax la mid ah. Ugu danbayn waxa aad arkaysaa adiga oo illaa daqiiqadda ugu danbaysa ka wahsanaysa hawshaa ama si gab gab ah u bilaabaya una dhamaynaya.  

Wahsiga iyo riyo maalmeedku waxa ay leeyihiin bar kulmisa. Markasta oo aad ka wahsato hawl kuu taallay waxa aad u sii dhawanaysaa furaashka hurdada aan indhaha la iskku qaban. Halkaana waxa kuugu bilaabmaya riyo maalmeed run iyo been ba ka dheer oo aan meel salkeedu yahay la aqoon. Wahsigu waxa ugu badan ee uu keenaa waa riyo aan la rumayn karin. shaqo kasta oo aad qaban lahaydna waxa ay nqotoaa mid aad riyo ku maamusho, riyana ku dhamayso, maxsuullkeeduna riyo ku danbeeyo.

Waxa kale oo jira isku ekaan dhanka fahamka ah oo ka dhaxeeya Wahsiga iyo caajisnimada. Isku ekaantaasi ma aha mid macno ahaan wadaajinaysa nuxurka labada eray mid ba gaarkiisa u leeyahay. Caajisnimadu darajo ahaan waa ay ka hoosaysaa wahsiga. Waxa qofku ka caajisayaa qabashada wax kasta. Waa tamar darro ruuxi ah oo ku dhacda awoodda qofka. Sida oo kale caajisnimadu waxa ay ka soo unkantaa ruuxda iyo nafsiyadda hoose, kaddibna waxa ay u gudubtaa awoodda muuqaalka ah (physical body), ugu danbaynna qofku waxa uu ka caajisaa qabashada waxkasta.  Halka xaaladda Wahsigu kaga duwan tahay caajisnimada; wahsiga waxa aad qabanaysaa hawl ama dhaqdhaqaaq ka fudud kana macno liita hawsha aad dib dhiganayso ama aad wakhtigeeda waydaarinayso, si aad uga mashquusho maqalkeeda iyo qabashadeeda labadaba. 

Culimada cilmi nafsiga ku xeel dheeri waxa ay qabaan, talona ku bixiyaan in wahsigu mararka qaar u fiican yahay nafta iyo jiritaanka aadamahaba. Tusaale ahaan; waa in qofku ka wahsan karaa wax cunidda faraha badan, dagaalka badan, iyo fikirka xad dhaafka ah, kuwaas oo dhammaantood sababa dhibaatooyiin caafimaad iyo jidheedba.  Dhanka kale waxay aqoonyahanka cilmi nafsigu tibaaxaan in dadka wahsadaa (procrastinators) yihiin kuwo aan deganayn, oo warwar  iyo walaac  u saaxiib ah, neecawda raaxada nafsaaniyadduna ku yartahay. Badh ka mid ah xeerka farxad galinta nafta  iyo ka hortagga walaacu waxa uu ka soo unkamaa ka wahsiga falalka keena dareennada taban iyo hawlaha culayska maskaxeed ku lammaanyihiin.

Dadku waxa ay xidhiidh daciif ah, oo raad gadasho ah ka dhaxaysiiyaan wahsiga iyo samirka. Iyaga oo u maraya odhaahaha ay ka mid yihiin “things come to those who wait” oo ah “fursaduhu waxa ay u yimaaddaan kuwa suga”. Xikmaddan waxa ku cudurdaarta dadka jecel in ay ka wahsadaan fursadahooda iyo hawlahooda daruuriga ah. Odhaahduna macno ahaan waa ay ka xeel dheertahay sida loo adeegsaday markan. Waxa ku qarsoon ‘samir’, taasi oo macnaheedu yahay qofka dedaala laakiin aan niyad jebin, fursaddana wakhtigeeda ku sima ayaa fursadaha wanaagsani u yimaaddan. Samirka iyo wahsigu waa laba kala taggan oo aan la isla xidhiidhin karin. Waana sababta samirku guul ugu hoggaamiyo qofka, wahsiguna dib-u-noqosho u hor seedo. Farqiga intaas le’eg ma noqon karo mid la wadaajiyo oo barkulan leh.

Diinta samaawiga ah iyo axaadiista sugan ee Nebiga CW, waxa in badan lagaga hadlay caajiska iyo dib-u-dhiga badan faraha badan. Culimada islaamkuna waxa ay qabaan in caajiska iyo wahsiguba door wayn ka ciyaaraan cibaada la’aanta bini’aadamka. Diintuna waxa ay uga digtay addoomaha in aanay dib-u-dhigan tawbadda markasta oo ay danbi galaan. Waxa kale oo ay dhiiri galisay u degdegidda khayrka iyo shaqooyinka wanaagsan ee Alle loogu dhawaanayo. Halkaa waxa laga garan karaa in aan wahsigu nolosheenna aduun iyo ta aakhiro midn ku habboonayn. Qur’aan, axaadiis iyo ducooyin badan ayaa lagu soo arooriyay wahsiga, dib-u-dhigidda cibaada iyo caajisnimada xad dhaafka ah.  Aayadaha ka warramaya caajisnimada waa ay badan yihiin, bal aynnu ka soo qaadanno mid ama laba. Eebbe korreeye waxa uu yidhi “ وَإِذَا قَامُوا إِلَى الصَّلَاةِ قَامُوا كُسَالَ”.  Macne “marka ay salaadda u kacayaan waxa ay u kacayaan iyaga oo wahsanaya”.
Markale Eebe korreeye waxa uu ku yidhi suuradda Kahaf “ وَلَا تَقُولَنَّ لِشَيْءٍ إِنِّي فَاعِلٌ ذَٰلِكَ غَدًا”. Macne; “ha odhan hawshaa waxa aan qaban doonaa berri”. Waxa kale oo axaadiis badani innooga warrantay wahsiga iyo caajiska,  iyo sida u saameeyaan nolosheenna adduunyo iyo tan aakhiraba. Imaamul Baaqir Wayne haka raalli noqde’e waxa uuyidhi “إيّاكَ والتَّسويفَ ؛ فإنّهُ بَحرٌ يَغرَقُ فيهِ الهَلْكى‏ ;الإمامُ الباقرُ عليه السلام macne; “waxa aan kaaga digayaa wahsiga, waayo waa badwayn ay ku halaagmaan kuwa guuldaraystay”.

Soomaalidu waxa ay ku jirtaa bulshooyinka maskax ahaan iyo awood ahaanba aadka u furfuran. Waa bulsho aan la yaraysan karin oo aad u shaqo badan. Waa bulsho duruufo badan oo jira awgeed noqtay socoto-aan nasan. Sidaa awgeed ma fududa in lagu calaamadiyo bulshooyinka wahsiga. Deegaanka ay ku dhaqan yihiinna waa mid  ku habboon nolosha caadiga. Waa deegaan aan kulayl iyo qabawtoona ahayn. Duruufo cimilo oo  jidhka iyo caafimaadka waxyeeli karaana aanay ku badnay. Sidaas oo ay tahay haddana waxa ay ka mid yihiin dadyawoga dunida ee la jaalka ah xanuunka aan loo jifsan ee wahsiga. Sababta ugu wayn ee keenta in qofka Soomaaliga ahi ka wahsado hawl wakhtigeedii joogta waxa la odhan karaa waa muhiimad la’aan (lack of priorities) taasi oo macno ahaan daaran, shaqooyinka qofka horyaalla ee waxa uu u qabanayaa qaab aan ku dhisan muhiimadda ay kala leeyihiin iyo wakhtiga ay mid waliba ku dhammaanayso.  In aad qabato Shaqo balaadhan oo aan muhiim ahayn isla amrkaana wakhti badani ku baxayo, waxa ka muhiimsan in aad fuliso shaqo yar oo muhiim ah isla markaana wakhti kama danbays  (deadline)ah loo qabtay.

Nooca wahsiga ee qofkuna  waxa uu ku xidhan yahay nooca hawsha uu  qabanayo . Hawlaha markasta ku horyaalla waxa ay u qaybsamaan laba;
1.     Shaqooyin waajib ah sida ‘hawl qoys, mid cibaado, shaqo mushahar aad ku qaadato iyo wixii la mid ah. hawlahan ka wahsigooodu waxa uu qofku ka dhaxlaa ciqaabo iyo dib u dhacyo, waayo waajib. In la dib dhigaana adiga ayay ku dib dhigaysaa ama culays kugu raraysa ammin danbe.
2.    Waxqabaddo horumarineed, sida cilmi korodhsi, akhris, qoraal, cilmi baadhis, socdaal ama dalxiis. Dhammaan waxqabadadani waa kuwa dheeraad ah oo ka baxsan waajibaadka daruuriga ah ee  asalka u ah nolosha. Ka wahsigooduna lama mid ah marka aad ka wahsato kuwo waajib ah sida kuwa ku xusan qodobka (1)aad. 

Kala hormaynta shaqooyinka ku horyaallaa haddii ay ku dhisnaan waayaan laba arrimood ‘muhiimad ay kala leeyihiin iyo qorshaynta wakhti aad haysato’, waxa aad galaysaa jawi is dhexyaac ah, kaasi oo keeni kara in aad ka wahsato hawlihii u baahnaa in aad wakhtigood ku dhammayso. waxa aad luminaysaa wakhtiga oo ah kan ugu mudan ee ay tahay in aad shaqo kasta iyo fal kasta oo aad qabanayso ku salayso. Waxa suuro gal ah in aad shaqo kaliya ku mashquusho halkaana aad ku lumiso kuwa kale. Maxsuulka arrimahan aynnu kor ku soo xusnay oo dhammi wax ay keenaan wahsi aan ku tala-gal ahayn iyo jiitan ku yimaadda habsami u socodka jidwal hawleedkaaga maalinlaha ah.

Waxa aynnu nidhi “Soomaalidu wa dad maskax ahaan iyo jidh ahaan ba furfuran” haddaba sidee ayay suuro gal u tahay in ay la jaallaan wahsi. Waa laba aragtiyood oo u baahan in la mideeyo ama meel lagu kulmiy. Wahsigu waa mushkilad caalami ah oo si isku mid ah u saamaysa bulshooyinka adduunku laakiin waxa ay ku kala duwan yihiin xalka iyo sida ay u wajahaan. Dadyawga xalka waara u hela wahsiga boqolkiiba saamiga ugu badan  waxa ay kaga guulaystaan maamulidda tayaysan ee waktiga (Effective time management). Midha aan ku badnayn Soomaalida waa midha ah ‘qorshaynta hawlaha iyo maamulidda wakhiga.’  Shaqooyinka is dabataxan ee qofku samaynayaa waxa ay u baahan yihiin hormayn  ku dhisan wakhti, ammin go’anna dhammaanaya. Waxa kale oo mar walba muhiim ah in aad qorshe lahaato si aanad ula kulmin wahsiga oo marwalba kugu sugaya afkaafka hore ee qorsha la’aanta. Inta aad u jirto qorshe la’aan ayuu wahsiguna kuu soo jiraa.

Soomaalidu waa bulsho dad isku xidhan bulsho ahaan. Dhaqnkeeda iyo diinteedubu waa ay isku jaan go’an yihiin inta badan. Waa bulsho qaraabo iyo qoysba aad isu xidhiidhisa. Xidhiidhkaa joogta ah ee wada dhalashada ku dhisan waxa uu sal dhig u ah wax isa siin iyo iska taageeridda baahiya qofka soo wajaha. Isku tiirsanaantaasi waxa ay qayb ka tahay in shakhsigu helo fursado badan oo aanu heleen marka uu yahay qof iskii meel u taagan. Tusaale ahaan; qofka Soomaaliga ah ee dalka jooga ayaa ka wahsi badan kan Soomaaliga ah ee qurbaha ku nool. Kan dalka jooga waxa uu haystaa dad garab taagan oo uu ku tiirsan yahay haddii uu shaqo beelo, xanuunsado ama duruufo kaleba soo wajahaan. Haddii uu bilaa shaqo noqdo shaxaad ayuu baahi maalmeedkiisa ku helayaa. Haddii culayso kale soo wajahaan waxa lagu xallinayaa qaab reereed. Laakin kan qurb-joogga ahi waa mid iskii u diran (Self drive). Hawl kasta iyo horumarkastaba naftiisa ayuu ku xidhan yahay. Halkaa waxa ka soo baxaysa in aanu noqon mid wahsada ama hawlihiisa dib u dhigta, sababtuna ay tahay uun garab la’aan iyo baqe uu ka qabo in habsami u socodka noloshiisa dheeli soo gaadho.

Faqriga iyo saboolnimadu waa masiibo sida diintu innoo sheegtay. Dunidda saddexaad ee aynnu ka mid nahay waxa ay la jaal tahay faqri. Qofk faqiirka ahi ma aha  mid fursad fiican u hela qaabaynta noloshiisa, waayo waxa uu la halgamayaa baahidiisa aas aasiga ah. Waxa uu muruq iyo maskaxba ku idlaynayaa kaliya daboolidda baahidiisa joogtada ah ee ugu horrayso saddexdiisa wakhti. Culayskaas saarani fursad uma siinayo  uu hawlihiisa u kala hormeeyo ama ugu qaabeeyo sida u kala mudan yihiin. Taasina waxa ay ku riixaysaa in uu ka daallo ama ka wahsadaba wax kabadan barnaamijkiisaas.  

Waxa kale oo iyana ka gaabin iyo wahsiba keeni karta in qofku ka dardaar wariyo awoodda iyo  aqoonta uu u leeyahay hawl loo xilsaaray. Tusaale ahaan;  waxa laguu xil saaray hawsha BTJ. Waad ogtahay, oo waliba waad ka dheregsan tahay in aanad hawshaa sidii ay ahayd uga soo baxayn awooddaada oo ay ka baxsantahay ama aqoonteedii oo aanad lahayn awgeed. Waxa aad isku qancinaysaa in aad dib dhigto adiga oo ka cabsi qaba in aad ku fashilanto. In kartidaada  shaqo la saluugo awgeed ayaad dib ugu riixaysa illaa ay gaadho wakhtigii kama danbaysta ahaa. “Hadhaw si uun baa loo xallin” ayaad isugu sheekaynaysaa kalidaa. Arrintani waxa ay keentaa wahsi maskaxeed.

Qorshe la’aanta iyo hormo xumida jidwalka waxqabadada aad fulinayso iyaguna waa qodobka ugu wayn ee sababa in qofku ka wahsado falka horyaalla. Sida aynnu soo xusnay xalka ugu habboon ee la isla waafaqsan yahay laguna xallin karo ama laguba yarayn karo ka wahsiga barnaamijyada ku horyaala waa; in qofku samaysto qorshe nololeed wakhtiyaysan si uu u maareeyo shaqo kasta iyo wakhtigeeda. Waxa kale oo sida diintu innoo sheegtay lagaga hortagaa wahsiga nafsiga ah cibaadada badan, gaar ahaan ducada iyo salaadaha.





Sunday, March 22, 2020

Dib u cusboonaysiinta Nafta iyo Baacsiga Riyooyinka.


Tom Clancy oo ah nin dhalinyar ah, waxa uu 1965 kii ka qalinjabiyay Koolaj sare oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee tacliinta sare, kuliyadda luuqadaha.   In yar ka dib na waxa uu shaqo ka bilaabay shirkad caymis ah oo ku taalla gobolka Connecticut ee dalka Maraykanka. Todoba sano markii uu shaqadaa hayay, waxa uu uga digarogtay shaqo kale oo isla shirkadaha caymiska ah. waxa aanu shaqo ka bilaabo shirkad wakiil ah oo isla suuqyada caymiska ka hawlgasha. halkaana waxa uu ka sii shaqaynayay sideedii sano ee ku xigay.

Sanadkii 1980 kii waxa uu go’aansaday in uu iibsado shirkad yar oo caymis oo isagu leeyahay.  Halkan marka uu xaalku marayo, Tom waxa uu suuqyada Caymiska ku jiraa muddo 15 sanadood ah, laakiin markan waxa uu bilaabay in uu dareemo xanshaashaq  hoose oo ku riixaya in uu ka shaqeeyo shaqo isaga farxad galisa.  Waxa aanu inta badan jeclaa in uu qoro buug  sheeko faneed ah (novel).
Waxa uu bilaabay in uu wax qoro wakhtigiisa firqaaqada. Ka dibna waxa uu bilaabay in uu shaqadiisa wakhti ka jaro si uu wakhti dheeraad ah ugu helo qoraalka. Ugu danbayna waxa uu qori jiray buuggiisa sheeko faneedka ah markasta oo uu wakhti helo.

Gabadhiisu, Marwo Wanda waxa ay ku odhan jirtay wakhtiyadii ugu horeeyay ee uu qoraalka bilaabay “wax uun buu ku qorayaa guriga dhexdiisa. Mar walba wax aaan u sheegaa in uu shaqada ku noqdo oo uu iibiyo caymiska.”Markii uu ku dhexjiray suuqayda caymiska muddo 20 sano ah, ugu danbayn sanadkii 1984 kii Tom Clancy waxa uu daabacay buuggiisii ugu horreeyay oo watay magacan “The Hunt of Red October”.  Tom waxa uu rajaynayay in uu iibin doono 5000 oo buug,  laakiin dhamaadka maalin toban sano ka dib ah, waxa uu iibiyay Laba milyan oo buuggiisii koowaad ah.  Taasi waa sheekada Tom Clancy.
Wali waxa aad haysataa fursad aad naftaada dib ugu cusboonaysiiso.
Tom Clancy waxa uu ka mid ahaa qoraayada ugu caansan qoreyaasha guulaystay ee jiilkiisa.  Isaga oo wax ka qori jiray sheekooyinka ciidamada Milatariga ah, waxa aanu qoray 17 dhigane oo Noofal ah kuwaasi oo ku guulaystay darajada koowaad ee buuggta ugu iibisiga badan “new York times best-sellers.”  Guud ahaana buuggtiisa waxa la iibiyay in ka badan boqol milyan oo nuqul.  Qaar badan oo ka mid ah buugtiisa sida The Hunt of Red October, Patriot Games iyo The Sum of All Fears waxa ay noqdeen kuwa ugu foolaadsan.  Kuwa kalena waxa ay noqdeen kuwa ugu caansan muuqaalada ciyaaraha sida Rainbow Six, Ghost Recon iyo Splinter  Cell.  Ugu danbayn Tom waxa  macaamiil u noqday in ka badan boqolaal Milyan oo akhrise, taasi oo ka dhigtay qof caan ah, oo looga danbeeyo shaqadaas qoraanimada.
Marka laga yimaado guulahaa ashqaraarka ah ee uu gaadhay  Tom, arinta cajiibka ah ee aan ka helay waa rabitaankiisa iyo sida uu ugu dhiiraday in uu naftiisa dib u cusboonaysiiyo ama dib u jiheeyo.
Dhamaanteen waxa aynu  leenahay yoolal muhiim  ah-  qaabaynta muuqaalkeena jidheed,  samaynta ganacsi, qoridda buugaag iyo qaar kale- laakiin dhamaanteen waxa dib u inoo dhigaya wahsiga iyo caqabadaha nolosha.  Gaar ahaan arrintani waa run marka aynu ku noolahay  nolol dheelitiran. Dadka intooda badan ee ku sugan xaalada Tom, waxa ay sii wadeen xirfadadoodii shaqada caymiska, halkii ay baacsan lahaayeen riyadooda ay ku gaadhi lahaayeen qoraa (Noofalyahan) sida Tom.
Way fududahay in la fiiriyo qof sida Tom u guulaystay, kuna andacoonaya in uu lahaa jidka guusha.  Marka 100 Milyan la iibiyay buuggan, taa macnaheedu waa in uu u dhashay in uu qoraa noqdo. Laakiin haddii aad u fiirsato noloshiisa labaatankii sano ee xirfaddiisa ugu horreeyay, ma arki doontid qoraa haba yaraatee.  Macnaha Tom u arki maysid qof qoraa ah. Taasna waxa ka dhalanaysa su’aal xiise badan…
Maxaa sameeyay farqigaas wayn nee nolosha Clan, waa Tom Clan’e.  ma waxa ay ahayd heerka hibadiisa? Mise waa hal-adaygnimadiisa iyo rabitaankiisa uu ku doortay in uu naftiisa bedelo, tallaabana qaado?
Waxa jira boqolaal qof oo hibo  leh, balse aan waligood samayn doorasho si ay u sameeyaan wax ka duwan waxa ay qabanayaan, si ay nafahooda u cusboonaysiiyaan isla markaana u baacsadaan riyooyinkooda.  Way adagtahay in aad joojiso shaqadaada oo aad wax cusub oo kale samayso. Macnaha ma jiro qof nacas ah oo doonaya in uu mar walba dib u bilaabo wax cusub.
Laakiin hibadu qiimo malaha haddii aanay wadan dhiiranaan iyo rabitaan ah in qofku tallaabo qaado. Waa ay fiicantahay in qofku riyo iyo hadaf yeesho laakiin waxa ka sii fiican in baacsado, oo taageere u noqdo riyadiisa si u gaadho.  Imis qof oo sida Tom Clancy ah baa wakhtigan jooga, kuwaas oo riyooyinkooda laabta ku haysta, ka dibna wahsiga iyo cadaadiska noloshu dib u celiyay,  ugu danbayna dhanka dabaysha nolosha u socoto uun u raacay.
Talada Tom Clancy ee qoraayada.
Waxa aad u baratay wax qoridda si la mid ah sida aad u baratay ciyaarta Golofka ama kubada cagtaba. Waad ciyaartay, waanad sii joogtaysay illaa aad siday ay tahay u baratay.  Dad badan ayaa markaa moodaya in waxani si ruuxi ah kuugu soo degeen, iyaga oo u malaynaya in dhegtaba laguu saaray xirfaddaada. Laakiin qoraalku ma aha waxyi qofka ku soo dega- waa shaqo adag.
Ma jiro wax gaar ah oo ku soo dega dadka doorta in ay nafahooda dib u helaan  (dadka dib u qaabeeya naftooda, ee dib u doorta waxa ay ku wanaagsanyihiin) si ay riyooyinkooda u gaadhaan.  Uma fududa sida ay kuugu fududahay arrintani.   Waxa ay doorteen in ay shaqo qabtaan, oo ay tallaabo qaadaan. Naftooda ayay doorteen.
In aad naftaada dib u qaabayso/dib u cusboonaysiiso oo aad barato xirfado horumarsan waa shaqo adag.  In aad ka soo bilawdo qaabaynta noloshaada qaab la’aan una farsamayso qaab togan waa shaqo adag.  In aad ka dalacdo shaqaale kursi (xafiis) una dallacdo hal-abuure ganacsi waa shaqo adag. In aad noqoto Noofalyahanka ugu fiican, adiga oo ahaa iibiye –caymis shirkdadeed waa shaqo adag.  Markaa waa wax qurxoon oo qiimo badan in aad hadaf walba ku dagaalanto sidii aad u gaadahi lahayd.

Sida Tom yidhi ma jiro wax ruuxi ah oo qofka ku soo degaa.  Ma jiro waxyi aad dareemayso oo kugu soo degayaa. Tallaabada ugu horaysa ee riyooyinka lagu xaqiijiyaana waa mid aad u gaabisa, oo aan qurxoonayn isla markaana ah mid qallafsan-waa sida adiga oo qoraya buug sheeko  ah (novel) dhamaadka todobaadka, isla markaana maamulaya shirkad yar oo caymis ah. waaba sidaas rumaynta riyadaadu.

Arrinta ugu adag  ayaa ah,  in dib u qaabaynta noloshaadu tahay shaqo adag oo aan qofna kugu ammaani doonin-waliba marka hore ee aad bilaabayso. Waayo Tom ba xaaskiisu waxa ay ku odhan jirtay “orod oo shaqadaada caymiska dib ugu noqo, marka ay aragto isaga oo wax qoraya.”
Warka fiicani waa in aan wadada aad u marayso shaqada aad jeceshay iyo filashadeedu isku mid ahayn, laakiin waa ay ku gayn kartaa halka aad hiigsanayaso haddii aad doorato in aad wax cusub qabato.  Wali wakhti baad haysataa aad naftaada dib ugu hagaajiso si aad yoolashaada iyo riyooyinkaaga u gaadho. Taasina waa taladii Tom.
FG: Qormadan oo aan ka soo hal-tebiyay luuqada Ingiriisida waxa qoray James Clear.  Dulucda qormadu waa dhiirigalin ku socota dadka aanay islahayn shaqada ay hayaan iyo waxa ay ku wanaagsanyihiin ama ay noqon lahaayeen. Nuxurkeeduna waa in qofku abbaaro waxa uu jecelyahay qabashadiisa, oo uu is waafajiyo hibadiisa iyo falkiisa.






Tuesday, February 4, 2020






"Dad badani noloshooda kama aha dirawal. Waxay ka yihiin rakaab. Waa sababta qaar badan oo innaga mid ahi ugu noolyihiin nolol aanay iyagu gadh wadeen ka ahayn, nolol cid kale ku xidhan, nolol lala leeyahay iyo nolol aanay iyagu wadin ee lala wado. Mana dhacdo inay natiijada ku raali noqdaan. Qof aan adiga ahayni ma abuuri karo nolol aad ku niyadsantahay. Waa kuu keligaa. Dhig kaadhka dhibanaha oo bilaw nolol aad adigu madaxweyne u tahay. Abuuro nolol aad adigu leedahay. Yaan laguu yeedhin noloshaada. Qof kaaga wanaagsan qorshaynta noloshaadu ma noola. Waa xiligii aad noolaan lahayn xaqaaga." 

#Waamarkaagii!

Sunday, February 2, 2020

Waad furi kartaaa albaabo cusub oo noloshaada dhinaca kale ujeediya





"Dadka qaar shaqooyinka ay hayaan iyo xaaladaha ay ku noolyihiin waxa ay ku jireen muddo badan. Ugu danbayn waxa ay aamineen in ay intaas keliya tahay inta ay noloshuba u hayso. Waasee aaminsanaan qaldan oo ay sababtay ku celcelinta iyo muddada dheer ee ay ku jireen xaaladaa amma shaqadaa. Waxay u baahantahay wakhti iyo tamar in la burburiyo aaminsanaantaasi. Waxase ka degdeg badan in uu qofku gaadho darajo uu xammili karo waayo dareenkaas. Goorma ayaad dhakhtarka tegtaa? Marka uu laxawgu jiif iyo joogba kuu diido. haddiise aanu xanuunku faro kulul kugu hayn waad iska sii socsocon adiga oo bukaan socod ah. Tan waxa u dhiganta in dad badani ugu sii adkaystaan xaalado iyo shaqooyin ay u arkaan dani ku baday iyo qushiye iska wado ah oo aan qorshe ka danbayn. Waad bedeli kartaa oo furi kartaa albaabo cusub oo noloshaada dhinaca kale u jeediya."

#Waamarkaagii!

10

Shaqo la'aantu ma qeexna










26, 2019

Shaqo la’aantu ma qeexna.


Dadku waa shaqo-raadis firfircoon, laakiin markaa ma hayaan shaqo ay qabtaan, markaas ayaa  la odhanaya shaqo la’aan ayaa jirta. Marka dhanka kale laga soo istaago  tirada shaqo ee jirta waxa  ay calaamad lagu aqoonsan karo u noqonaysa tirada dadka ee shaqeeya, marka laga reebo shaqooyinka aanay dadku ku baraarugsanayn ama aan la daahfuran. Shaqo la’aantu waa dhibaato dunida oo dhami la tacaalayso, mana jirto kob adduunka ka mid ah oo aanay ka jirin. Kala duwanaantu se waxa ay noqonaysaa hadba heerka ay leegtahay iyo nooca shaqo la’aaneed ee ka jirta waddankaas. Dawlado dhan ayaa dadku kaga horyimaadaan camal la’aan soo foodsaartay, tusaalaha nool ee qarniganna waa dhacdadii Tuniisiya ka dhacday sanadkii 2010. Wiil dhalinyar ah oo jaamacad ka baxay, qorshe ganacsi oo uu samaystayna dawladdu ka burburisay ayaa isku gubay meel fagaare ah isaga oo naftiisa u halaagay shaqo la’aan. Dhimashadiisii waxa ay sabab u  noqotay in ay  dhacdo dawladdii waddankaa ka talinaysay, halkaana waxa ka bilaabmay kacdoonka caanka noqday ee Gu’gii Carabta la magac baxay, kaas oo galaaftay boqorro iyo madaxweynayaal. Kacdoonkaas oo illaa maanta halkiisii ka sii socda –u fiiro Suudaan, oo ay wali wacdarihii kacdoonkaasi ka sii bidhaamayaan.  

Bulsho ahaan waxa aynu nahay dad kobocooda dhaqaaleh hooseeyo, kaabayaasha dhaqaalana aan wali sidii la rabay loo dardargalin. Sida oo  kale ma lihin wax soosaar khayraad sida macdan qodis, shidaal, beero iyo mashaariic waaywayn (heavy project) kuwaasi oo dhammaantood si toos ah u ga qayb qaadan lahaa yaraynta shaqo la’aanta. Waxa aynu nahay bulsho ay ku yaryihiin xirfadaha lagu shaqaysto ee nolol maalmeedku lagu soo saarto. Taasina waxa ay sii kordhisay heerka shaqa la’aanta ee bulshada.  Walina inooma cadda heerka shaqo la’aanta bulshadu la nooshahay iyo waliba noocyada shaqo ee deegaankeenna yaalla. Mawdduucan dunidu aad ayay isaga xil saartaa, waxa aanay samaysaa baadhisyo qoto dheer oo lagu dersayo sababaha dhabta ah ee keena shaqo la’aanta iyo sidii loo dawayn lahaa.

Soomaalidu waa dad bulsho xigaalnimada iyo qaraabnimada aad u tixgalisa, is xidhiidhisa ama wax is tartaba marka qofka xaaladi ku soo baxsato. Ma  jiro wakhti qofku qoyskooda si toos ah uga xoroobo dhaqaale ahaan iyo talo ahaan ba inta aanu u banbixin nolol uu kalidii maamulkeeda leeyahay. Waxa jirta in qofka dhalinta ahi da’ sodon ka badan ku gaadho gurigooda, jeebkiisa maalinlaha ahna ka helo qoyskiisa, halkaasna ay ku lunto tamar iyo fikir badan oo uu galin lahaa in uu samaysto shaqo uu naftiisa ku dabbaro. Waxa uu noqonayaa qof caban oo in shaqo laani hayso aan dhaafin karin hadalkiisa iyo awooddiisa ba, maaddama oo aan qoyskooda dibadda u saarin. kuwani waa dadka ugu badan ee shaqo laanta ka cawda.

Halkan waa ay inagaga duwan yihiin wadamo badan, kuwa reer galbeedku haba ugu badnaadaane, waayo qofku haddii uu qaangaadho ama uu noqdo qof jidh ahaan iyo maskax ahaan ba dhamaystiran waxa laga lagu dhiirigaliyaa in uu naftiisa bixiyo, oo uu noqdo qof maaraynta noloshiisa u foof taga. Qofkuna waxa uu  si isku dirqiyid ah u bartaa xirfadaha nolosha taageera, waana sababta keentay in faca dadyawga horumaray wax ku soo kordhiyaan bulshooyinkooda.

Inta badan lama soo saaro xog sax oo ku saabsan heerka shaqo la’ aanta,  in la sameeyo tiro sax oo sheegaysa shaqo la’aanta markaa jirtaana waa ay adagtayahay.  Sababta  waxa aynu u aanayn karraa dadka shaqo la’aantu haysaa oo aan ahayn  kuwo warkooda soo gaadho cidda raadinsaya xogta camal la’aanta.  Dadka qaar ma jeclaba in ay sheegaan shaqo la’aantooda sababo dhaqan ama caadooyin bulsho darteed, kuwa kale waaba ay iska laasimeen shaqo la’aanta oo waxa ay noqdeen kuwa fadhiid ah.

Qodobadani waxa ay ku adkaynayaan xogbaadhayaasha, dawladaha, ururada maxalliga iyo cid kasta oo ku hawlan in ay helaan xogta shaqo la’aanta gaar ahaan tirada rasmiga ah ee bulshadaas shaqo la’. Taa bedelkeeda  waxa ay qaataan cabbiro ( measurement) ay is diidi karaan xaqiiqada ku saabsan la’aanta jirta, iyaga oo aan samaynin  raadraacyo iyo xogbaadhis dhamaystiran. Natiijada soo baxaysaa waxa ay u dhawdahay mid aan si buuxda u meteli karin heerka shaqo la’aaneed ee wadanka.  Waxa kali ee ah aynu si marag ma doon ah u ognahay waa in shaqo la’aan baahsani jirto, cidda ugu badan ee aan shaqaynina ay dhalinyaro tahay. Taasi waa cabir qofka caadiga ah ee suuq joogga ahiba garan karo, laakiin ma aha  warmurtiyeed si aqoonaysan loo xaqiijiyay tiro ahaanna sugan.

Caqabadaha hortaagan in si dhab ah loo qeexo shaqo la’aanta waxa ka mid ah gorfeynta xalka shaqo la’aanta iyada oo aan awoodda la saarin sidii loo xaqiijin lahaa, loona qeexi lahaa heerka shaqo la’aaneed ee bulshada, cidda ugu badan ee aan shaqo haysan, deegaanada  ay ku badantahay iyo sababaha keenay. Tusaale ahaan; midkee ayay shaqo la’aantu ku badantahay dadka aqoonta leh iyo kuwa aan waxba baran. Halbeegyada aqoonta casriga ahi ku fuudhiso marka ay shaqo la’aanta dersayso waxa ka mid ah dadka waxbartay, oo ah kuwa inta badan ku dhawaaqa in ay shaqo la’ yihiin. Xogaha laga sameeyay  shaqo la’aantana intooda badani waxa ay ku dhisanyihiin  dadkaas wax bartay. Halkaas waxa ka muuqanaysa in cid kali ah xogtooda la darsay, oo xaglin (bias) lagu sameeyay dhammaan shaqodoonada kale ee aan lagu ogaan karin illlaa baadhis la sameeyo.

Dhaqaalaha iyo  khayraadka oo aan saamaxayn in la wada gaadho bulshada shaqo la’  waxa ay keentay in si sax ah loo sugi kari waayo  tirokoobka dalka ee shaqo la’aanta. Dhanka kale ma jiraan machaddo cilmi baadhiseed oo isku hawlay arrintan si loo helo daraasad lagu kalsoonaan karo oo laga tixraaco marka la qeexayo shaqo la’aanta. Sida aynu xusnayna “Dhalintaa waxbaratay” ayaa laga cabbir qaataa marka la dersayo arrintan. Cabir ahaan in dhalinta waxbaratay oo kaliya looga qiysaas qaato shaqo la’aanta jirta ma noqonayso dood sax, mana noqon karaan saami u taagan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee shaqo la’aantu hayso. Waayo nooc kasta oo bulshada ah waxa ay biyo dhigtay qayb shaqo la’aanta ka mid ah, ha noqdaan kuwa aqoont leh, kuwa muqur maalka ah, kuwa guryaha  jooga, kuwa xirfadaha bartay iyo cid kasta oo si uun shaqo la’aani u hayso.

Laba Xogbaadhis oo uu sameeyay xafiiska dawlada Maraykanka u qaabilsan tirokoobka shaqaalaha ayaa qeexay in ay jiraan saddex nooc oo shaqo la’aan ah, kuwaasi oo haysta dhammaan noocyada kala duwan ee bulshada.  Shaqo la’aan kala-guur (Frictional unemployment), taasi oo ah shaqo la’aanta ka timaadda marka shaqaaluhu ka tago shaqadiisa hore si uu u raadsado shaqo kale oo ka fiican tan uu ka tegay.  Shaqo la’aan xirfadeed (Structural unemployment), taasi oo ah marka xirfadda ama aqoonta shaqaaluhu noqon waydo mid ku haboon shaqada markaa jirta. Tusaale ahaan; warshadda roodhida oo marka hore gacanta ku samayn jirtay noocyada kala duwan ee roodhida ayaa soo iibsatay Mishiin roodhida sameeya.  Shaqaalaha markaa joogaa malaha xirfaddii iyo aqoontii mishiinka, markaa waa in ay shaqada ka tagaan si loo helo shaqaale leh aqoonta iyo xirfadaha mishiinkan. Tan waxa keena tiknoolajiga casriga sida ROBOTS (mishiino sida aadamaha u shaqeeya). Halkaana waxa ka soo baxaysa nooc shaqo la’aan ah.

Tan saddexaad waa    shaqo la’aan ka timaada dhinaca hoos u dhacyada ganacsiyada (cyclical unemployment), taasi oo ay sababayso marka baahida alaabta iyo adeegyada suuqyadu hoos uu dhacaan, isla markaana shirkadaha ama loo shaqeeyayaashau yareeyaan ama dhimaan shaqaalaha.  Xogtan oo ku timi xog baadhis iyo raadraacyo lagu sameeyay dhammaan suuqyada shaqooyinka waxa aad arkaysaa in ay saamaynayaan noocyo kala duwan oo dad ah, kuwaasi oo kala xirfad ah, kala aqoon ah, kala nolol ah, balse intuba waa shaqo la’aan.

Marka aynu cabirkan ku fuudhino bulshadeena  nooca shaqo la’aaneed ee bulshadeenna ku badani waa midda labaad (structural unemployement). Aqoonta aynnu barannaa inta badan kuma jaan go’na nooca shaqooyinka wadankeenna yaalla. Tusaale ahaa: Huteelada waawayn waxa ka shaqeeya boqolaal shaqaale ah oo la isla yaqaan. Boqolkaas inan ayaa ku dhex wareega. Ma jiraan ama waa ay yaryihiin machadado soo saara dhalinyar baratay xirfadaha hoteelada lagaga shaqeeyo, waxaaba laga yaabaa in ay tahay shaqada ugu badan ee cid loo naadiyo inta badan, cid ka shaqaysana lala baryo.

Su’aalaha aynnu is wayddiin karaaa waxa ka mid ah; inaga bulsho ahaan, shaqo la’aantu ma qeexantahay? Ma jirtaa xog rasmi ah oo lagu jaangoyn karo nooca shaqo la’aanta jirta?  Ma shaqaale la’aan baa jirta oo shaqo waa ay buuxdaa?. Dhammaan su’aalahan jawaabtoodu waxa ay u baahanyihiin xog rasmi ah iyo baadhid dhammaystiran si loo qeexo shaqo la’aanta rasmiga ah ee jirta.

Qalinkii: libaan abdi 






Tuesday, January 14, 2020

To Shaqo la'antu waxay sababi karta wer wer iyo walac jogta ah
Waxay sababi karta in qofku ka qusto dalkisa,
Oo door bido dalal shisheeye.

Hadaba matahay shaqo don?
Madonaysa shaqo aad umadax banaan tahay?
Daqliga ku so galaya uu yahay mid ad adigu go'amin karto?

Nagalasoo xidhiidh qaybta lamparka
Like and share
Insh Allah waan kucaawin doonaa

Friday, October 12, 2018

  Sidee Ardaygu Ugu Diyaar Garoobi Karaa Uguna Guulaysan Karaa Imtixaannada?Imtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo magacagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samaysay ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Maskaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan “weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”.
Waa Maxay Ujeeddada Imtixaanka loo qaadaa?
 Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa maskax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo.
Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaan kaga gudub uun. Bal dib u eeg maado kasta ood u baratay si aad imtixaan ugaga gudubto. Marka aad imtixaanka maadadaa ka soo baxdo hal saac ka dib haddii imtixaan labaad lagaaga qaado, waxaa xaqiiqo ah inaanad u garanayn sidii hore, iskaba daa haddii ay maalmo, bilo ama  sannado ka soo wareegaane.
Mar haddiiba niyadaada ay ku jirto imtixaanka kaga gudub, waxaa aad akhriyayso maskaxdu waxay dhigaysaa kaydkeeda ku meelgaadhka ah una gudbin mayso kaydka waarista ee mudada dheer.
Haddiise ay kaa tahay aqoon kasbasho iyo inaad naftaada, qoyskaaga, iyo ummadaadaba ku anfacdo haba yaraadee wuxuu u gudbi qaybta maskaxda ee kaydka waaraya. Taasaana ta kugu hadhaysa, hadhawna aad cidkale u sii gudbin karto.
Waa Maxay Tallaabooyinka Togan ee aad qaadi kartaa si aad u Diyaar garawdo?
Inta aanad imtixaanka gelin waxaa kuu taala hawl badan. “nin la sugayoow adna yaad sugi”. Goorma ayaad bilaabaysaa diyaar garawga imtixaanka? Ma maalinta imtixaanka? Ma wiig ka hor? Ma bil ka hor? Mise? Eeg qodobadan hoos ku qoran oo kaa kaalmaynaya sidii aad u diyaar garoobi lahayd.
Diyaar garawgaagu haka bilaabmo maalinta aad casharka soo dhigataba. Sida in badan ardaydu ay yeelaan, ha sugin inta imtixaanku kabaabiga ku soo saarayo.Garo qaybaha ugu muhiimsan ee darsiga aad imtixaanka u galayso. Ha is dawakhinin, hana qaybin buug dhan kor iyo kal sida dadka qaar sameeyaan. Darsi karta wuxuu leeyahay gobo’ iyo nuxur. Had iyo goor nuxurka ku tuntuunso, faahfaahintana adigu ku darso markaad imtixaanka timaado.Isku day inaad saadaaliso su’aalaha suuro gal ah in lagu waydiiyo. Haddaad adigu macalin ahaan lahayd, oo aad maadadan imtixaankeeda qaadi lahayd maxaad ardayda waydiin lahay. Ka soo qaad in imtixaankaagu adkaan lahaa. Su’aalahaas aad ardayda mala awaalka waydiisay, waxaa suuro gal ah inay noqdaan ugu dhowaan inta ugu badan ee imtixaanka.Habeenka imtixaanka ka horeeya ha soo jeedin si aad hurdo wanaagsan oo kugu filan u hesho. Ardayda qaar baa wax akhriya iyaga oo luloonaya. Waa bar kuma taal.Goobta imtixaanka kaalay wakhti ka hor  si aad ula sii qabsatoSidee ayaad Imtixaanka ugu Guulaysan kartaa?
Na nixin, ha werwerin, hana walbahaarin. Waxaa lagu waydiinayaa waa wixii aad soo dhigatay ee aad soo diyaarisay uun.Aamin, kalsoonina ku qab inaad garanayso waxaa lagu waydiin doonoIska fogee buugta, waraaqaha, iyo wax kasta oo keeni kara in lagaaga shakiyo qish iyo khiyaamo.Marka warqada laguu dhiibo, bisinka Allah ku bilaw intaanad wax kale qaban, magacaana ku qor.Akhri tilmaaha dhammaan qaybaha imtixaanku ka Kooban yahay si aad u ogaato inta laga shaqaynayo, inta laga tagi karo, kuwa khasabka ah in laga shaqeeyo iyo wixii la mida.Bilaw ka shaqaynta adigoo ka bilaabaya hadba su’aalaha aad hubto jawaabtooda 100%. Marka labaad ee aad ku soo noqoto ka fikir kuwa aad wax ka garato waxna ka garan waydo. Marka aad kuwaas dhammayso u kaalay kuwa kugu adkaada.Waligaa meel madhan ha ka tagin. Ereyada, iyo weedhaha meesha ku yaal inta aad dhuuxdo haddii aanad xasuusnayn jawaab saxa isku day inaad qiyaas xikmadaysan samayso waxaaba la arkaa inaad ku guulaysato ee.Waydii macallinka ama cidda ilaalinaysa haddii la oggol yahay weydiin.Ha degdegin, hubi inaad dhammaysay, inaad saxday iyo inaad jawaabaha wada dhamays tirtay.Marka aad hubiso inaad wax walba dhammaysay ilaahay la kaasho, ha walwalaacin si aanad su’aalo isaga qaldin.Ha werwerin hana degdegin haddiiba ardayda qaar kaa hor dhamayso, waayo iskuma xidhnidin ee adigu wakhtigaaga uun ilaasho inaanu kaa dhicin.Mar labaad hubi inaad magacaaga, iyo wixii kale loo baahnaaba ku qortay.Gunaanad
Ardayga wanaagsani waxbarashada hadaf buu ka leeyahay, ee kama aha qayrkaaba wuu bartaaye adna samee. Marka ay sidaa tahay ma noqonaysid imtixaan-u-noole. Imtixaan-u-noolayaashu way dhayalsadaan waxbarashada, way iska baashaalaan, marka dambana werwer, walbahaar iyo qulub ayaa u dhammaada. Waxaad arkaysaa goobta imtixaanka iyada oo ku soo hagaagi la’.
Ardayga ujeeddo wax u baranaya ee soo diyaar garoobayna waxaad arkaysaa isagoo hore u galaya goobta, buugta iyo waraaqaha iska fogaynaya, diyaarna u ah inuu cariyo maskaxda iyo xusuustiisa. Wuxuu filayaa inuu garanayo su’aalaha la waydiin doodon.
Ha noqon dadka werwera ee maskaxdu ka lunto marka goobta imtixaanka la yimaado. Is deji naftana u sheeg inaan mushkiladi jirin ee wax aad garanayso uun lagu waydiinayo.
Noloshaada iyo wakhtigaagaba qofshee si ay suuro gal kuugu noqoto inaad diyaar garawdo inta aan imtixaanba kuu iman, maalmaha imtixaankana waa inaad xooga saartaa meelaha muhiimka ah, waa inaad is imtixaantaa adiga oo odorosaya su’aalaha kuu iman kara, jawaabna u raadinaya.
Allah waxaan ka baryayaa inuu imtixaanka   adduunk iyo kuwa aakhiroba inoo fududeeyo.By: Libaan Abdi

Wednesday, September 26, 2018

Be responsible and do not neglect your resposibilities and duties

                                       

             

       Liibaan abdi cigaal (Faraxsane)            Barta Aqriska iyo fahanka       

                                 FEATHERY BACKMAN

There was a man that people called "Dubkaa Baalow" which meant feathery back who lived in a community. He was also the achief of that community. This is a tale of how he got his name. One day, the townspeople were invited to come together for a meeting. An announcer called loudly, " Listen people, there will be a general meeting and you are all invited to attend. A very important matter will be discussing and valuable things will be distributed among the people from all the communities. All the people in the area gathered at the meeting site. As people were discussing and interchanging ideas. Dubkaa Baalow became sleepy and fell asleep. After a long debate, the people in the community concluded their discussing and agreement on how to share things was reached. Dubkaa Baalow was sleeping and neglected his responsilities. After the meeting ended and elders were about to leave, they saw Dubkaa Baalow snoozing. They hung feathers on his back. And left him there alone. When he woke up, he looked around and saw no one. He started traveling back to his home.

On the way he met a group of men who laughed at him as they were greeting him. He became suspicious and asked, "You men why are you laughing at me they replied, "what are these feathery hanging on your back?" He looked at his back, saw the feathers, and said, "Today, feathers were hung on everybody's back just like this " when he returned to his community, The people asked many question, "What happened at the meeting?" How was it: what has been agreed by the elders? Where is our share of what was distributed?" He knew nothing about what happened at the meeting because he was sleeping through most of it, so he said,"Nothing was discussed today. People went there and feathers were hung on everybody's back. "Some people' laughed at him and some were astonished. 
From then on, he has known as Dubkaa Baalow. 
What do we learn from this story? Be  responsible and do not neglect your responsibilities and duties be easily explained by someone with more knowledge about the situation.

Waxaan diyaar u ahay inaa mar waliba kufaaido fadlan subscrib isaar mahadsanid

WhatsApp

Postiyada aan qoray waqtiyadooda